You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Saraakiil loo xiray inay heysteen hub sharci-darro ah kahor doorashada ka dhacaysa Muqdisho
Booliiska Soomaaliya ayaa xiray 11 askari oo lagu eedeeyay inay hub sharci darro ah ku dhex siteen caasimadda Muqdisho, taas oo ay sheegeen inay xadgudub ku tahay awaamiirta nabadgelyada ee mamnuucaysa in askarta fasaxa ah ay hubka la dhex maraan magaalada.
Hoggaanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in askartan ay soo qabteen ciidamada Saldhigga Booliska Bartamaha, isla markaana loo gudbin doono maxkamadda, "maaddaama ay ku xadgudbeen awaamiirta loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga magaalada."
Xiritaankan ayaa kusoo beegmaya xilli mas'uuliyiintu sheegeen inay adkeynayaan ammaanka ka hor doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir oo loo qorsheeyay inay dhacdo 25-ka Diseembar. Labo maalmood ka hor, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ciidamada ammaanka inay sugidda amniga magaalada xaqiijiyaan xilliga codeynta.
Dhanka kale, iyadoo qayb ka ah tallaabooyinka amniga, Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho la xiri doono maalin qura, waana Khamiista 25-ka Diseembar 2025, sababo la xiriira qabsoomidda doorashooyinka ka dhacaya caasimadda.
War-saxaafadeed ay soo saartay Hay'adda Duulista ayaa lagu wargeliyay shacabka, shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha socdaalka in aysan jiri doonin wax duulimaad ah oo ka degaya ama ka duulaya garoonka inta uu xirnaanshiyahaasi socdo.
Hay'addu waxay sheegtay in go'aankan uu qeyb ka yahay tallaabooyinka amni iyo diyaargarowga farsamo ee la xiriira doorashooyinka, si loo xaqiijiyo badbaadada guud iyo habsami u socodka hawlaha doorashada.
Mas'uuliyiinta Duulista Rayidka ayaa kula taliyay rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha in ay dib u eegaan jadwalka duulimaadyadooda, isla markaana ay ka fogaadaan qorsheynta safarro ku beegan maalinta xiritaanka.
Guddiga doorashada ayaa hore u sheegay in ay diwaangelinayaan dad gaaraya hal milyan balse dadka hadda la diwaangeliyay ayaa aad uga yar tiradaas.
Doorashadan ma ahan mid si toos ah qof loo dooranayo ee waa doorasho loo codeynayo xisbiyo. Sida guddiga doorashadu sheegeen dadka codeynaya ayaa kala dooranaya xisbiyo iyo ururo siyaasadeed oo gaaraya ilaa iyo 20 urur.
"Qof lama dooranayo ee waxaa la dooranayaa xisbiyo" ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, oo BBC-da la hadlay .
Guddiga doorashada Soomaaliya waxay kaloo sheegeen in 390 kurso oo yaal 16 degmo lagu tartamayo iyadoo dadka ka qeybgalaya tartankana ay gaarayaan 1600.
Qaabka ay doorashada u dhaceyso ayey guddigu sheegeen in degmooyinka loo kala qeybiyay kuwa A ah iyo kuwa B ah. Kuwa ku jira qeybta A waxaa yaal sida guddigu sheegeen 27 kursi halka kuwa qeybaha B ku jirana ay yaalaan kuraas gaareysa 21.
Guddoomiyaha guddiga doorashada wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan meelo qaar oo ay goob doorasho ka dhigi waayeen duruufo jiro awgood.
Sida guddiga doorashadu sheegeen, 41 degmo oo ka baxsan magaaalada Muqdisho ayaa u qorsheysan in doorasho laga qabto marka la soo afjaro tan hadda ka socota magaalada Muqdisho.
"Kow iyo soddonka Janaayo ayaa rabnaa in aan soo afjarno golaha deegaanka gobolada si bisha Feberaayo loo qabto doorashooyinkooda golaha deegaanka" ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan.
Sanadkii hore dhammaadkiisa ayey guddiga doorashadu sheegeen in doorashada ugu horreysa ee qof iyo cod ah ay ku qaban doonaan muddo 7 bilood gudahood ah balse dib ayey u dhacday.