You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qaabkii Garyaqaan looga soo tarxiilay Mareykanka iyo walwalka uu hadda qabo
- Author, Bushra Mohamed
- Role, BBC World Service
Mahad Maxamud waxaa uu si tartiib ah ula qabsanayaa kuleyka iyo xaaladda Muqdisho kadib markii bishii hore laga soo tarxiilay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, xilli cimiladu ay isu baddeleysay qaboobaha.
Soomaalida waxay 36 jirkan u yaqaannaan Garyaqaan, waana magaca uu u adeegsado bartiisa TikTok, halkaasi oo ay ku taxan yihiin nus malyan qof. Dadka ku taxan waxay in badan oo ka mid ahi ay la dhacsan yihiin sida uu u difaaco reerka uu ka dhashay, taasi oo qeyb ka ah dhaqan muddooyinkii dambe sameysmay.
Hase yeeshee shabakad xiriir la leh Aqalka Cad ee Marerykanka oo la yiraahdo "Rapid Response 47", akoonna kuleh barta X, waxay Garyaqaan ku eedeyeen in uu yahyay "dembiile iyo nacas aan qiima laheyn".Bishii Oktoobar ee sanadkan waxay sidoo kale ku eedeyeen in uu ku lug lahaa afduubka dad u dhashay dalka Faransiiska oo ku sugnaa huteel ku yaallo magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee Garyaqaan waa uu beeniyay eedeymahaas, waxaana uu intaa raaciyay in xilligaasi aanu joogin Muqdisho, markii lagu eedeeyayna aanan wax dembi ah lagu helin oo kiiskaasi daaqadda laga tuuray.
Waxaa kale oo uu BBC-da u sheegay in xarigga ay kula kaceen cidammada socdaalka ee Mareykanka ay sabab u aheyd kadib markii shakhsi kale oo uu xifaaltan dhanka baraha bulshada kala dhaxeeyay uu ciidammadaasi u gudbiyay cinwaanka halka uu ka degan yahay Minneapolis.
"Ciidanka socdaalka ee ICE waxay ii sheegen in ay igu heystaan labo dembi, kuwaasi oo kala ah in dalka aan sharci darro kusoo galay iyo afduubka muwaadiniin u dhashay Faransiiska," ayuu yiri Mahad oo sidoo kale loo yaqaanno Garyaqaan.
Mahad waxaa kale oo uu sheegay in eedeynta la xiriirta afduubka ay baareen ciidanka FBI-da ee dalka Mareykanka oo su'aalo ka weydiiyay balse markii dambe ay fasaxeen.
Hase yeeshee taasi kama aysan hor-istaagin in dalka Mareykanka laga soo tarxiilo.
Safarkiisa Soomaaliya ilaa Mareykanka waxaa uu billowday inkabadan toban sano kahor, oo waxaa uu markii hore tegay dalka Koonfur Afrika halkaasi oo uu ku noolaa tan iyo sanadkii 2021. Waxaa uu sheegay in dalka Koonfur Afrika ay ku jir-dileen koox hubeysan xilliyadii la bartilmaameedsanayay dadka ajaanibta ah.
Kadib waxaa uu uga sii gudbay Brazil oo waxaa uu halkaasi kasii ambaqaaday safarkii uu ku tegay Mareykanka , waxaana isagoon heysanin wax waraaqa ah uu ka galay xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.
"Markii aan ka booday derbiga Mexico, waa la i xiray oo waxaa la i hayay muddo bil ah."
"Markii dambe waa la isoo daayay, waxaana la i siiyay warqad oggolaansho shaqo, maxaa yeelay kiiskeyga magan-gelya doonka ah weli waa uu furnaa," ayuu yiri Garyaqaan.
Markii dambe waxaa uu yimid Minneapolis.
"Waxaa ku shaqeysan jiray tagaasida Ubber-ka, waxaana ku faraxsanaa in ugu dambeyn aan imid dhulkii riyada, waxaana rajeynayay inay i aqbali doonaan." Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Mustaqbalkiisa joogitaanka barta Tiktok waxaa uu noqday mid sare u kacay oo waxaa uu ka sameynayay dhaqaale, maadama ay taagerayaashisa ay usoo dirayeen haddiyado marka ay daawanayaan baahintiisa tooska.
Sidoo kale taasi waxay u horseeday inay usoo hanjabaan kooxda Al Shabaab, maadaama baraha bulshada uu ka difaaci jiray Dowladda Federaalka.
Khatarta Al Shabaab uga imaneysay ayaa sidoo kale qeyb ka aheyd codsigiisa magan-gelyo doonka ah ee Mareykanka uu ka dalbaday.
Mahad waxaa uu si qottodheer u sharraxay sida ciidanka socdaalka ee ICE ay u xireen.
Markii uu qureecday ee uu usoo baxay, waxaa uu doonayay in uu shaqto tago balse markiiba waxaa gacanta ku dhigay ciidanka socdaalka ee ICE oo uu sheegay inay ku sugayeen halka baabuurta la dhigto.
Waxaa uu BBC u sheegay in saddex bilood oo kamid ah lixdaasi bilood uu sugayay in go'aan laga gaaro codsigiisa magan-gelyo doonka, halka saddex bilood ee kalena uu sugayay in la tarxiilo. Dowladda Mareykanka waxay diidday codsigiisi ahaa in haddii uu ku laabto Soomaaliya uu khatar la kulmayo.
sida uu Mahad sheegay, waxaa la geeyay xarunta ciidanka socdaalka kahor inta aanan loo wareejinin xabsi ku yaalla Willmar ee gobolka Minesota, waxaana halkaasi lagu hayay muddo dhan lix bilood.
Markii la geeyay halka ay kasoo duullaan duullimaadyada tarxiilka, waxaa dhowr jeer loo sheegay in aysan diyaar aheyn duullimaadkii lagu qaadi lahaa.
Kahor inta aanan lasoo tarxiilin, waxaa uu qeyb ka ahaa koox u kala dhalatay dalalka Kenya, Itoobiya iyo Eritrea oo gaarayay 39 ruux, kuwaasi oo hal meel ku wada sugayay duulliimaadka tarxiilka.
Markii la gaaray xilligii uu bixi lahaa duullimaadkoodi, Mahad waxaa uu BBC u sheegay in lagu xirya jaakad u muuqata in loogu tallo-galay in lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqooda, waxaana isaga iyo toddobo qof oo kale lasoo saaray diyaarad yar oo ay lasoo socdeen ilaalo.
Socdaalku waxay marka hore ku tageen dalka Costa Rica oo ku yaalla Bartamaha Ameerika, ka dibna Senegal oo ku taalla Galbeedka Afrika, ka hor inta aan loo duulin caasimadda Kenya ee Nairobi. Halkaas ayuu Mahad sheegay in jaakaddii lagu xakameynayay lagaga siibay, gacmahana laga xidhay, kadibna laga saaray diyaarad kale oo u safreysay Muqdisho.
Kadib saddex bilood oo uu ku qaatay xarunta masaafurinta, Mahad wuxuu horey ka aqbalay qaddarkiisa, mana uusan muujin dareen gaar ah markii uu yimid Muqdisho.
Ka dib toban sano oo kala maqnaansho ah, wuxuu ugu dambayn dib ula midoobay saddex carruur ah oo uu dhalay
"Ma jiro wax aan ku beddelan lahaa aragtida caruurteyda, toban sano ma aanan arag," ayuu yiri Mahad.
Si kastaba ha ahaatee, weli wuxuu doorbidi lahaa inuu sii joogo Maraykanka, maadaama uu u baqayo naftiisa kadib markii uu helay fariimo qoraal ah oo uga yimid Al Shabaab, kuwaas oo xambaarsanaa hanjabaado dil ah.
Wuxuu qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah oo uu naftiisa ku ilaalinayo marka uu bannaanka joogo, wuxuuna ku nool yahay guri uu sheegay in amnigiisu aad loo ilaaliyo, balse faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin, mana uusan naga wadaagin nuxurka hanjabaadaha, sababo la xiriira amni.
Markii uu dib ugu soo laabtay dalka, Mahad waxaa si weyn u soo dhaweeyay dad badan oo ka tirsan beeshiisa, oo ay ku jireen siyaasiyiin maxalli ah, taas ku kasbaday saameynta uu ku leyahay bartiisa TikTok. Wuxuu fahamsan yahay in taasi ay u suurta-gelin karto fursado aysan heli karin Soomaalida kale ee laga masaafuriyay Maraykanka ama wajahaya khatar masaafurin.
Bishii hore, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu joojin doono sharciga ku-meelgaarka ah ee loogu talagalay in lagaga hortago in la masaafuriyo dadka marka dalkooda hooyo uu weli khatar yahay oo amni darro ay ka jirto.
Horraantii bishan, ayuu hadalka sii adkeeyay, isagoo sheegay inuusan doonayn muhaajiriinta Soomaalida ah ee ku nool Maraykanka, isla markaana wariyeyaasha u sheegay in Soomaalida ay "ku laabtaan meelihii ay ka yimaadeen" wuxuna intaas raaciyay in Soomaalida "dalalkoodu uusan fiicnayn sabab jirta awgeed".
Soomaaliya ma aysan lahayn dowlad dhexe oo si buuxda u maamusha dalka tan iyo markii xilka laga tuuray Madaxweyne Siyaad Barre sanadkii 1991. Dadku waxay soo mareen sannado badan oo fowdo iyo amni-darro ah, xitaa hadda, inkasta oo ay jirto dowlad fadhigeedu yahay Muqdisho, haddana kooxaha mintidiinta Islaamiga ah ayaa weli gacanta ku haya qaybo badan oo dalka ka mid ah, mararka qaarkoodna waxay weerarro ka fuliya caasimadda.
Hadallada Trump ayaa yimid kadib markii la weydiiyay eedeymo la xiriira musuq-maasuq baaxad leh oo ka dhacay Minesota, raadi oo aheyd dhaqaale loogu talogalay barnaamijka kaalmo ah oo lagu taakuleeyo caruurta.
Dhowr qof ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira wax ay dacwad-oogayaasha federaalku ku sheegeen lunsashada lacag malaayin oo loogu talogalay in lagu quudiyo caruur xilli COVID 19.
Qaar ka mid ah muhaajiriinta Soomaalida ayaa lagu tuhmay inay ku lug lahaayeen qorshahaasi lagu lunsaday lacagaha.
Kadib hadalladii Madaxweyne Trump ee ku aaddanaa Soomaalida, waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaallo, kuwaas oo u muuqday inay muujinayaan wakiillo ka socda waaxda socdaalka oo garaacaya albaabada guryo ku yaalla guud ahaan Minneapolis oo ay ku jirto aag loo yaqaan Little Mogadishu ama Muqdisho Yar iyo magaalada St Paul.
Magaalada oo ah tan ugu badan ee ay ku nool yihiin Soomaalida oo lagu qiyaasay ilaa sideetan kun oo qof ayaa tallaabooyinka ay waadeen waaxda socdaalka waxay cabsi badan ku abuurtay dad badan.
BBC-da ayaa sidoo kale la hadashay shan wiil oo dhallinyaro Soomaali ah, kuwaas oo aan hadda shaqo tegin balse waqtigooda ku qaata guriga ay ku xanniban yihiin, si taxaddar lehna ugu dhex socda qolal aysan iyaga lahayn.
Toddobaadkii hore ayay si kedis ah uga guureen gurigii ay kireysteen , waxaana sababta ay ku sheegeen in heshiiska kirada guriga uu ku qornaa magacyadooda.
Maaddaama ay markii hore heysteen sharci kumeel gaar ah, haatan waxay ka baqaan in waaxda socdaalka ay ogaato halka ay ku nool yihiin oo ay u yimaadaan. Waxay guryahooda ka baxeen habeen iyagoo sii qaatay wixii ay qaadan kareen, rajada keliya ee ay qabaan na ay tahay in sidaasi ay ku badbaadi karaan.
Hadda noolashooda waxaa ku yimid hakad, waxayna ka baaqdaan shaqooyinkooda. Mararka qaarna waxba ma cunaan ama maalintii hal mar ayay wax cunaan. Mid kamid ah wuxuu sharraxaad ka bixiyay sida ay noolasha uga kala booday.
"Cunnadii ayaa inaga sii dhammaaneyso, shan cisha na shaqo ma aynan aadin, waxaana ka baqeynaa in waaxda socdaalka ay banaanka nagu sugayaan, garan meyno waxa nagu dhici doona'" ayuu yiri mid kamid ah.
Inkastoo aanan la heynin tira rasmi ah, haddana Garyaqaan ma ahan qofka keliya ee la tarxiilay.
BBC-da waxay sidoo kale la hadashay wiil Soomaali ah oo kale, kaas oo codsaday in magaciisa la qariyo. Wuxuu sheegay inuu ku dhibtoonayo dib u dhisidda noloshiisa markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Isagoo markiisi hore ka yimid miyiga Soomaaliya, wuxuu si weyn u doonayay inuu ka baxo dalka, maaddaama abaar daba-dheeraatay ay burburisay noolashiisa.
Wuxuu si sharci-darro ah ugu tallaabay xadka Mexico iyo Mareykanka kadibna waa la xiray. Wuxuu 18 bilood ku qaatay xabsi ka hor inta aan dib loogu celin Soomaaliya.
Mar uu BBC-da kula hadlayay telfoonka , wuxuu sheegay inuu dareemayo hubanti la'aan ku saabsan mustaqbalkiisa.
"Way isoo celiyeen, haddana waa in aan noolasha dib u bilaabaa," ayuu yiri. "Wax walba oo aan horay u shaqeystay hadda waan ka fara-maranahay."
Wuxuu intaa raaciyay in safarkii Mareykanka uu ku bixiyay qiyaastii $20,000 (£15,000), lacagahaasi oo uu sheegay in uu ka amaahday saaxiibbo iyo qoys.
Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, wax lacag ah ma uusan helin, wuxuuna sheegay in aysan fursado ka jirin Soomaaliya.
"Mustaqbal halkan kama arko," ayuu yiri. "Waxba ma socdaan… shaqo na warkeeda ba daa."
Hadda wuxuu ka fikirayaa in uu mar kale tahriibo.
"Ma doonayo inaan noolal mar kale ka bilaabo halkan ," ayuu yiri.
"Waxa keliya ee aan rabo waa in aan u tahriibo dal kasta hadda."