Hogaamiyihii nidaamka maamulka ee ka horreeyey gobannimada Jabuuti oo geeriyooday. Maxaa lagu xasuustaa

Waxaa dalka Jabuuti shalay oo Isniin aheyd ku geeriyooday Alle ha u naxariiste, Cali Caarif Bourhan, oo dalkaas hoggaaminayay xiligii gumeysiga Faransiiska.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa uga tacsiyeeyay dhammaan shacabka dalkiisa iyo qoyskii uu ka baxay Cali Caarif Burhaan.

Cali Caarif Bourhan waxa uu ahaa siyaasi weyn oo magac ku lahaa dalka intii lagu jiray halgankii xorriyadda lagu doonayay.

"Ali Aref Bourhan wuxuu weligiis ku sii jiri doonaa qalbiyada muwaadiniinteena, isagoo ahaa shaqaale aan daalin, lehna dareen aad u xooggan oo ku aaddan gudashada waajibaadka iyo in la gaaro natiijo," ayuu ku yiri madaxweyne Geele qoraal uu soo dhigay barahiisa bulsho.

Cali Caarif Burhaan oo muddo dheer xanuunsanaa ayaa ku geeriyooday 91 sano, waxa uuna ka tirsanaa qoys balaaran oo reer Jabuuti ah.

Cali Caarif waxa uu sanadkii 1934 ku dhashay magaallo xeebeedka Tadjoura ee ku taal bariga dalka Jabuuti. Waxa uu ka soo jeeday qoys Cafar ah iyo Soomaali. Ayeydiis waxay aheyd Soomaali reer Seylac ah.

Sanadka markii uu ahaa 1950-kii, xiligii uu dhallinyarada ahaa waxa uu ka soo shaqeeyay waxbarashada isagoo macallin ahaa. Sidoo kale wuxuu madax ka soo noqday ururka dhallinyarada Soomaalida.

Cali Caarif Burhaan waxa uu siyaasadda soo galay xiligii uu joogay suldaankii Tadjoura. Markaa kaddib waxay isbarteen Maxamuud Xarbi oo ahaa madaxweyne ku xigeenka golahii dowladda ee French Somaliland intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.

Ali Aref waxa uu markaas kaddib ka shaqeeyay golaha, wuxuuna si weyn u taageersanaa qorshihii Xarbi ee gobonimo-doonka. Faransiiska ayaa dalka ka masaafuriyay Xarbi oo geeyay Qaahira. Shil diyaaradeed oo aan la fahmin sababta keentay ayuu Maxamuud Xarbi ku geeriyooday labo sano kaddib.

Sanadka markii uu ahaa 1960-kii ayuu Cali Caarif qabtay jagada madaxweyne ku xigeenka golaha isagoo ka tirsanaa xisbiga UNI. Xilkaas wuxuu hayay ilaa iyo 1966-dii.

Radiyo Jabuuti ayuu kaga dhawaaqay go'aanka uu isku casilay jagadaas isagoo markaas doonayay in uu ka qeybgalo aftidii dambe ee lagu go'aaminayay mustaqbalka Jabuuti.

Sanadkii xigay bishii July ayaa loo doortay madaxweynaha golihii dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciisaha. Ilaa iyo sanadkii 1976-dii ayuu xilkaas ahay. Waxaa xilka golaha kala wareegay Cabdalla Moxamed Kamil.

Jabuuti markii ay xorriyadda qaadaneysa Faransiiska waxa uu qabay welwel ku saabsan sida uu noqonayo xiriirka cusub ee dalkaas xorriyadda qaatay.

Jabuuti waxay xuduud la leedahay Itoobiya iy Soomaaliya oo labada saameyn ku lahaa maadaama qowmiyadaha dalkaas ku nool ay kala ahaayeen qabiilka Cafarta oo taageersanaa Faransiiska iyo Ciisaha oo si hoose ugu xirnaa Soomaalia.

Cumar Kheyre waxaa uu ka mid ahaa dadkii sida fiican u yaqaanay oo ay saaxiibka ahaayeen iskuna soo gaareen siyaasadda halganka. Waxa uu BBC-da u sheegay in Cali Caarif uu ka mid ahaa dadkii la doonayay in la waxyeeleeyo maadama isaga uu madax u ahaa dowladdii Faransiisku dhistay.

"Ma aheyn wax si gaar ah loo beegsanayay naftiisa iyo halka uu ka soo jeedo ee sababo la xiriira halgankii dalka ayaa loo beegsaday".

Cali Caarif waxa uu ka badbaaday isku-day dil la doonayay in lagu khaarijiyo sanadka markii uu ahaa 1968-dii. Waxaa la sheegay in meel uu ka qadeynayay lagu sugay si loo dilo balse taasi ma dhicin.

"Maalin kasta waa la raadin jiray, mar un in fursad loo helo oo wax la gaarsiyo ayaa la doonayay" ayuu yiri Cumar Kheyre oo sidoo kale sheegay in sababta ay aheyd hoggaamintii dowladdii Faransiiska dhistay. Xorriyadda kaddib Cali Caarif wuxuu noqday ganacsde, wuuna isaga baxay syaasadda.

Dadka aqoonta u lahaa Cali Caarif Bourhan waxay sheegaan in uu ahaa nin dabeecad wanaagsan oo aan dhib laheyn.

"Nin reer magaal ah oo aad u fiican ayuu ahaa kolkii dambe aan bartay. Waan wada sheekeysanay" ayuu yiri Cumar Kheyre oo intaas ku daray in uu ahaa nin shaqsiyad fiican iyo dabeecad leh.