Shiinaha iyo feyraska Korona: Qoraagii ka careysiiyay Shiinaha

Buug xusuus qor ah oo ay soo bandhigtay haweeneey u dhalatay Shiinaha oo ay kaga hadleysay xaaladda magaalada Wuhan markiii uu cudurka ka dilaacay ,Waxaa haataan buuggeeda loo turjumay luqadda Ingiriiska.

Fang Fang ayaa markii ugu horreysay xusuus qorkeeda kusoo bandhigtay Online-ka markaas oo ay kaga hadashay xaaladda Wuhan oo ay rumeysneyd in magaalada ay ka taagnaayeen dhibaatooyin maxalli ah.

Haweeneydan oo 65 jir ah ayaa waxaa buugeeda akhristay dad badan, waxayna malaayiin Shiinees ah u bidhaamisay xaaladda dhabta Wuhan oo ah halkii ugu horreysay uu ka dilaaco feyraska.

Horraantii sannadkan, Wuhan waxay noqotay halkii ugu horreysay dunida oo looga dhawaaqo xayiraad aan horey loo maqal balse haatan dunidii kale ayaa la geliyay bandow, magaalada waxay noqotay mid ka go'day Shiinaha intiisa kale iyo caalamkaba.

Fang Fang waxay soo caanbaxday markii xayiraadda looga dhawaaqay magaaladaas xilliggaas oo ay bilowday inay wax ka qorto nolosha halkaas.

Fang Fang waxay heshay aqoon caalami ah taas oo dad badan oo Shiinaha ka careysiisay halka qaar kalena ay ku tilmaameen gabadh aan daacad u aheyn dalkeeda.

Muxuu ku saabsanaa xusuus qorkeeda?

Dabayaaqadii bishii January markii Shiinaha uu xayiraad geliyay Wuhan, Fang Fang oo magaceeda saxda ah la yiraahdo Wang Fang waxay bilowday in baraha bulshada ay kusoo bandhigto wararka magaalada.

Waxaa sheekooyinkeeda kamid ahaa caqabadaha uu la kulmo qofka si qasab ah karantiil loo geliya.

Shirkadda daabacda buugaagta ee HarperCollins waxay sheegtay in gabdhan ay u hadashay dadka la dulmiyay, kuwo cabsida qabo iyo waxay rajo ku abuurtay malaayin qof.

Warbixin ay qortay oo lagu daabacay wargeyska Sunday Times ayaa waxay kaga hadashay maalin ay walaasheed kasoo kaxeysay garoonka diyaaradaha.

"Wey adkeyd in waddooyinka lagu arko baabuur iyo dadba, maalmihii yaraa ee cabsida ahaa ee harreeyay shacabka magaalada, labadeena waxaa inoo xirnaa afka iyo sanka"

Sidey kusoo caanbaxday?

Markii ay adkeyd in wararka laga helo Wuhan oo xita warbaahinta madaxabanaan ay faro ku tiris ahaayeen, Fang Fang waxay si deg deg ah u noqotay isha kaliya ah ee magaalada kasoo gudbin karta warar laisku haleyn karo, waxay noqotay qoraa caan ah.

"Dalkan wuxuu u baahan yahay qoraa damiir leh sida adiga oo kale, dadka kuma aamin qabaan warbaahinta rasmiga ah, waxaa sidaas yiri ,mid kamid ah dadka ku xirnaa boggeeda baraha bulshada, sida laga soo xigtay wargeyska The Independent.

Shiinaha muxuu ugu soo horjeestay?

Shiinaha waxaa caadi ka ah dadka ay ku weyntahay waddaniyadda ee dhaleeceeya dadka kasoo horjeesta Shiinaha balse Fang Fang ma ahaan qoraagii ugu horreeyay oo Shiinees ah oo caro kala kulmo baraha bulshada.

Xilli feyraska uu ku baahayay caalamka, dadka waxay dhaleeceeyeen dadaallada Shiinaha uu kaga hortaggayo safmarka.

Xilli lagu gudo jiray xaaladdan, Fang Fang waxaa soo ifabaxday shaqadii ay heysay oo laga dhuursugayay inay ka iibsadaan reer galbeedka.

Durbadiiba waxaa loo arkay in runta aysan ka hadleyn isla markaana aysan daacad u aheyn Shiinaha halka qaar kalena ay u arkeen in caannimadeeda ay ka faa'ideysaneysay taas oo u horeedi karta dhibaato.

"Waxay heystaa fursad ay uga faa'ideysaneyso qalalaasaha ka taagan dalka" ayuu yiri mid kamid ah dadkii ku xirnaa barteeda Weibo.

Warbaahinta dowladda Shiinaha waxay si cad u sheegeen mowqifkooda ku aadan Fang Fang.

"Soo shaac bixiddeeda waxaa dabada ka riixaya warbaahin shisheeye sida ay ka dhawaajiyeen dad badan Shiiinaha ku sugan, waxaa suurogal ah in qoraaga uu noqday gacan kale oo ay leeyihiin reer galbeedka si ay u canaqabateeyaan dadaallada shacabka Shiinaha" ayaa lagu yiri warbixin lagu qoray Global Times.

"Xusuus qorkeeda wuxuu soo bandhigaya dhinaca xun ee Wuhan halka laiska indho tiray dadaallada shacabka iyo taageerada ay u muujiyeen guud ahaan gobolka"

Sida loo qaabilay buuggeeda

Wey adagtahay in wax badan laga sheego buugga maadama uu diyaar noqday Jimcihii lasoo dhaafay.

Wargeyska New York Times ayaa bogaadiyay buugga "Waxay aheyd mid aamusan markii uu jiray bandowga balse waxay geesinimo leh ayay wax u qortay"

Shirkadda Amazon waxay sheegtay in buugga uu la kulmay dhaleeceen markii dib u eegis lagu sameeyay, mid kamid ah dadkii dib u eegista sameeyay waxay ku tilmaameen buugga 'inay ka buuxaan macluumaad been ah'