You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Coronavirus: Maxay tahay sababta ay Denmark dib ugu fureyso dalkeeda?
Dowladda Denmark ayaa sameyneysa tallaabadii ugu horreysay ee ay ku khafiifineyso xayiraadaha lagu soo rogay dalkaasi, si loola dagaallamo cudurka coronavirus.
Laga billaabo Arbacada, carruurta da'doodu tahay 11-sano iyo wixii ka yar ayaa ku laaban doona iskuullada iyo xannaanooyinka, kaddib muddo bil ah oo ay xirnaayeen.
Denmark ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya ee Yurub ee hiigsanaya in bandowga ay si tartiib tartiib ah u joojiyaan, iyadoo ka mid ahayd waddamadii ugu horreeyay ee xannibaadaha soo rogay.
"Waa muhiim inaannaan Denmark ku sii heyn xirnaashaha muddo ka badan intii aan u baahnayn," sidaasi waxaa tiri Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi, Mette Frederiksen, iyadoo tallaabada bandwoga ku dhawaaqday toddobaadkii hore.
Faafidda cudurka Coronavirus ayaa u muuqata mid la xakameynayo, iyadoo dolwladduna ay dooneyso in dhaqaalaha uu ku soo laabto sidii uu markii hore ahaa.
Balse tallaabada Denmarka ayaa noqon doonta mid taxaddar leh oo si deggan looga fiirsado. Ms Frederiksen ayaa sheegtay inay taasi la micno tahay adigoo fiilo ku dul socda.
"Haddii aan mar kale Denmark si degdeg ah u furno, waxaan khatar ugu jirnaa in caabuqu uu aad u faafo, waxaan kaddib ku khasbanaan doonnaa inaan mar kale xirno," ayay tiri.
Xudduudaha Denmark ayaa sii xirnaan doona.
Yaa kale oo khafiifinaya bandowga?
Norway iyo Austria ayaa sidoo kale si tartiib ah u khafiifinaya bandowga.
Dalka Austria dukaamada qaar ayaa dib loo furay maanta, waxaana kusoo xiga dukaamo iyo makhaayado kale oo dib loo furi doono bisha May.
Carruurta ayaa iskuullada xannaanada ee Norway dib ugu laabanaya 20-ka bishan, iskuullada hoose ayaa sidoo kale la furi doonaa toddobaad kaddib.
Dalka Bulgaria, suuqyada beeraleyda ayaa dib loo furay. Jamhuuriyadda Czech, dukaamada iibiya qalabka dhismaha iyo mootooyinka ayaa la furay.
Dalka Spain oo sida Talyaaniga oo kale ka mid ahaa meelaha uu sida ba'an u saameeyay Covid-19 ayaa qorsheynaya in shaqaalaha qaar ay ku laabtaan shaqooyinkooda wixii loo gaaro Isniinta, waxayna boosteejooyinka ku qaybin doonaan marada wejiga lagu xirto.
Balse dalal badan ayaa waxaa hor yaalla caqabado la xiriira sidii ay u khafiifin lahaayeen xannibaadaha ay soo rogeen. Xoghayaha arimaha dibada UK Dominic Raab, ayaa sheegay in ay xilli hore tahay in laga fiirsado istiraatiijiyad bixitaan. Sidoo kale madaxa hey'adda caafimaadka adduunka ayaa ka digay in si dhaqsa ah loo qaado xannibaadda ah in guryaha la joogo.
Maxay Denmar diyaar ugu tahay tallaabadan?
Marka loo eego waddamada kale ee reer Yurub, Denmark waxay ahayd dalalkii ugu horreeyay ee tallaabadan qaaday. Xayiraado badan ayaa lagu dhawaaqay 11-kii bishii March, 12 maalmood kahor inta aan UK laga soo saarin tallaabo noocaas ah.
Isu imaatinka ayaa lagu xaddiday ilaa 10-qof, dadka shaqeeya ayaa loo sheegay in ay guryahooda joogaan, sidoo kale xudduudahana waa la xiray.
Waxay si aad ah uga duwan tahay dalka deriska la ah ee ay ku jirto Sweden, kuwaasoo iska sii watay ganacsi aad u qurux badan sidii caadiga ahaydba, oo dhawaanahan uun la xakameeyay tirada kooxaha isku imaanaya ee laga billaabo 500 ilaa 50 qof.
Si kastaba, bandowga ka jira dalka Denmark ayaa aad uga yar kan ka jira dalka Faransiiska ama UK.
Ma jiro amar ah in guryaha la joogo. Inkastoo baararka lagu caweeyo, goobaha jimicsiga iyo tima jarayaasha ay xiran yihiin, haddana qaar ka mid ah dukaamada ayaa weli furan.
Xogta caafimaadka ayaa muujineysa in dadaallada Denmark ay yihiin kuwo mira dhal ah.
"Waxaan u maleynayaa inaan diyaar u nahay dib-u furitaan xakameysan," waxaa sidaas yiri Hans Joern Kolmos, oo ah barfasoor cilmiga microbiology-ga ka dhiga jaamacadda koonfurta Denmark.
Denmark ma aragtay waxa ka danbeeya cudurkan dillaacay?
Qiyaastii 6,000 oo xaaladood iyo 260 dhimasho oo la xiriirta cucudrkan safmarka ah ee Covid-19 ayaa la diiwaangeliyay ilaa laga gaaray 11-kii bishan April.
Muhiimad ahaan, tirada guud ee isbitaallada la dhigay iyo bukaannada ku jira daryeelka deg degga ah ayaa hoos u dhacay ilaa billowgii bishan.
"Waxaan weli leenahay awoodo badan, sariiraha caadiga ah, kuwa xaaladaha deg degga ah iyo goobo kale intuba waa inoo diyaar," ayuu yiri Prof Kolmos.
Si kastaba, Dalka wuxuu u baahan yahay inuu u diyaarsanaado suurtagalka "sare u kac deg deg ah" oo fayraska ah. Tani waxay ka dhigan tahay inay tahay inaan dhisno awoodo tijaabineed.
Maxaa isbeddeli doona?
Furitaanka ayaa laga yaabaa in uu ka dhib yar yahay xeritaanka.
Iskuullada ayaa weli loo soo jeedinayaa in ay dedaallo badan sameeyaan. Waxaa loo baahan yahay in masaafo ay u dhaxayso carruurta, nidaamyada nadaafadda adag ee xiisadaha iyo fasallada oo lahaada albaabo badan oo laga bixi karo.
"Tani ma noqon doonto maalin dugsiyeed caadi ah, laga billaabo maalinta ugu horreysa," ayay tiri Dorte Lange, oo ah madaxweyne ku xigeenka midowga macalimiinta dalka Denmark.
"Xubnaha midowga ayaa is weydiinaya su'aalaha ah qaabka aan arintan u maareyn karno, annagoo isticmaaleyna hab badbaado leh," ayay tiri Ms Lange. "Ma jiraan labo Iskuul oo isku mid ah."
Waxay u egtahay in Iskuullada qaar aysan diyaar u ahayn in ay furaan.
Waxaa jiray falcelin isku dhafan oo ka imaanaya waalidiinta. Mid ka mid ah group-yada barta Facebook lagu sameeyay oo la yiraahdo "canugeyga ma noqon doono Daba cadeeyaha Covid-19", ayaa si dhaqsa ah ay xubno uga noqdeen dad gaaraya 35,000 qof.
Si kastaba, Prof Kolmos ayaa sheegay in marka hore Iskuulada in la furo ay micno sameyneyso. "Caruurtu uma muuqdaan in wax saameyn ah ay ku yeeshaan illaa xad, waana tan kaliya ee waalidiinta ay dib shaqooyinkooda ugu laaban karaan."
"Waan ku faraxsanahay in aan dib ugu celiyo Iskuulkooda," ayay tiri Anne Eskerod Borgstroem, oo agaasime ka ah market research ahna hooyo 3-carruur ah leh. "Waxa ayna sidoo kale ii sahleysaa in aan shaqadeyda qabsado anigoo jooga gurigeyga."
Waxay dareemeysaa in xiriirkii ay dowladda la sameeyeen ee ku aaddanaa arintan ay si cad u dhacday taasina ay siineyso kalsooni.
Wax ka qabashada dhibaatada ayaa u muuqata mid heshay taageero ballaaran oo dadweyne.. Sida laga soo xigtay hal ra'yi ururin, 86% dadka reer Denmark ayaa oggolaaday.
Maxay Danmark weli uga dhammaan la'dahay arrintan?
bandowga ayaa si xun u saameysay habnololeedka dadka, inta badan xannibaadaha ayaa sii jiraya ilaa 10-ka bisha May, markii ay dowladdu tixgeliso tallaabooyinka soo xiga.
Wali ma cada goorta ay ganacsatada qaarkood sida makhaayadaha dib ugu furi karaan albaabbadooda.
"Dadka makhaayadaha leh ayaa guud ahaan dhibtoonaya. Waxaan malaha luminnay 60% dakhligeena," ayuu yiri Kasper Bundgaard Christensen, oo labo makhaayadood oo cuntada badda laga helo ku leh magaalada Copenhagen.
Mamnuucidda xafladaha iyo munaasabadaha waaweyn illaa iyo bisha Sebtember ayaa sidoo kale baabi'iyay qorsheyaasha gawaaridooda raashinka. "Waxyaabo badan oo noo qorsheysnaa ayaa la hakiyay. Waa khasaare weyn."
Waxay diiradda saarayaan iibka, waxayna rajeynayaan in ganacsigu caadi ku soo noqdo xilliga xagaaga.
Labaatan shaqaale ah ayaa loo diray guryahooda laakiin wali waxay ku jiraan lacag bixinta, iyagoo si weyn ugu mahadnaqay qorshaha magdhowga ee loogu tala galay in lagu joojiyo shaqo ka joojinta. "Waxaan bixinnaa 10% mushaharkooda, inta soo hartana dowladda ayaa bixisa."
"Marka arinta dhamaato, indhaha ayaynu ku eegi karnaa markaasay iyaguna shaqada ku soo laabanayaan," ayuu yiri Mr Christensen.
Boqollaal bilyan oo lacagta Denmark ah oo u dhiganta tobanaan balaayiin oo euro - ayaa lagu kharash gareeyay xirmooyinka badbaadinta.
Lars Sandahl Soerensen, oo ah madaxa fulinta ee shirkadaha Denmark ayaa sheegay in loo baahan yahay waxyaabo badan. "Furitaanka aad u qunyar-socodka ah ee aan wajahayno, goobo badan oo shaqo iyo ganacsiyo ayaa u baahan caawimaad haddii ay doonayaan in ay badbaadaan."
"Furitaanku si cad ayuu waqti u qaadanayaa, waxaana jiri doona xeerar badan oo cusub".
"Ma u maleynaayo inaan dib u heli doonno noloshii caadiga ahayd ee aan heysanay kahor Coronavirus," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha dalkaasi, oo la hadlayay warbaahinta dowladda.