You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Tirada caruurta ku dhalaneysa Shiinaha oo aad sare ugu kacday
Heerka caruurta dhalaneysa ee dalka Shiinaha ayaa meeshii ugu sareysay gaartay tan iyo sanadkii 2000.
Balse dhibaatada taagan ayaa ah in dumarka caruur dhali kara ay aad ugu yartahay Shiinaha, sida saraakiisha caafimaadka ee dalkaasi ay sheegayaan.
Sare u kaca ayaa ka dhashay ka dib markii la fududeeyay sharcigii xadidi jiray tirada caruurta ee qoyska ay haysan karaan.
Sharcigaas ayaa la badalay sanad ka hor taas oo keentay in qoysas badan ay kaa faa'ideystaan.
Qiyaastii 17.86 milyan oo caruur ayaa Shiinaha ku dhalatay sanadkii la soo dhaafay ee 2016-kii.
Sanadkii ka horeeyay ee 2015-kii tiradii dhalatay ayaa aad u hooseysay, Sida laga soo xigtay laanta caafimaadkaa iyo arrimaha qoyska ee Shiinaha.
In ka badan boqolkiiba 45% caruurtii dhalatay 2016-kii waxay leeyihiin walaal ka weyn ama ka yar.
"Ayadoo dumarka caruurta dhali kara ay ka yaryihiin shan milyan, hadana tirada si wanaagsan ayey sare ugu kacday. Taasi waxay muujineysaa in qorshaha dib u habeynta sharciga caruurta uu si wanaagsan u dhaqan galay," ayuu yiri mid ka mid ah laanta NHFPC, oo lagu magacaabo Yang Wenzhuang.
Wuxuu sheegay in sanadka 2020-ka ay filayaan in 17 illaa 20 milyan oo caruur ay dhashaan sanad kastaa.
Waxaa la saadaalinayaa in 2050-kaa ay kororta dhallinyarada shaqeyn kara ee Shiinaha, ayna gaarto 30 milyan oo qof.
Madaxda dalka Shiinaha ayaa horey u joojiyay in qoysaska ay caruur badan haystaan, taas oo ay kula dagaallamayeen badashada xad dhaafka ah ee tirada dadka, faqriga iyo wasaqeynta deegaanka.