Mareykanka oo u yeeray safiirradiisa jooga dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

Maamulka Madaxweyne Donald Trump oo aan wax sharraxaad ah ka bixin, ayaa ku amray ku dhowaad 30 safiirro iyo diblomaasiyiin sar-sare oo kala joogay caalamka inay xilalka ka degaan oo ay dib ugu laabtaan Maraykanka.

Iyadoo la raacayo siyaasadda Trump ee "America First" diblomaasiyiintan ayaa lagu eedeeyey in aysan qeyb ka noqonin wax ka badalka xiriirka wadamadaas la leeyihiin maraykanka.

Ilo ku dhow go'aanka dowladda Maraykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ku dhowaad 30 diblomaasi qadka telefoonka loogu sheegay in ay ka iskaga soo tagaan wadanka ay joogaan, kuna laabtaan Washington, iyada oo aan wax sabab ah loo sheegin.

Dadka ay arrintani saameysay waxaa ka mid ah Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, oo ah diblumaasi xirfadeed oo xafiiska la wareegay bishii May 2024.

Farriintan oo ahayd mid degdeg ah oo aan meel dayin ayaa gaartay safiirrada Arbacadii toddobaadkii hore, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP).

Mas'uul ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in diblomaasiyiinta loo sheegay inay ku noqdaan Washington oo ay raadsadaan xilal kale oo ka bannaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Liiska ay qortay AP ee dalalka laga soo saaray safiirrada iyo diblomaasiyiinta Maraykanka ayaa ka kooban 28 dal, iyada kala bar waddamaasi ay yihiin dalal Afrikaan ah.

Danjire Riley ayaa hoggaaminayay howlgalka Mareykanka xilli xasaasi ah, isagoo ka shaqeynayay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga, dowladnimada, iyo horumarka. Muddadii uu xilka hayay waxa uu diiradda saaray la-shaqeynta hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, taageeridda hannaanka dimuqraadiyadda, iyo xoojinta ballanqaadka Mareykanka ee xasilloonida Geeska Afrika.

Dhammaan diblumaasiyiinta dib loo soo celiyay ayaa la magacaabay intii lagu jiray maamulka Biden, laakiin waxay markii hore ka badbaadeen kacdoon hore bilihii ugu horreeyay ee Madaxweyne Trump ee muddada labaad, kaas oo ugu horreyn bartilmaameedsaday xilalka siyaasadeed ee aan ahayn saraakiisha shaqada.

Masar ayaa ah waddanka ugu xiirirka dhaw Maraykanka dalalka Carabta, waxayna sannad walba ka heshaa gargaar milatari oo ballaaran, Ilaa hadda lama oga sababta Maraykanku dib ugu yeeray diblomaasigiisa Masar, balse uma eka in arrintaan ay tahay mid lagu yareynayo muhiimadda dalkaasi.

Dhanka Soamaaliya oo uu Maraykanku ka taageero la dagaalanka Alshabaab iyo AS, isaga oo joogto ah uga fuliya duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxahaasi ayaa iyadana la ogeyn, in kasta oo uu Trump Soomaaliya la dhacsaneyn.

Marka laga reebo safiirrada Afrika ee dib loogu yeeray Washington, waxa jiray safiirro kale oo ay kamid ahaayeen lix diblomaasi joogay Aasiya, afar Yurub, laba Bariga Dhexe ah, laba Koonfur iyo Bartamaha Ameerika, iyo kuwo kale.

Mas'uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, oo diiday inuu sheego tirada saxda ah ee safiirrada la beddelayo, ayaa sheegay in taallabadaan lagu diblomaasiyadeed ay yihiin "arrin caadi ah oo uu sameeyo hogan kasta oo mamulaya Maraykanka."

Mas'uulkaasi wuxuu intaa ku daray in safiirrada Maraykanka ee loo diro dalalka dibadda ay yihiin "wakiillo gaar ah oo madaxweynaha talada haya matala, isla markaana madaxweynuhu xaq u leeyahay inuu doorto cid fulinaysa ajandihiisa ah in Maraykanku hormuud noqdo."

Hase yeeshee, dadka dhaliila maamulka Trump ayaa sheegay in go'aanku wiiqayo kalsoonida iyo sumcadda Maraykanka ee caalamka.

Nikki Gammer, oo ah afhayeenka Ururka Diblomaasiyiinta Maraykanka, ayaa ku tilmaantay tallaabada dowladda mid "aan la sharraxin oo lama filaan aha, isla markaana saameyn taban ku yeelanaysa niyadda iyo shaqada diblomaasiyiinta.

Xildhibaano iyo diblomaasiyiin Maraykan ah ayaa sidoo kale dhaliilay tallaabadan, iyagoo sheegay in ay u horseedi karto in Maraykanku lumiyo saameyntiisa diblomaasiyadeed ee caalamka, taasoo fursad siin karta Shiinaha iyo Ruushka.

Tan iyo markii uu Donald Trump dib ugu soo laabtay xafiiska madaxweynaha mar labaad, wuxuu xilal muhiim ah u magacaabay shakhsiyaad daacad u ah si ay u maamulaan siyaasadda arrimaha dibadda iyo mudnaanta amniga Maraykanka.