Qaabkii Garyaqaan looga soo tarxiilay Mareykanka iyo walwalka uu hadda qabo

Xigashada Sawirka, Mahad Mohamud
Mahad Maxamud waxaa uu si tartiib ah ula qabsanayaa kuleyka iyo xaaladda Muqdisho kadib markii bishii hore laga soo tarxiilay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, xilli cimiladu ay isu baddeleysay qaboobaha.
Soomaalida waxay 36 jirkan u yaqaannaan Garyaqaan, waana magaca uu u adeegsado bartiisa TikTok, halkaasi oo ay ku taxan yihiin nus malyan qof. Dadka ku taxan waxay in badan oo ka mid ahi ay la dhacsan yihiin sida uu u difaaco reerka uu ka dhashay, taasi oo qeyb ka ah dhaqan muddooyinkii dambe sameysmay.
Hase yeeshee shabakad xiriir la leh Aqalka Cad ee Marerykanka oo la yiraahdo "Rapid Response 47", akoonna kuleh barta X, waxay Garyaqaan ku eedeyeen in uu yahyay "dembiile iyo nacas aan qiima laheyn".Bishii Oktoobar ee sanadkan waxay sidoo kale ku eedeyeen in uu ku lug lahaa afduubka dad u dhashay dalka Faransiiska oo ku sugnaa huteel ku yaallo magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee Garyaqaan waa uu beeniyay eedeymahaas, waxaana uu intaa raaciyay in xilligaasi aanu joogin Muqdisho, markii lagu eedeeyayna aanan wax dembi ah lagu helin oo kiiskaasi daaqadda laga tuuray.



