You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Kenya oo 'danjireyaal' u kala magacowday Muqdisho iyo Hargeysa

    Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golahiisa wasiirada iyo danjireyaasha u fadhiya dibeda. Liiska magacaabista iyo baddelaadda safiirrada iyo qunsiladaha ayaa waxaa ku jiray safiirka kenya u fadhin doona dalka Soomaaliya.

    Mas’uulkaan oo warqadda la soo saaray kaga jira nambarka 14-aad ayaa lagu magacaabaa Kiringo Kubai, balse isla warqaddaas waxaa nambarka 16-aad kaga jira Cabdi Wali Maxamed oo isna loo magacaabay Hargeysa haye-yeeshee ma cadda in uu yahay Qunsul, wakiil ama safiir.

    Danjiraha cusub ee Kenya u magacowday Soomaaliya waxaa uu ka tirsanyahay baarlamaanka Kenya waxaana laga soo doortay deegaanka Igembe oo ka tirsan Ismaamulka Meru.

    Kiringo Kubai ayaa badalaya Thomas Chepkuto oo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyaatta u magacaabay xilkan sanadkii

    Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayaa Mr Kiringo ugu mahadceliyay madaxweyne Ruto xilka uu u magacaabay ee ah inuu dalkiisa ku matalo dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya.

  2. Raila Odinga oo su'aal galiyay ciidamada dalkiisu u dirayo Haiti

    Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa su’aal galiyay go’aanka dalkiisu ku hoggaaminayo howlgalka nabad ilaalinta ee Haiti si loola dagaalamo kooxaha burcadda ah ee halkaasi ka jira, isagoo ku tilmaamay arrintaa tilllaabo qaldan.

    Mr Odinga, oo wareysi siiyay TV maxalli ah ayaa sheegay in booliska la qorsheeyay ee Haiti uusan ahayn mudnaanta Kenya, isagoo intaa ku daray in gobolka Bariga Afrika uu horay ula daalaa dhacayay "dhibaatooyin ku filan".

    "Kahor intaadan xitaa imaan Afrika, Haiti waxay ku taal albaabka Maraykanka oo ah waddanka ugu awoodda badan adduunka, maxay tahay waxa gaarka ah ee Kenya oo loo doortay inay hoggaamiso ciidamada caalamiga ah ee Haiti?" Odinga ayaa is waydiiyay.

    Odinga ayaa sheegay in xaaladda Haiti ay tahay mid khatar ah, isagoo ka digay in ciidamada Kenya ee loo qorsheeyay halkaasi ay halis ku jiraan.

    Haiti waa khatar, waxaana suurtogal ah in booliisku ay dhibaatooyin kala kulmaan halkaas," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    "Dhibaatada Haiti ka jirta waa mid siyaasadeed, uma baahna kaliya qori, waxay u baahan tahay wadahadal," ayuu Mr Odinga hadalkiisa ku daray.

    Isniintii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay in loo diro muddo hal sano ah iyadoo dib u eegis lagu sameeyay sagaal bilood ka dib.

    Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ballan qaaday "in aysan fashilmin dadka Haiti".

    Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadka dhaleeceeyay arrintan ayaa shaki ka muujiyay awoodda booliiska Kenya ay u leeyihiin inay wax ka qabtaan kooxaha burcadda ah ee Haiti.

  3. Waxa uu salka-ku-hayo dagaalka labada wasiir ee Facebook ka qarxay

  4. Faahfaahin ka soo baxaysa mas'uuliyiin ku dhintay dagaalkii shalay ee gobolka Mudug

    Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Shabeelow oo ka tirsan gobolka Mudug ay ku dhinteen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka magaalada Gaalkacyo iyo sarakaiil ciidan.

    Mas’uliyiin deegaanka ah oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Cabdiqani Afyare oo ahaa xoghayihii degmada Gaalkacyo iyo taliyihii ciidamada xasilinta gobolka Mudug oo lagu magacaabi jiray Cali Naasiray ka mid noqdeen dadka dagaalka ku dhintay.

    Dagaalka shalay dhacay oo ka mid ahaa dagaalladii ugu cuslaa ee dhexmara ciidamada dowladda oo tagaeero ka helaya kuwa deegaanka iyo kuwa Al-Shabaab ayaa saacado badan la isku ridayay hub culus, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhawaac soo kala gaaray dhinacyada dagaallamayay.

    Inkastoo saaka deegaannadii shalay dagaalladu ka dhaceen ee gobolka Mudug uu xaalkoodu degganyahay haddana mas’uuliyiinta aaggaasi ayaa sheegaya in iyagu ay halkaa joogaan isla markaana ay Al-Shabaab halkaa ka saareen ayna gaarsiiyeen khasaare xooggan.

  5. Waa ayo Dhagaxtuur? ma qof mise dhacdo?

  6. Arrin Cumar Xasan Al-Bashiir ku saabsan oo Suudaan ka abuurtay jaha-wareer

    Olole loo adeegsanayo garaad macmal ah oo la isaga dhigayo Cumar Xasan Al-Bashiir, hoggaamiyihii hore ee Suudaan, ayaa boqollaal kun oo daawasho ah ka helay barta TikTok, taas oo jahawareer dhanka internetka ah ku soo kordhisay waddankan ay burburiyeen dagaallada sokeeye.

    Koonto qarsoodi ah ayaa baahisay waxa ay ku sheegtay " siro iyo codad" uu leeyahay madaxweynihii hore ee Suudaan kaas oo la baahinayay ilaa dabayaaqadii Agoosto.

    Bartaan ayaa la soo dhigay tobanaan farriimo codad ah - laakiin waa been abuur codadkaasi sida la sheegayo.

    Bashiir, ayaa lagu eedeeyay inuu abaabulay dambiyo dagaal, waxaana xukunka ka tuuray xiidamada sanadkii 2019, iyadoon meel fagaare ah lagu arag muddo sanad ah, waxaana la rumeysan yahay inuu aad u xanuunsanayo. Wuxuu diiday eedaymaha loo jeediyay ee dambiyada dagaalka.

    Walaaca ku saabsan halka uu ku sugan yahay ayaa sii kordhinaya hubanti la'aanta dalku uu ka jiro ka dib markii ay bishii Abril uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya militariga, hadda hogaanka haya iyo ciidamada kale ee RSF.

  7. Dhageyso: Jahawareer dhanka maamulka ah oo ka jira Boosaaso iyo dhinacyada ku lugta leh

    Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland waxaa ka taagan khilaaf dhanka maamulka ah waxaa laga sameyay laba maamul oo iska soo horjeeda.

    Khilaafkaan ayaa xitaa saameyn ku yeeshay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo mas'uuliyiinta wasaaraddaas ayaa si is khilaafsan uga hadlay maamullada is diidan ee looga dhawaaqay Boosaaso.

  8. Sida uu barnaamijka codka lagu bedelo ee Tiktok u hurinayo dagaalka

  9. Muxuu ahaa kulanka ducada Yahuudda ee lagu qabtay Sacuudiga?

  10. Hadii aad Kenya joogto oo aad Netflix bilaash ku daawan jiraty waa la isaga daba yimid

    Shirkadda Netflix ee bixisa adeegga tooska ah ayaa ku dhawaaqday in ay joojin doonto adeeggeeda bilaashka ah ee Kenya bisha soo socota iyada oo raadinaysa habab ay kor ugu qaaddo dakhligeeda iyada oo lagu jiro tartanka suuqa.

    Sanadka 2021, Netflix waxa ay u ogolaatay isticmaalayaasha wadanka ku yaala Bariga Afrika in ay helaan wax ku kooban iyaga oo aan wax lacag ah bixin.

    Tani waxay ahayd isku day lagu doonayay in lagu dhex galo suuqa Kenya.

    Warbixin ay soo saartay, Netflix waxay ku sheegtay in qorshahan aanu sii jiri doonin laga bilaabo 1da Noofambar.

  11. DEGDEG:Qaaradaha lagu qabanayo koobka adduunka oo la shaaciyay

    Koobka Adduunka ee 2030 ayaa lagu qaban doonaa lix wadan oo ka kala tirsan saddex qaaradood, sida ay xaqiijisay Fifa.

    Spain, Portugal iyo Morocco ayaa loo magacaabay inay wada martigelinayaan, iyadoo saddexdii kulan ee furitaanka ay ka dhaceen Uruguay, Argentina iyo Paraguay.

    Kulamada furitaanka ee South America ayaa lagu xusayaa qarniga koobka aduunka maadaama 100 sano laga joogo markii uu dhacay kulankii daah furka ahaa ee koobka adduunka ee Montevideo.

    Go’aanka ayaa lagu wadaa in lagu ansixiyo shirweynaha Fifa sanadka soo socda.

  12. Askar lagu laayay Niger oo aas wadareed loo sameeyay

    Tirada askarta la sheegay in lagu dilay weerar ka dhacay galbeedka Niger ayaa gaartay lixdan. Goob joogayaal ayaa tiriyay meydadka intii ay socotay aas wadareed oo uu goob joog ka ahaa wasiirka difaaca ee dalkaasi.

    Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in sagaal iyo labaatan ay ku dhinteen weerar gaadmo ah oo Isniintii ay mintidiinta Islaamiga ah ku qaadeen gobolka Tahoua.

    Ciidamo kale ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay. Weerarkan ayaa u muuqda kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Niger tan iyo markii madaxweyne Maxamed Bazoum lagu afgambiyay afgambi bishii July.

    Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay inay tahay amni darrada dalka ka jirta. Bishii Agoosto dagaalyahannada jihaad doonka ayaa ugu yaraan toddobo iyo toban askari ku dilay galbeedka gobolka Tillaberi.

  13. Kenya oo shaacisay xiliga ay cidamadeeda ka baxayaan Soomaaliya

    Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Ducaale ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka uga bixi doonaan afar waji.

    Isagoo aqalka Senertka la hadlayay Arbacadii, Ducaale ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada ay inta badan ku xirnaan doonto heerka guusha laga gaaro howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

    Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan ka joogin ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, balse ay jiraan saraakiil ka tirsan KDF oo ka hoos shaqeeya ATMIS oo u sii mara Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika oo ogolaansho ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    “Marka go’aanka ciidamada Kenya ay uga baxayaan Soomaaliya waxa ay ku xiran tahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin horumarka laga gaaray shaqada ATMIS-ka iyo xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya,” ayuu yiri Ducaale oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiyeen Senetarro ka tirsan aqalka Senate-ka.

    Wasirka, si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ay bilaabatay bishii April ee sanadkii hore, taasoo ah istaraatiijiyad hoos u dhac ah oo looga dan leeyahay in si tartiib tartiib ah mas'uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Qorshaha dhimista ayaa socon doona ilaa Diseembar 31, 2024.

    Hadda ka hor, wejigii koowaad ee dhimista ayaa la soo gabagabeeyey, waxaana ka baxay guud ahaan 2,000 oo ATMIS ah, 400 oo ka mid ah ciidamada Kenya, 400 oo Uganda ah, 400 oo ka socda Itoobiya, 600 Burundi ah iyo 150 ka socda Jabuuti. Tani waxay dhammaatay bishii June ee sanadkan." ayuu yiri wasiirka

  14. Sidee ayay Somaliland u saameyneysaa hakinta dhoofka xoolaha ee Sacuudiga?

  15. Mudaaharaadyado ka dhan ah madaxweynaha oo ka dhacay Masar

    Ku dhawaad ​​400 oo qof oo ku nool Masar ayaa loo xiray "dhacdooyin rabshado ah" ka dib markii madaxweyne Abdul Fattah al-Sisi uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad u tartami doono doorashada, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

    Hadalka madaxweyne Sisi ee salaasadii ayaa dhaliyay isu soobax naadir ah oo ay dadweynaha ku muujinayay caradoda hadalka madaxweynaha - muuqaallo baraha bulshada qabsaday ayaa muujinaya mudaaharaadyo ka dhacay waqooyiga-galbeed ee magaalada Marsa Matrouh.

    Muuqaalkan, ayaa waxaa la maqlayaa dad ku qeylinaya "Sisi out" oo ku baaqaya in uu burburo maamulkiisa muddada tobanka sano ah. Muuqaalo kale ayaa muujinayay isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaasha iyo booliiska.

  16. Doon sidday 280 muhaajiriin ah oo soo gaartay jasiiradda Canary

    Doon yar oo sidday 280 muhaajiriin ah ayaa soo gaartay jasiiradda Canary ee dalka Spain.

    Doonta ayaa Talaadadii soo gaartay jasiiradda fog ee El Hierro, oo qiyaastii 380km (238 mayl) u jirta xeebaha galbeedka Afrika.

    Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in dadka doonta saarnaa ay asal ahaan ka soo jeedaan Afrikada ka hooseysa saxaraha waana tiradii ugu badneyd ee tahriibayaal ah oo hal mar yimaada jasiiradahaasi.

    U gudubka jasiiradaha Canary waa mid ka mid ah waddooyinka ugu badan ee la isticmaalo uguna halista badan ee Yurub ku soo galaan muhaajiriinta ka imaanaya Afrika.

    "Weligay ma arkin doon ay dad intaas le'eg la socdaan," wariye iyo lataliyihii hore ee socdaalka Txema Santana ayaa ku sheegtay baraha bulshada ka dib markii Doonta uu yimid.

  17. Saddex qof oo dowladda Soomaaliya ay ka qabatay Kenya oo Sufyana ka mid yahay

    Tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaa soo baxayay tillaabooyin iyo habab kale oo dowladdu ay sheegtay in ay ula dagaallameyso kooxda sida in ay kala dagaallanto dhanka dhaqaalaha, faafinta fkiradaha xagjirnimada ah iyo dhinacyo kale. Waxaana hadda muuqanaya in dadka ay u aragto in aragti ahaan kooxda ay taageersanyihiin ay ku beegsato dalalka dibadda loona soo gacan galiyo.

    Mid kamid ah dadka dawladda Soomaaliya gacanta u galay ee laga qabtay Kenya ayaa ah Xasan Xanafi oo ka tirsanaa jiray ururka al-Shabaab ayaa sannadkii 2014-kii laga qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana loo gacan geliyey dawladda Soomaaliya, iyadoo markii dambe maxkamaddi ku xukuntay dil toogasho ah kaas oo lagu fuliyay.

    Waxay maxkamadu sheegtay xilligaas in lagu helay eedihii loo jeediyay oo ahaa inuu ku lug lahaa dilal Muqdisho loogu gaystay wariyaal.

    Cabdi Nuurre Siyaad (CabdiWaal) waa hoggaamiye kooxeed hore sanadkii 2016-kii ayaa isna laga qabtay magaalada Nairobi, iyadoo laga dejiyay magaalada Muqdisho, loona gacan geliyay laamaha ammaanka Soomaaliya.

    Xilligaas dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay Cabdi Waal falal amni darro iyo tillaabooyin liddi ku ah dowladnimada Soomaaliya.

    Sufyaan Sheekh Axmed, oo sidoo kale loo yaqaan (Taakeeye ama Afarxaasle) ayaa hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee Nisa waxay sheegtay in lagasoo qabtay Nairobi lagana geeyay Muqdisho.

    Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in uu"waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Shabaab".

    Sufyaan ayaa degganaa magaalada Nairobi, waxaana hay’adda Nisa ay sheegtay in hadda lagu bilaabay baaritaan iyo wareysiyo lala yeelanayo.

  18. Daawo: Muxuu yahay talaalka cusub ee lagula dagaalamayo duumada.

  19. Maxaadan ka ogayn Sufyaan ninka calanka Soomaaliya ku tilmaamay 'astaan shaydaan'?

  20. War ka soo kordhay weerarkii Safaaradda Itoobiy iyo safaarado kale oo la weeraray

    Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay waddo dedaallo ay dalkaasi uga saareyso shaqaalaheeda ka howlgala safaaradeeda weerarka lagu qaaday.

    Diblumaasi la hadlay BBC-da ayaa sheegay in shaqaale ka tirsan safaaradda Itoobiya lagu dhaawacay weerar todobaadyo ka hor lagu qaaday safaaradda, isla markaana shaqaalahaasi loo geystay tacaddiyo kale.

    Dublamaasigu wuxuu sheegay in marka laga soo tago safaaradda Itoobiya, sidoo kale la weeraray safaaradaha Imaaraadka Carabta, Ruushka iyo Koonfur Afrika.

    Dagaalka lixda bilood ka socda dalka Suudaan ayaa sababay in dalal kala duwan ay albaabada isugu dhuftaan safaaradahoodii, kalana baxaan shaqaalahoodii magaalada Khartuum, waxaana sidoo kale hay’adaha caalamiga ah ay shaqaalahooda kala baxeen magaalada.