Bashir Cabdillaahi: Ninkii tuugsan jiray ee hadda da' yarta bara sida lacag loo sameeyo.

Bashiir
Qoraalka sawirka, .

Qaar ka mida dadka naafada ah ama qaba baahiyaha gaarka ah ayaa waxay u tahay waddo ay ku raadsadaaan shaqooyin taasoo qaarkood u noqoto caado, iyagoo xaaladdooda u baddela qaab ay sida ugu sahlan lacag ugu heli karaan iyagoo wax dhiba marin.

Laakiin Malam Bashiir Cabdullaahi, oo ah curyaan, wuxuu qabaa in tuugsashada ama dawarsiga ay tahay wax aad u hooseeeyo oo dila qalbiga, waana sababta uu u doortay inuu dul fariisto qiiqa iyo kulaylka ka soo baxaya mishiinka alxanka siu u helo wax uu quuto halkii uu ka doorbidi lahaa inuu dadka baryo si ay wax u siiyaan.

Xaafadda Kawo ee magaalada Kaduna, Bashiir Gurgu, oo ah alxamiiste, waa magac caan ah oo dadku uga yimaadaan meelo fog-fog si ay ugu shaqeeyaan, waxaana uu sheegay inay u badan tahay in sababtu tahay dadka oo arkay go'aankiisa ku aaddan isku-filnaanshaha iyo sida uu uga go'an yahay caawinta dhalinyarada kale.

Isaga ahaan, "tuugsi waa xirfad maaha," taas ayaana sababtay inuu doorto inuu ka barto alxanka xarun tababar farsamo oo loogu talagalay dadka naafada ah oo ku taal Abuja, kadibna uu dib ugu laabtay Kaduna si uu ula dagaallamo tuugsiga.

Dukaanka Bashiir waxaa mar walba buux dhaafiya dad isugu jira shaqaale iyo kuwo tababarba – kuwaas oo uu sheegay in ay ku dhiiradaan in uu sii wado waxa uu damacsan yahay in uu sameeyo isaga oo aan daalin.

Noloshiisii Abuja

Bashiir

Malam Bashiir Cabdullaahi waxa uu ku dhashay Gobolka Kaduna, balse markii dambe waxa uu u guuray caasimadda Abuja, si uu nolol maalmeedkiisa uga raadsado oo uu u helo nolol uu qoyskiisa ku quudiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Naafada iyo shaqo la'aanta ayaa keentay in Bashiir uu ka mid noqdo dadka dawarsada waddooyinka Abuja, taasoo uu sheegay in markii hore uu aad ugu riyaaqay maadaama uu dhaqaale badan ka heli jiray, isla markaana uu xitaa u haystay inay tahay habka ugu fudud ee uu naftiisa iyo qoyskiisa ku maareyn karo.

Si kastaba ha ahaatee, in muddo ah ka dib, Malam Bashiir wuxuu xaqiiqsaday in tuugsigu uusan ku habooneyn isaga, taas oo keentay inuu bilaabo inuu raadiyo hab uu u maleynayo inuu ku faraxsan yahay.

"Aniga kuma dhalan naafonimada, balse waxaan maqlay markii aan yaraa in aan xanuunsaday, taas ayaana keentay in aan sidan noqdo" ayuu yiri Bashiir oo sheegay in hadda da'diisa u dhaxayso 45 ilaa 50 sano jir.

Wuxuu sheegay inuu ku jiray safar tuugsi ah magaalada Abuja xilligii Nasir El-Rufai uu ahaa wasiir, ka dibna waaa la aruuriyey loona qaaday xarumaha dadka naafada ah si loo baro xirfado gaar ah kaas oo qayb ka aha qorshaha dowladda ee la ka hortaga tuugsida ama dawasiga.

"Markii aan tagay, waxaan doortay inaan barto alxanka, halkaas oo aan wax ku baranayay muddo laba sano ah ilaa aan si fiican u bartay," ayuu yiri isagoo wax laxaamadayey.

Kadib markii uu dhamaystay tababarkiisii, Bashiir waxa uu doortay in uu ku laabto gobolka Kaduna halkaas oo uu ka sii watay xirfadiisii alxanka. Laakiin halkii uu alxanka uun ka heli lahaa si uu nolol maalmeedkiisa u helo, waxa uu noqday tababare si uu tusaale ugu noqdo boqollaal dhallinyaro ah.

"Dhallinyarada waxaan baraa - kuwa caafimaadka qaba iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba, hadda qaar ganacsigoodii furay oo shaqeeya, qaarna waxay bilaabeen inay wax baraan," ayuu yidhi.

"Waxaan wax baraa dhalinyarada, kuwa caafimaadka qaba iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba.hadda qaar ka mida ayaa furtay ganacsiyo ay iyagu leeyhiin kana shaqeeya , halka qaar ay bilaabeen barashada" ayuu yiri.

Qabkeyga

Malam Bashiir

Maalin Bashir Gurgu wuxuu sheegay inuu dhallinyarada baro farshaxanka isagoo aan waxba waydiisan, sababtoo ah sida uu sheegay, "tani waa caawinaad uu qofku ku yareyn karo caajiska, iyo dawarsiga, taasoo hoos u dhigi doonta falalka sharci-darrada ah."

Wuxuu sharaxay in isbeddelka noloshiisa uu ka yimid qof tuugsade ah uuna ka dhigay qof isxilqaan leh taasna ay tahay mid ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee uu ku faano, "markaan xasuusto inaan joojiyay dawarsiga, waxaan dareemaa farxad."

"Hadda waa waqtigii dadka caafimaadka qaba iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba ay iigu iman lahaayeen caawimaad," ayuu yiri Bashir.

Waxa uu sidoo kale ku booriyay dadka kale ee dhibaateysan inay joojiyaan ku tiirsanaanta tuugsiga, sababtoo ah sida uu sheegay ma ahan xirfad, wuxuuna ugu baaqay inay tagaan oo ay xirfad bartaan oo ay bilaabaan inay naftooda ku tiirsanaadaan.

Dagaalka ka dhanka ah tuugsiga

Inkastoo Bashiir uu Dukaan weyn ku leeyahay Xaafadda Kaawo, halkaasi oo uu ku shaqeysto, isla markaana uu dadka kale wax ku baro, ayaa haddana waxa uu sheegay in arrinta ugu weyn ee isaga dhibeysa ay tahay, iyadoo weli ay jiraan dad badan oo dawarsada oo ku sugan Waddooyinka Gobolka Kaduna iyo gobollada kale ee dalka.

"Ma jecli marka aan arko dad tuugsanaya, tuugsiga maaha xirfad wanaagsan, laakiin dadka qaar ayaa dawarsada rabitaankooda, kaliya ma haystaan wax ay doortaan, waana sababta aan u murugoodo markaan arko tirada dadka tuugsada oo sii kordhaya, mana haysto doorasho."

Waxa uu sheegay in haddii uu fursad u helo uu u furi doono xarumo lagu tababaro dadka u baahan, gaar ahaan kuwa farsamada gacanta, sababtoo ah, "marka ay bilaabaan inay ku raaxaystaan isku-kalsoonaanta, dhammaan waxay joojinayaan tuugsiga."

Waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo dowladda iyo hay'adaha gaarka ah in ay isu yimaadaan oo ay isku tashadaan, si uu u gaaro hadafkiisa ah "la dagaalanka tuugsiga".

"Sida ay dowladdu ii tababartay si xirfadeysan ayaan sidoo kale rabaa in aan kuwa kale u tababaro, sababtoo ah dowladda kaligeed wax ma qaban karto, tani waa waxtarka aan sameyn karno."

Barashada alxanka goobta Bashiir

Xitaa markii BBC-du tagtay dukaanka Malam Bashir Gurgu, waxuu hayey shaqo laakiin ma ahayn alxan sababtoo ah ma jirin koronto waqtigaas, mishiinkii alxanka wuu jabnaa.

Laakiin halku uu fadhiyey meel gadaal ka ah , waxaa joogay wiil dhalinyaro ah kaas oo tababar ka qaatay Bashiir, isla markaana noqday nin xirfad u yeeshay in uu lacag helo oo uu dukaan u gaar ah furto, kaas oo uu sheegay in uu inta badan u shaqo tago marka ay koronto la'aan tahay.

Shehu Umar iyo Lawal Ya'u waa dhalinyaro caafimaad qaba oo aan ku kulannay dukaanka, waana qaar ka mid ah dadka waaweyn ee ka baranaya farsadda Bashir Gurgu.

"Alxanka waxaan ka bartay Oga-Lawal inkasta oo uu baahi gaar ah qabay, laakiin hadda isaga dartiis waxaan u haystaa shaqo aan isku hallayn karo oo xataa dukaan aan iska leeyahay ayaan furtay" ayuu yidhi Lawal.

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay in loo geeyey Malam Bashiir si uu u barto farsamada alxanka, oo uu bartay, aadna uu u yaqaanay, oo uu dukaan ka furtay, ilaa uu bilaabay qorshe uu ku shaqaaleysiiyo dadka kale si uu wax u baro.

"Tani waa waxa kaliya ee aan ku faano," ayuu yiri Bashiir.

Ugu dambeyntii, Bashir wuxuu yiri, "Waxaan ku adkeysan doonaa waxbarashada caruurtayda ee maadiga iyo diiniga ah, maxaa yeelay waxaan rajeynayaa in carruurtaydu ay u koraan kuwo sharaf u ah Nigeria. Inshaa'Allaah, waxay noqon doonaan dad waaweyn oo la ixtiraamo."