You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo BBC Balaayiin Doolar ku sheeganaya
BBC-da ayaa sheegtay in ay iska difaaci doonto dacwad lacageed oo dhan $5 bilyan oo doolar oo uu doonayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taas oo la xiriirta sida loo sameeyay oo loo jarjaray khudbaddiisii 6-dii Janaayo 2021-kii. Wareysigiisa waxa uu ku jiray barnaamijka Panorama.
Trump ayaa ku eedeeyay BBC-da in ay sumcaddiisa wax u dhintay isla markaana ay jabisay sharciga dhaqamada ganacsiga, sida ku cad dukumentiyada dacwadda ee loo gudbiyay maxkamad ku taal Florida.
BBC ayaa bishii hore raaligelin siisay Trump, balse wuu diiday, wuxuuna dalbaday magdhow isagoo ku doodaya "in sumcad-dil lagu sameeyay".
Qareennada Trump ayaa ku eedeeyay BBC in ay sumcad-dil ku sameeyeen Trump iyagoo "si ula kac ah oo khiyaano ah u beddelay hadalkiisa".
Afhayeen BBC u hadlay ayaa yiri: "Sida aan horay u caddeeynay, waanu iska difaaci doonnaa kiiskan.", wuxuuna intaas ku daray "Wax faallo dheeraad ah kama bixinayno dacwadaha sharci ee weli socda".
Trump waxa uu sheegay bishii hore in uu qorsheynayo in uu BBC dacweeyo kaddib markii ay sii deysay barnaamijka.
"Waan ku qasbanahay in aan dacweeyo", ayuu Trump ku yiri wariyayaasha, wuxuu kaloo sheegay "khiyaano ayey sameeyeen. Waxay beddeleen erayadii afkayga ka soo baxay".
Khudbaddiisii 6-da Janaayo 2021-kii, ka hor rabshadihii ka dhacay aqalka Capitol, ayuu Trump u sheegay dadka: "Waxaan socod ku tageynaa Capitol, waxaana u sacbineynaa sanetaradeenna geesiyaasha ah".
Kaddib 50 daqiiqo khudbadiisa, ayuu sheegay "Waan dagaallameynaa. Si daran ayaan u dagaallamaynaa".
Barnaamijka Panorama waxaa ku jira muuqaal uu ku leeyahay, "Waxaan socod ku tageynaa Capitol… aniguna waan idinla jiri doonaa. Waana dagaallamaynaa. Si daran ayaan u dagaallamaynaa".
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
BBC ayaa qirtay in sida loo jarjaray codkiisa ay keentay "aragti qaldan" oo muujinaysa in uu sameeyay "baaq toos ah oo rabshad ah", balse way diidday in taasi lagu saleyn karo dacwad sumcad-dilid.
Bishii Nofeembar, qoraal gudaha BBC-da oo la dusiyay ayaa lagu dhaliilay sida codkiisa loo jarjaray, taas ayaana keentay in uu shaqada ka tago aggaasimaha guud ee BBC-da, Tim Davie, iyo madaxii wararka Deborah Turness.
Ka hor inta uusan Trump dacwadda gudbin, qareennada BBC ayaa bixiyay jawaab dheer oo ku aaddan eedeymaha madaxweynaha, waxayna sheegeen in tafatirka uusan ku jirin xumaan ula kac ah, isla markaana Trump aysan waxyeello ka soo gaarin barnaamijka, maadaama dib loo doortay wax yar kadib markii la baahiyay.
Waxay sidoo kale sheegeen in BBC aysan lahayn xuquuqda, islamarkaana aysan ku faafin barnaamijka Panorama kanaalladeeda Maraykanka. Inkastoo dokumenteriga laga heli karay BBC iPlayer, haddana wuxuu ku koobnaa daawadayaasha UK.
Dacwadda Trump, waxaa lagu sheegay in BBC-da ay heshiis kula jirtay kanaalo kale si loo baahiyo waxyaabaha ay soo saarto, lagana daawado meelo ka baxsan UK. BBC weli kama jawaabin sheegashooyinkaas, sidoo kale shirkadda lagu eedeeyay heshiiskaas in ay BBC-da kula jirtay kama jawaabin.
Dacwadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in dad ku sugan Florida ay barnaamijka geli karaan iyagoo adeegsanaya VPN ama adeegga daawashada ee BritBox.
"Xayeysiinta barnaamijka Panorama iyo dad ku sugan Florida oo adeegsaday barnaamijka VPN ilaa markii la baahiyay barnaamijka ayaa keentay in dad badan oo ku nool Florida ay dokomentariga daawadeen ka hor inta aysan BBC-da ka saarin". Sidaas ayaa lagu sheegay dacwadda.
Wasiirka caafimaadka UK,Stephen Kinnock ayaa sheegay in BBC-da ay ku saxan tahay in ay "si adag isku difaacdo".
"Waxaan qabaa in ay raalli-gelin ka bixiysay BBC hal ama labo khalad oo ku jiray barnaamijka Panorama, balse sidoo kale way caddeeyeen in aysan jirin dacwad laga jawaabo marka la eego eedeymaha guud ee Mr Trump ee ku saabsan aflagaado ama sumcad-dilid," ayuu wasiirka u sheegay telefishinka Sky News.
Wuxuu sheegay in Xisbiga Shaqaalaha UK uu "markasta garab istaagayo BBC maadama ay tahay hay'ad muhiim ah.
Nigel Huddleston, xoghayaha dhaqanka xisbiga mucaaradka, ayaa sheegay in loo baahan yahay in raysalwasaaraha "isticmaalo awoodiisa si uu madaxweyne Trump ugu sharraxo in dacweynta BBC ay si dadban u saameyn doonto dadweynaha bixiya lacagta BBC".
Hoggaamiyaha xisbiga Liberal Democrat, Sir Ed Davey, ayaa ku kula taliyay raysalwasaaraha UK in uu Trump u sheego in go'aanka uu ku dacweynayo BBC uu yahay "mid aan la aqbali karin".