Shiinaha oo baadigoobaya dad duufaan lagu waayay

Ugu yaraan 32 ruux oo la waayay ayaa laga baadi goobayaa gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha kaddib markii roob mahiigaan ah oo duufaan wata uu sababay in dhul joogiisu sareeyo oo labo goobood oo kala duwan ku yaalla ay soo go'aan.

Tuulada Sucun ee gobolka Suichang guryo dhawr ah ayaa gabi ahaanba burburay, arrintaas oo sababtay in la waayo 26 ruux sida ay ku warantay warbaahinta dawladda.

Muuqaal ay baahisay wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa muujinaya burburka dhismeyaal badan, shan iyo toban ruux ayaana la soo badbaadiyay.

Lix ruux oo kale ayaa lagu la'yahay deegaan Baofeng oo ka tirsan Wencheng sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Roobabka ayaa la socday duufaanta Typhoon Megi, oo todobaadkii hore afar ruux ku dishay Taiwan ka hor inta aysan gaarin dhulwaynaha Shiinaha.