You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shiinaha oo hawada u diray satellite isgaarsiinta mobileka
Shiinaha ayaa hawada u diray satellitekii ugu horeeyay ee isgaarsiinta mobileka.
Tiantong-01 satellite ayaa samayn doona qad telefoonada mobile-ka oo u adeega Shiinaha, Bariga dhexe, Afrika iyo meelo kale ayay sheegtay wakaaladda wararka ee waddanka ee Xinhua.
Waxaa hawada loo diray saqdii dhexe waqtiga Beijing habeenimadii Axada
Waxaa dhulka ka maamuli doona China Telecom, oo ay leedahay dowladda Shiinaha.
Waddanka ayaa sidoo kale diyaarinayo barnaamijkiisii labaad ee hawadda.
Sabtidii gantaalaha hawada xarunta laga diro ee waqooyi galbeed Shiinaha. Waxay qaadi doonaan qaybtii labaad ee saldhiga hawada, isagoo lagu badalayo Tiangong1 oo soo dhamaystay hawshiisii iyo dayax gacmeedka Shenzou-11.
Shiinaha ayaa hawada u diray dayax gacmeedkii ugu horeeyay ee qof wada 2003-dii, tan iyo markaa waxay gaartay horumar wayn.
Madaxa naqshadaynta barnaamijka lunar ee Shiinaha, ayaa BBC u sheegay in shiinaha uu qorshaynayo ay degto dayaxa si ay u baarto Mars.
Barnaamijka hawada ee waddanka waxaa hogaamimaya milatariga.