Aragtida Shiinaha ee dunida inteeda kale oo ku dhisan taariikhdii la soo maray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiisadaha sii kordhaysa ee Shiinaha kala dhaxeysa Taiwan ayaa indhaha caalamka ku soo jeedisay, iyada oo dad badan ay la yaaban yihiin halka uu madaxweyne Xi Jinping uu ka arko dalkiisa masraxa adduunka.
Dabcan, waxaa laga yaabaa in taariikhdii la soo maray ay tilmaan bixin karayso, sida ay qortay Rana Mitter, oo ah bare-sare oo culuunta taariikhda ka dhigta Jaamacadda Oxford.
Shiinaha hadda waa quwad caalami ah, waana arrin tobanneeyo sano ka hor aanan la malaysanayn.
Awoodda Shiinaha ayaa mararka qaar ka timaadda iskaashiga ay la leedahay dunida inteeda kale; tusaale ahaanna sida saxiixa heshiiska cimilada ee Paris.
Ama mararka qaar tartan, sida mashaariicda dhismaha waddooyinka, oo ka socda in ka badan 60 waddan, kuwaas oo lagu maalgeliyay meelo badan oo adduunka ah oo horey reer galbeedku ay amaah u diideen.
Balse, waxaa sidoo kale jira in Shiinaha uu bidhaaminayay arrimo badan oo kale oo muran dhaliyay.
Beijing waxay Mareykanka ku cambaareynaysaa in uu doonayo in uu "xakameeyo" Shiinaha, iyadoo loo marayo heshiiska cusub ee gujiska badda ee ay dhawaan kala saxiixdeen waddamada Mareykanka, Britain iyo Australia.
Wuxuu uga digayaa Britain in "cawaaqib xumo" ay ka dhalan doonto dadka reer Hong Kong ee ay deganaashada siineyso, kuwaa oo ka baxaya magaaladooda sababa la xiriira sharciga amniga qaranka, waxayna Taiwan u sheegtay in ay u diyaar garowdo sidii ay ula midoobi lahayd dhulweynaha Shiinaha.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dalkiisa gaarsiiyay heer aysan gaarsiin madaxdii isaga ka horreysay, marka la eego masraxa siyaasadda caalamka tan iyo xilligii Mao Zedong, oo ahaa hoggaamiyihii ugu sarreeya Shiinaha xilligii dagaalkii qaboobaa.
Haddaba waa kuwan shan ka mid ah arrimaha soo noqnoqday ee soo maray dalkaasi:
Falsafaddii nidaamka anshaxa ee Shiinaha
In ka badan 2,000 oo sano, falsafadda anshaxa ku dhisan ,ee afka qalaad lagu yirahdo "Confucian" ayaa hageysay hab-noolaleedka bulshada dalkaasi Shiinaha.
Faylasuufkii anshaxaasi soo hindisay (551-479 CE) ayaa dhisay nidaam anshax oo qeexaya qof kasta iyo mansabka iyo doorka uu ku dhex leeyahay bulshada, oo kuwa xilalka sare haya ay ilaaliyaan danaha kuwa ka hooseeya ee ay madaxda u yihiin.
Nidaamkaas oo aad loo dhaqan geliyay muddo badan ayaa hagayay boqortooyooyinkii soo maray dalka Shiinaha illaa kacaankii 1911, xilligaas oo afgambigii boqorkii ugu dambeeyay uu xagal daaciyay nidaamkii ku dhisnaa anshaxa falsafaddaas iyo wixii laga dhaxlay ee uu qaadacay xisbiga shuuciga ah ee xukunka la wareegay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii shuuciyadda, Mao Zedong, ayaa intii uu xukunka hayay (1949-1976), wuxuu aad uga soo horjeestay falsafaddaas soo jireenka ah ee Shiinaha.
Balse dhammaadkii 1980-yadii, Shiinaha waxaa lagu soo celiyay nidaamka falsafadda anshaxa ku dhisan oo uu xisbiga shuuciga ah ee xukunka hayay ku ammaanay in uu yahay hannaan faylasuufkii soo hindisay uu ahaa nin wanaagsan oo soo saaray waxyaabo wanaagga kaas oo Shiinaha baraya wax cusub.
Maanta, Shiinaha wuxuu ku faanaa in "isku xirnaanta bulsho" ay tahay "qiimaha iyo mabaa'diida hanti-wadaagga," in kastoo wali laga dhex dheehan karayo nidaamkii falsafadda anshaxa.
Hadda waxay dood kulul ka taagan tahay sida ereyga "isku-duubnaanta" oo laga dhaxlay nidaamkii falsafadda anshaxa, uu mar kale u hagi karo xiriirka Shiinaha uu la leeyahay dunida inteeda kale.
Qarnigii dulleysiga iyo bahdilka
Isku dhacyadii taariikhiga ahaa ee qarniyadii 19-aad iyo 20-aad, ayaa wali aad u hagaya fikirka Shiinaha ee ku saabsan dunida.
Dagaalladii Opium ee bartamihii qarnigii 19-aad ayaa ganacsatada reer galbeedka waxay adeegsadeen awood si ay u furaan albaabbada Shiinaha.
Inta badan muddadii u dhexeysay 1840-kii illaa 1940-meeyadii, waxaa lagu xusuustaa in ay ahayd "qarnigii dulleysiga", wuxuuna ahaa xilli weji-gabax iyo ceeb ah oo soo maray dalkaasi oo bannaanka soo dhigay daciifnimada Shiinaha marka loo eego duullaankii Yurub iyo Japan.
Xilligaasi, ayuu Shiinaha ku khasbanaaday in uu Hong Kong ku wareejiyo Ingiriiska, halka dhul ku yaalla gobolka waqooyi-bari ee Manchuria uu ku wareejiyay Japan, sidoo kalena waddamo badan oo reer Yurub ah ayuu ku wareejiyay arrimo badan oo ganacsiga uu ka mid ahaa.
Xilligii dagaalka ka dib, midowgii Soofiyeed ayaa isku dayay in uu saameyn ku yeesho xuduudaha Shiinaha, sida Manchuria iyo Xinjiang.
Waayo-aragnimadaas Shiinaha ayaa abuurtay tuhun weyn oo ku saabsan ujeeddooyinka dunida inteeda kale ay ka leedahay Shiinaha.
Xitaa ku soo biiritaankii Shiinaha ee ururka ganacsiga adduunka ee sannadkii 2001-dii, waxaa hagayay xusuusta "heshiisyo ganacsi oo aan caddaalad ahayn" oo la galay markii ganacsiga Shiinaha ay gacanta ku hayeen ajaanib, arrintaasi oo xisbiga shuuciga ah ee maanta xukumo dalkaasi uu wacad ku maray in uusan mar dambe oggolaan doonin arrintaasi oo kale.
Bishii Maarso ee snnadkan, wadahadal u dhexeeyay Shiinaha iyo Mareykanka oo ka dhacayay Anchorage oo ka tirsan Alaska, ayaa ergadii Shiinaha waxay Mareykanka ku eedeeyeen "jaahilnimo iyo munaafaqnimo".
Madaxweynaha Shiinaha ma ahan mid u dulqaato fikradda ah in shisheeyaha ay dalkooga hoos u eegaan cawaaqib la'aan.
Is-bahaysigii la iska hilmaamay
Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinka xun xitaa waxay horseedi karaan arrimo wanaagsan.
Mid ka mid ah arrimahaas ayaa ah wixii Shiinaha ku dhacay dagaalkii labaad ee adduunka, markaasi oo uu kaligii dagaal la galay Japan kaddib markii lagu soo duulay sannadkii 1937-dii, ka hor inta xulafada reer galbeedka aysan ku soo biirin dagaalkii qaaradda Aasiya ee ka dhacay Pearl Harbor ee sannadkii 1941-kii.
Intii lagu guda jiray sanadadaas, Shiinuha waxaa ka dhintay in ka badan 10 milyan oo qof, wuxuuna qabsaday in ka badan nus milyan ka mid ahaa ciidammada Japan, oo ku sugnaa dhul-weynaha Shiinaha. Guushaas oo si weyn loogu xusay buugaagta taariikhda iyo filimada iyo xitaa wararka telefishannada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maanta, Shiinaha wuxuu isu arkaa in uu qayb ka yahay "is-bahaysiga ka dhanka ah faashiistaha" oo ay ku mideysan yihiin Mareykanka, Ingiriiska iyo midowgii Soofiyeed, isaga oo naftiisa ku sasabaya in uu dunida xusuusiyo doorkiisa guusha ka dhanka ahayd is-bahaysigii saddex geesoodka ee Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan.
Shiinaha wuxuu sidoo kale maanta isu arkaa hoggaamiyaha dunida saddexaad oo aysan ku jirin reer galbeedku. Inkastoo taariikhadaas uu ku faano, haddana waxaa jiro dhacdooyin taariikhi ah oo uusan ka hadlin sida macaluushii ka dhalatay siyaasaddiisii dhaqaale ee guracnayd, intii u dhaxeysay sannaddadii 1958 ilaa 1962-dii.
Mararka qaar, dagaallada haatan soconaya ayaa ah kuwo leh ujeeddooyin gaar ah, sida murankii sannadkii la soo dhaafay u dhaxeeyay Mareykanka iyo Shiinaha, waxaa loo arkayay in uu la xiriiro xuska dagaalkii labada Kuuriya ee 1950 ilaa 1953-dii, dagaalkaas oo Shiinaha uu u yaqaan "Dagaalkii Iska-caabbinta Mareykanka".
Falsafadda Shuuciyadda
Raadkii taariikhiga ahaa ee falsafaddii "Marxism-Leninism" ee shuuciyadda ku dhisnayd ayaa sidoo kale aad ugu dhex milantay afkaarta siyaasadeed ee Shiinaha, waxaana aad u soo nooleeyay xukunka madaxweyne Xi Jinping.
Intii lagu guda jiray qarnigii 20-aad oo dhan, ayaa Mao Zedong iyo hoggaamiyeyaashii kale ee siyaasadeed ee kale, shuuciyadda waxay ka qayb qaateen doodo aragtiyadeed oo ku saabsanaa falsafadda shuuciyadda ee "Marxism" taas oo saameyn weyn ku yeelatay dalkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tusaale ahaan, aragtida ku qotonta "dagaalka dabaqadda nolasha ku saleysan" ayaa horseeday in la laayo malaayiin kireysteyaal ah, sannadihii hore ee xukunkii Mao.
In kasta oo aragtidaas "dabaqadda" ku dhisan ay meesha ka baxday, haddana luuqadda siyaasadeed ee Shiinaha, weli waxaa lagu hagayaa afkaarta ku dhisan "halganka", "gocoshada" iyo afkaarta "hanti-wadaagga" oo ka dhan ah "hanti -dhowrka".
Madaxweyne Xi Jinping ayaa tartanka Mareykanka iyo Shiinaha ku qeexaya in uu yahay halgan micnihiisa lagu fahmi karo oo kaliya marka la eego nuxurka afkaarta Marxist-ka ee gocashada nolaleed ku saleysan.
Taiwan
Xukuumadda Beijing waxay carrabka ku adkeyneysaa aayaha lama-taabtaanka ah ee jasiiradda Taiwan, kaas oo ay ku qeexday la mideynta dhul weynaha Shiinaha.
Sidaas oo ay tahay, taariikhda Taiwan ee qarnigii la soo dhaafay ayaa muujinaya in arrinta maqaamkeeda uu ku sii xoogaysanayo siyaasadda Shiinaha.
Sannadkii 1895, kaddib dagaal dhiig badan ku daatay oo Shiihaha uu la galay Japan, waxay dowladda Shiinaha ku khasbanaatay in ay iska dhiibto Taiwan oo wixii intaas ka dambeeyay noqotay maxmiyad uu Japan gumeysanayay muddo nus qarni ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
IIntaa kaddib, waxaa si kooban loola mideeyay dhul-weynaha Shiinaha, intii u dhaxeysay sanaddadii 1945 ilaa 1949.
Muddadii uu Mao xukumayay, Shiinaha wuxuu seegay fursaddii uu Taiwan ugu soo dari lahaa dal-weynaha Shiinaha.
Waxaana suurtagal ahayd in maamulka Truman ee Mareykanka uu u oggolaan lahaa Mao in uu qaato Taiwan, ka hor inta Jamhuuriyadda Dadweynaha Shiinaha aysan ku biirin duulaankii Kuuriyada Waqooyi ee ka dhanka ahaa Kuuriyada Koonfureed sannadkii 1950-kii, taasi oo dhalisay dagaalkii labada Kuuriya isla markaana si lama filaan ah Taiwan ka dhigay saaxiib muhiim u ah Mareykanka xilligii dagaalkii qaboobaa.
Mao wuxuu markiiba weerarro ku qaaday xeebta Taiwan, sannadkii 1958-kii, balse 20-kii sano ee ka dambeeyay wuu dayacay dhulkaasi.
Kaddib markii Mareykanka iyo Shiinaha ay dib u soo celiyeen xiriirkoogii, sannadkii 1979-kii, waxay ku heshiiyeen jiritaanka hal dal oo Shiinaha la yirahdo balse marnaba heshiiskaas ma uusan qeexeyn in Beijing iyo Taiwan ay qeyb ka wada yihiin dalkaas.
Afartan sano kaddib, Xi Jinping wuxuu ku adkeysanayaa in mideynta Taiwan iyo dal-weynaha Shiinaha ay tahay mid si dhaqso ah loo dhaqan geliyo.
Taiwan, hadda waa dal dimuquraadi ah oo dadkeeda ay aad uga soo horjeedaan dal-weynaha Shiinaha halka Hong Kong ay tahay qeyb Shiinaha ka mid ah balse leh madax-bannaani aan sii weynayn.












