Baaritaan lagu ogaaday in dokumetari ay BBC ka samaysay Qasa uu jabiyey habraacyada

Barnaamij Dukumentari ah oo ay BBC ka diyaarisay Gaza ayaa jebiyay habraacyada tifaftirka ee saxnaanta isagoo ku guul daraystay in uu shaaciyo in qofka hadlay uu yahay wiil uu dhalay sarkaal ka tirsan Xamaas, sida lagu ogaaday dib u eegid ay BBC samaysay.
Agaasimaha guud ee BBC Tim Davie ayaa amray in dib u eegid lagu sameeyo barnaamijkaas oo la yiraahdo Gaza: Sida loogu badbaado goob dagaal, ka dib markii laga saaray iPlayer-ka bishii Febraayo markii xiriirka qoyska wiilka uu soo baxay.
Dib u eegista ayaa lagu ogaaday in shirkada madax banaan ee barnaamijyada soo saarta ee Hoyo Films ay qaadayso masuuliyada ugu badan ee fashilka. Laakin waxa ay sidoo kale sheegtay in BBC-da ay lahayd xoogaa mas'uuliyad ah oo ay ahayd in ay wax badan ka qabato kormeerkeeda.
BBC waxay sheegtay in barnaamijkaas ay ahayd in aan la saxiixin baahintiisa, isla markaana ay qaadayso tillaabada ku habboon isla xisaabtanka.
Dib u eegista ayaa lagu ogaaday in saddex xubnood oo ka tirsan shirkadda barnaamijyada soo saarta ee madaxa bannaan ay ogaayeen jagada aabbaha ee ah wasiir ku xigeenka beeraha ee xukuumadda Xamaas ee Gaza, laakiin qof BBC ka tirsan ma ogayn arrintan ka hor inta aan la baahin.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxa ay ku dhaleecaysay kooxda BBC-da in aanay "wax ku filan" samaynin hubinta tifaftirka bilowga ah, iyo "la'aanta kormeer muhiim ah oo su'aalaha aan laga jawaabin ama qayb ahaan looga jawaabay" ka hor inta aan la baahin.
Dib u eegista ayaa sidoo kale sheegtay in aysan arkin wax caddayn ah "si ay u taageerto soo jeedinta ah in aabbihii ama qoyskii sheekada ay saameyn ku yeesheen nuxurka barnaamijka sinaba".
Waxa ay intaa ku dartay in tabarruca qoraalka qoraaga ee barnaamijka aanay ka dhignayn jebinta dhexdhexaadnimada.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay ku soo gebogebaysay in adeegsiga ilmaha yar ee hadlayey uusan ahayn "mid ku habboon" xaaladaha jiray.

Ayadoo hadlaysay ka dib markii la daabacay, ayaa madaxa wararka ee BBC Deborah Turness ayaa waxay u sheegtay Radio 4 barnaamijka ka baxa ee la yiraahdo The World at One: "Waan yeelanayna halka aan qaladka samaynay, waxaan ogaanaynaa waxa khaldan, anagoo fulinayna natiijada, waxaana niri waan ka xunahay."
Waxay sheegtay in shaqsiyaadka BBC ee kormeeraya barnaamijka in ay ahayd inay ogaadaan booska wiilka ka hor inta aan la sii deyn, "sababtoo ah su'aalahooda waxay ahayd inay ka jawaabto shirkadda madax-bannaan ee barnaamijyada soo saarta".
BBC-da ayaa sheegtay inay qaadayso dhowr tillaabo oo looga hortagayo in jebin tan la mid ah ay soo noqoto.
- Hay'addu waxay abuuri doontaa door hoggaamineed oo cusub oo khuseeya barnaamijyada dokumentariga ah wararka iyo arrimaha hadda socda. Doorka agaasimaha cusub ee guddiga wararka ee BBC, oo la xayeysiin doono toddobaadka soo socda, ayaa yeelan doona hoggaan istiraatiiji ah oo ka soo bixi doona qaabkeeda dheer ee qaybta wararka.
- Tifaftir cusub ayaa la soo saari doonaa taas oo ah in si taxadar leh looga fiirsado adeegsiga weriyayaasha ee ku aaddan barnaamijyada lagu muransan yahay ee hadda jira, iyo in dadka hadlaya la marsiin doono baaris heer sare ah.
- Nidaam cusub oo "albaabka koowaad" ayaa la soo bandhigi doonaa, taasoo la macno ah "ma jiro barnaamijyo si rasmi ah la amri doono in la sameeyo ilaa iyo inta laga tixgelinayo cabashooyinka ka imaan kara oo liiskooda la taxayo".
Dib u eegista ayaa ogaatay in shirkadda barnaamij soo saarku aysan si ula kac ah u marin habaabin BBC-da, iyadoo raacisay: "Waxay sameeyeen khalad, waxayna ahayd inay BBC u sheegaan arrintaas. BBC-da sidoo kale waxay leedahay mas'uuliyadda qaar ka mid ah fashilkan."
Hoyo Films waxay sheegtay inay u qaadatay natiijooyinka dib u eegista "mid aad u culus" waxayna sheegtay inay "raaligelin ka bixinayso khaladka ka dhashay jebinta habraaca tifaftirka".
Shirkaddu waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in warbixinta ay ogaatay inaysan jirin "wax caddayn ah oo muujinaya saameyn aan habboonayn oo ku saabsan nuxurka dukumentariga ee cid saddexaad".
Waxa ay sheegtay in ay soo dhawaynayso talooyinka warbixinta ayna "rajaynayso in ay wanaajiso hab raacyada oo ay ka hortagaan dhibaatooyinkan oo kale mustaqbalka".
Hoyo Films waxay sheegtay inay si dhow ula shaqayn doonto BBC-da si ay u eegto suurtogalnimada isticmaalka qaar ka mid ah waxyaabaha dib loo tifaftiray iyo kuwa dib loo turjumay ee filimada gaagaaban ee kaydka iPlayer.
Agaasimaha guud ee BBC Tim Davie ayaa raaligelin bixiyay, isagoo sheegay in warbixintu "ay muujineyso guul darro weyn oo la xiriirta saxnaanta".
"Waxaan hadda qaadi doonnaa tallaabo laba dhinac ah," ayuu sii raaciyay. "Tallaabooyin cadaalad ah, cad oo ku habboon si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka saxda ah iyo hirgelinta degdegga ah ee tillaabooyinka looga hortagayo in khaladaadkaas oo kale ay soo noqnoqdaan."
Hay'addu ma aysan magacaabin shaqsiyaad wajahaya tallaabo anshaxeed.
Baaritaan maaliyadeed oo qayb ka ah dib u eegista ayaa lagu ogaaday in khidmad dhan £795 la siiyay qofka hadlayey, oo la siiyay walaashii oo qaan-gaar ah, qaddarkaas oo aan ahayn "ka baxsan xadka waxa macquul ahaan kara macnaha guud".
Wiilkan ayaa sidoo kale ka helay talefan gacanta oo ah mid la soo isticmaalay iyo kaar hadiyad ah oo loogu talagalay ciyaarta kombayutarka. Marka lagu daro khidmadda, taasi waxay noqotay wadarta qiimaha £1,817.
Dib u eegista ayaa sidoo kale lagu ogaaday inay jiraan "culaysyo xagga tas-hiilaadka ee hay'adda iyo BBC-da labadaba" ka hor baahinta barnaamijka.
Ka dib daabacaadda dib u eegista, markii la weydiiyay inay weli kalsooni ku qabto Davie, Xoghayaha Dhaqanka Lisa Nandy ayaa tiri: "Ma ahan in dowladdu ay sheegto cidda ay tahay iyo inayan ka shaqeyso BBC-da".
"Shaqadeydu waa in aan xaqiijiyo in aan ilaalino heerarka ugu sarreeya iyo in shacabka iyo baarlamaanka ay ku kalsoonaadaan BBC-da.
"Waxay ila tahay, marka la eego dhacdooyinkii u dambeeyay, in su'aal la geliyay, laakiin BBC-da toddobaadyadii la soo dhaafay waxay samaysay horumarro waaweyn oo ay isku dayayso inay dib u soo celiso xiriirkaas dadweynaha, oo ay muujiso inay gacanta ku hayaan arrimaha aadka u daran."
Nandy waxay sheegtay inay la kulantay Davie iyo guddoomiyaha BBC Samir Shah usbuucii hore. Waxay intaas ku dartay: "Waa muhiim in BBC-da ay qirato in ay jireen guuldarrooyin isdaba joog ah oo musiibo ah toddobaadyadii la soo dhaafay."

Xigashada Sawirka, PA Media
Dib u eegista waxaa sameeyay Peter Johnston, agaasimaha BBC ee cabashooyinka iyo dib u eegista.
Kooxda ka shaqeysay dib u eegista ayaa ogaaday oo tixgeliyey 5,000 oo dukumeenti laga soo qaatay muddo barnamij soo saarid muddo 10 bilood ah, iyo sidoo kale 150 saacadood oo agab la duubay intii lagu jiray soo saarista, si loo wargeliyo gabagabada Mr Johnson, BBC ayaa tiri.
Guddiga BBC-da ayaa yiri: "Ma jiro wax ka muhiimsan kalsoonida iyo daah-furnaanta saxaafadda. Waxaan soo dhaweyneynaa tallaabooyinka ay qaadayaan madaxda si looga fogaado in fashilkan soo noqnoqdo mustaqbalka."
Laakiin ololaha ka dhanka ah yahuud nacaybka ayaa weerar culus ku qaaday BBC-da ka dib markii warbixinta la daabacay, iyagoo sheegay in talooyinka ay soo jeedinayaan ay yihiin "aflagaado".
"Warbixintu waxay sheegaysaa wax aanaan horayba u ogeyn: bixinta lacagta ka timaada khidmadda laysanka in la siiyo Xamaas waxay ahayd mid xun," CAA ayaa tiri. "Warbixintu ma keento aragti cusub, waxayna ku dhowdahay mid marka la akhriyo u muuqanaysa inay isku dayayso inay BBC-da ka saarto."
In ka badan 40 ka mid ah madaxda talefishinada Yuhuuda, oo ay ku jiraan madaxii hore ee qoraalka BBC Danny Cohen iyo wakiilka JK Rowling Neil Blair, ayaa hore BBC-da ugu qoray su'aalo ku saabsan guuldarrooyinka tafatirka ee filimka.
Dhanka kale, 500 oo qof oo warbaahinta ka shaqeeya oo ay ku jiraan Gary Lineker, Anita Rani, Riz Ahmed iyo Miriam Margolyes ayaa saxiixay warqad furan bishii Febraayo si ay u taageeraan filimka.
Dame Melanie Dawes, oo ah madaxa maamulaha baahinta ee Ofcom, ayaa sheegay in BBC-da ay ka gaabisay in ay gacanta ku dhigto fadeexado dhowaan soo baxay sida dukumentarigii Gaza iyo sidoo kale baahinta ka qayb galkii Bob Vylan ee Glastonbury.
Iyadoo la hadashay barnaamijka Sunday with Laura Kuenssberg, waxay sheegtay inay jirto "khatar dhab ah" dhacdooyinkii dhawaa waxay keeni karaan "kalsoonida luminta" baahinta, iyadoo raacisay: "Aad bay u niyad jabsan tahay in BBC ay ka leedahay ujeedooyin u gaar ah aaggan."
Bishii Juun, BBC-du waxay ka saartay filim kale oo cinwaan looga dhigay Gaza: Doctors under attack, iyadoo ay ugu wacan tahay walaaca dhexdhexaadnimada ah ee ay ka qabto soo saarista. Filimkaas waxaa markaas baahiyey Channel 4.













