Sida uu barnaamijka codka lagu bedelo ee Tiktok u hurinayo dagaalka

Olole loo isticmaalayo garaadka macmalka ah oo loo ekeysiinayo Cumar al Bashiir, hogaamiyihii hore ee Sudan ayaa barta TikTok ka helay boqolaal kun oo daawasho, kaasoo jahawareer xagga internetka ah abuuray dalkaas uu dagaalka sokeeye halakeeyey.

Akoon aan la shaacin cidda ku qoran ayaa tan iyo bishii Agoosto soo galinayey wax lagu sheegay inuu yahay “duubitaan la soo dusiyey” kaasoo ah madaxweynihii hore. Kanaalka ayaa soo dhigayey qaybo gaagaaban – laakin codku been abuur ayuu ahaa.

Al Bashiir oo lagu eedeeyey inuu abaabulayey dambiyo dagaal, milaterigana uu xukunka ka tuuray 2019, ayaa fagaarayaasha lagu arkin muddo sannad ah, waxaana la rumaysan yahay inuu aad u xanuunsanayo. Wuxuu beeniyey inuu galay dambiyo dagaal.

Arrimaha aan la garanayn ee ku gadaaman halka uu ku dambeeyo ayaa hubaal la’aan sii geliyey dalkaas xasaraddu ka taagan tahay, ka dib markii bishii Abriil uu dagaalka ka dhex qarxay milateriga iminka xukunka haya iyo kooxda miliishiyada ah ee xoogagga taageerada degdegga ah.

Ololayaasha noocan oo kale ah ayaa ah kuwo muhiim ah, ayagoo muujinaya sida qalabkan oo kale uu si raqiis ah oo dhakhsiyo leh ugu dhex faafin karo macluumaadka been abuurka ah baraha bulshada sida ay sheegayaan khubarada.

“Sida dimoqraadiyada ku dhisan ee loo heli karo fiidiyow iyo cod aad u horumarsan, iyo tiknoloojiyada wax looga beddelo fiidiyowga ayaa welwel igu beeray” ayuu yiri Hany Farid oo cilmi baaris ku sameeya baaritaanka dhigitaalka ee jaamacadda California, Berkeley.

“Jilayaasha aadka u horumarsan ayaa in mudo ah ka shaqaynayey inay xaqiiqda wax ka beddelaan, laakin iminka qofka caadiga eel eh waayo aragnimo yar oo la xiriirta farsamada, amaba aan lahayn, wuxuu si sahlan oo degdeg ah u abuuri karaa macluumaad been abuur ah”.

Duubitaannadaas ayaa la soo dhigay kanaal la yiraahdo codka Sudan. Waxyaabaha la soo dhigay ayaa u muuqda kilibyo horeoo laga soo qaatay shirar jaraa’id intii uu socday inqilaabkii dhicisoobay, warbixinno akhbaareed, iyo dhowr “duubitaan oo la soo dusiyey” kuwaasoo dhamaantood loo nisbaynayo Al Bashiir. Waxyaabahaas barta la soo dhigay ayaa intooda badan loo ekeysiiyey in laga soo qaaday kulan ama wadahadal telefoon, guux ayaana ku furan sida laga filan karo telefoon khadkiisu xun yahay.

Si loo hubiyo asal ahaanshaha, waxaan marka hore la tashanay koox khubaro ku ah arrimaha Sudan oo ka tirsan qaybta la socodka wararka ee BBC. Ibrahim Haithar ayaa noo sheegay inay u badan tahay in aysan u badnayn kuwo iminka la qaaday.

“Codadka waxaa la moodayaa sida Bashiir oo kale, laakinse aad ayuu u xanuunsanayey dhowrkii sano ee u dambeeyay, wuxuuna shaki iiga jiraa in sidaas fasiixa ah uu u hadli karo” ayuu yiri. Taa micnaheedu ma aha inuusan isagii ahayn. Waxaa kale oo aan hubinay sharraxaadaha suurtogalka ah, laakin kani ma ahayn kilib duq ah oo dib u soo baxay, umana badna inay tahay shqo uu qabtay qof isaga iska dhigaya.

Caddaynta aadka loogu qanci karo waxay ka timid qof isticmaala X oo hore loo dhihi jiray Twitter. Waxay aqoonsaden duubitaannadii ugu horreeyey ee Bashiir ee la soo dhigay Agoosto 2023. Waxaa sida muuqata ku jiray hogaamiyaha oo dhaleeceynaya taliyaha ciidanka Sudan jeneral Cabdifataax Burhan.

Duubitaanka Bashiir waxay is leeyihiin baahin toos ah oo facebook uu ka sameeyey laba maalmood ka horn in can ah oo siyaasadda Sudan ka faalooda oo lo yaqaanno Al Insirafi. Waxaa la rumaysan yahay inuu ku nool yahay Maraykanka, laakinse marnaba wajigiisa lagama arkin kaamarada.

Labadaba isku si ma aha dhawaaqooda, laakin qoraallada ayaa isku mid ah, marka aad labada kilib wada daartana si isku mid ah ayey u soconayaan. Marka hirarka codka aad is barbar dhigto waxay muujinayaan inay isku mid yihiin, hadalka iyo aamusnaanta, sida uu hoosta ka xariiqay Farid.

Caddaunta ayaa sheegaysa in barnaamijyada codka beddela loo adeegsaday si loo ekeysiiyo Bashiir oo hadlaya. Barnaamijkaas ayaa ah mid aad u xoog badan oo kuu samaaxaya in aad cod galin karto, kaasoo loo beddeli karo cod kale.

Markii aad loogu sii fiirsaday waxaa soo baxday arrin kale. Waxaan ogsoonnahay in ugu yaraan inu gu yaraan afar duubitaan oo kale laga soo qaatay macluumaadka qofkaas internetka wax galiya. Ma jirto caddayn muujinaysa inuu ku lug leeyahay.

Bartaas TikTok waa mid gabi ahaanteedba ka hadasha siyaasadda, una baahan in faham qoto dheer loo leeyahay wax aka socda Sudan, laakin cidda ololahan ka faa’iidaysa ayaa ah arrin u baahan in laga sii dodo. Arrinta aan marnaba is beddelin ee lagu celceliyo ayaa ah dhaleeceynta madaxa milateriga, jeneral Burhan.

Arrinta ka dambaysa waxaa laga yaabaa inay tahay in la khiyaano dhegeystayaasha si ay ugu maleeyaan in bashiir uu kaalin ku leeyahay dagaalka. Ama kanaalka ayaa waxaa dhici karta inuu isku dayayo inuu sharciyad u heloaragti siyaasadeed isagoo isticmaalaya codka hogaamiyihii hore.

Coda Sudan wuxuu beeniyey inuu marin habaabinayo bulshada, wuxuuna sheegay inaysan cidna gacan saar la lahayn. Waxaan la xiriirnay bartaas, waxaanan helnay qoraal jawaab ah oo leh “waxaan doonayaa in aan codkayga wada xiriir ku sameeyo oo aan sharraxo xaqiiqada in dalkaygu uu ku socdo hanaankayga”.

Juhdi heerkaas le’eg oo la isku ekeysiinayo Bashiir ayaa noqon kara mid “muhiim ka ah gobolka”, waana mid dadka khaldi kara sida uu sheegayo Henry Ajder, kaasoo taxanayaasha uu ka sii daayo BBC Radio 4 ay ka hadlaan warbaahinta loo isticmaalo garaadka macmalka.

Khubarada garaadaka macmalka waxay muddo dheer welwel ka qabeen in fiidiyow ama cod beenabuur ah uu kicin karo mowjado warar marin habowsan ah, kuwaasoo ay dhici karto inay kiciyaan degenaansho la’aan ama ay khalkhal galiyaan doorashooyin

“Arrinta walbahaarka leh ayaa ah in duubitaannadaas ay sido kale abuuri karaan jawi aysan dad badan rumaysanayn xataa duubitaannada dhabta ah” ayuu yiri Maxamed Sulayman oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda North-eastern University.

Tiknoloojiyada lagu abuuro barnaamijka Algorithm-ka ee loo tababaray inay qaban karto codadka aan ahayn kuwa dhabta ah, ayaa weli jooga heerkii ugu horreeyey ee horumarinta, halka tiknolojiyada codadka la isku ekeysiiyo ay horumar samaysay. Bartaas ayaa la xiray ka dib markii ay BBC la xiriirtay TikTok.