You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Australia: Dad ku dhintay toogasho lala eegtay Yahuud dabaal-degeysay

Australiya waxay la kulantay weerarro is daba joog ah oo nacayb ah oo lagu qaaday macbadyo, dhismayaal iyo baabuur tan iyo bilowgii dagaalka Israa’iil ee Qasa bishii Oktoobar 2023.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Qaabkii Garyaqaan looga soo tarxiilay Mareykanka iyo walwalka uu hadda qabo

    Mahad Maxamud waxaa uu si tartiib ah ula qabsanayaa kuleyka iyo xaaladda Muqdisho kadib markii bishii hore laga soo tarxiilay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, xilli cimiladu ay isu baddeleysay qaboobaha.

    Soomaalida waxay 36 jirkan u yaqaannaan Garyaqaan, waana magaca uu u adeegsado bartiisa TikTok, halkaasi oo ay ku taxan yihiin nus malyan qof. Dadka ku taxan waxay in badan oo ka mid ahi ay la dhacsan yihiin sida uu u difaaco reerka uu ka dhashay, taasi oo qeyb ka ah dhaqan muddooyinkii dambe sameysmay.

    Hase yeeshee shabakad xiriir la leh Aqalka Cad ee Marerykanka oo la yiraahdo "Rapid Response 47", akoonna kuleh barta X, waxay Garyaqaan ku eedeyeen in uu yahyay "dembiile iyo nacas aan qiima laheyn".Bishii Oktoobar ee sanadkan waxay sidoo kale ku eedeyeen in uu ku lug lahaa afduubka dad u dhashay dalka Faransiiska oo ku sugnaa huteel ku yaallo magaalada Muqdisho.

    Hase yeeshee Garyaqaan waa uu beeniyay eedeymahaas, waxaana uu intaa raaciyay in xilligaasi aanu joogin Muqdisho, markii lagu eedeeyayna aanan wax dembi ah lagu helin oo kiiskaasi daaqadda laga tuuray.

  2. Tobnaan qof oo ku dhintay toogasho Yahuudda lala eegtay oo Australia ka dhacday

    Labo iyo toban qof ayaa ku dhintay labaatan meeyo kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii laba nin oo hubaysan ay rasaas ku fureen xilli ay socotay munaasabad fasaxa Yuhuudda oo ka dhacday xeebta Bondi ee magaalada Sydney Axadda maanta ah, sida ay sheegeen saraakiisha Australia.

    Hal qof oo looga shakisan yahay in uu hubeysnaa ayaa dhintay halka kan kalena ay xaaladdiisu liidato, halka 29 loo qaaday isbitaallada maxalliga ah, sida ay sheegeen booliiska gobolka New South Wales. Labo askari oo booliis ah ayaa sidoo kale ku jira dadka dhaawacmay.

    Australiya waxay la kulantay weerarro is daba joog ah oo nacayb ah oo lagu qaaday macbadyo, dhismayaal iyo baabuur tan iyo bilowgii dagaalka Israa’iil ee Qasa bishii Oktoobar 2023.

    Goob-joogayaal ayaa sheegay in toogashada ka dhacday xeebta caanka ah ee fiidnimadii xagaaga oo aad u kulul ay socotay muddo 10 daqiiqo ah.

  3. Yaa kamid ah dadka caanka ee kasoo muuqday sawirrada cusub ee laga baahiyay faylasha Epstein?

    Xubnaha Dimuqraaddiga ah ee Guddiga Kormeerka Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa sii daayay xirmo cusub oo sawirro ah oo uu lahaa Jeffrey Epstein, kaas oo lagu xukumay in uu geysan jiray tacadi galmada carruurta ah.

    Xidhmadani waxay ka kooban tahay 19 sawir, kuwaas oo ku jira keyd aad u ballaadhan oo gaadhaya ku dhowaad 95,000 oo sawir, kuwaas oo guddigu helay iyada oo qayb ka ah baadhitaannada socda ee ku saabsan shabakadda xidhiidhada Epstein.

    Sawirradu waxay muujinayaan tiro shakhsiyaad caan ah, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Amiirkii hore Andrew Mountbatten-Windsor, iyo lataliyihii hore ee Trump, Steve Bannon.

    Guddigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in muuqaalka shakhsiyaadkan uusan macnaheedu ahayn inay sameeyeen wax jebin sharci ah, maadaama sawirradu hore loo daabacay ayna inta badan dadku yaqaannaan.

    Sii deynta sawirradan waxay timid toddobaad ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee ay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanku ku waajib tay inay shaaciso dhammaan dukumentiyada la xidhiidha Epstein, dukumentiyo ka duwan kuwii guddigu sii daayay Jimcihii.

  4. Nin toogasho ka geystay jaamacad ku taalla Mareykanka oo lagu raad-joogo

    Baadigoob ayaa socda ka dib markii labo arday ah lagu dilay sagaal kalena lagu dhaawacay toogasho wadareed ka dhacday jaamacadda Brown ee ku taal Providence, Rhode Island, Mareykanka.

    Ninka hubeysan ayaa rasaas ku furay gudaha fasalka abbaare 16:00 xilliga maxalliga ah (21:00 GMT) Sabtidii, isagoo ku sugnaa dhismo uu imtixaan ka socday.

    Jaamacadda, oo ka mid ah kuwa ugu da'da weyn uguna sumcadda badan gudaha Mareykanka, ayaa la xiray iyadoo booliisku ay baadi-goob ugu jireen ninka hubeysan, kaasoo weli gacanta lagu hayo.

    Ardayda ku sugan qeybo ka mid ah jaamacadda ayaa lagu wadaa in loo sheego in ay hoy ka dhigtaan ilaa inta ay booliska ninka ka soo saarayaan aagga.

    Saraakiisha Isbitaalka Rhode Island ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah intooda badan ay ku sugan yihiin xaalad “halis ah balse deggan”.

  5. Trump oo wacad ku maray inu aarsan doono kadib markii ciidan looga dilay Suuriya

    Labo askari oo Mareykan ah iyo turjubaan rayid ah oo Mareykan ah ayaa lagu dilay dalka Suuriya kadib weerar gaadmo ah oo uu fuliyay nin hubeysan oo ka tirsan kooxda Daacish, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka ee Centcom.

    Saraakiisha ayaa sheegay in saddex askari oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka, intii uu socdayna dableydii "la dilay" Wararka Suuriya ayaa sheegay in labo ka mid ah shaqaalaha Suuriya ay sidoo kale ku dhaawacmeen.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baraha bulshada ku soo qoray in uu yahay “Weerarka Daacish” ee ka dhanka ah Mareykanka iyo Suuriya, waxa uuna sheegay inuu xigi doono aargoosi aad u daran. Dowladda Suuriya ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay weerarka.

    Aqoonsiga dadka la dilay ayaa la qarinayaa muddo 24 saacadood ah ilaa laga wargelinayo qaraabadooda, ayay tiri Centcom.