Nooc cusub oo fayraska korona oo laga helay Ingiriiska

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waddamada reer galbeedka ayaa billaabay iney xayiraado cusub ku soo rogaan dalka UK si ay uga gaashaantaan nooca cusub ee fayraska korona ee dalkaasi laga helay.
Qaar ka mid ah waddamada reer Yurub waxay joojiyeen dhammaan duullimaadyadi Ingisriiska ka imanayey.
Nooc cusub ee fayraska korona ayaa si degdeg ah ugu faafay magaalada London iyo Koonfurta-Bari England
Ra'isal wasaaraha Britain Boris Johnson wuxuu sabtidi ku dhawaaqay xayiraado afar heer oo kala duwan maraya oo laga hirgelinayo goobaha nooca cusub ee fayraska korona laga helay, wuxuuna gabi ahaanba uu meesha ka saaray nasashadi iyo kulammadi ay malaayiinta qof ee u dabbaal degaya ciidda miilaadiga ay sameynayeen .

Xigashada Sawirka, @HarrietClugston
Khubarada sare ee caafimaadka waxay sheegeen inaan la hayn caddeymo muujinaya nooca fayraska korona ee cusub inuu yahay mid ay khatartiisu badan tahay, ama si ka duwan ula falgalayo tallaallada haatan socdo.
Balse waxay khubaradu sheegeen iney ogaadeen noocani cusub ee fayraska korona inuu yahay mid 70% la iisu gudbin karo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Caafimaadka Matt Hancock wuxuu sheegay culeyskan cusub ee soo kordhay inuu yahay 'mid faraha ka baxay', waxaanna ka shaqeyneynaa sidi aan u xakameyn lahayan, isaga oo qirtay iney tahay dhibaata aad u weyn oo si cad u muujinaya sanadkan inuu yahay mid si xun ku dhammaaday.
Dalka Ingiriirska marka uu fayraskan cusub uu ku dhawaaqay sabtidii wixi ka dambeeyey, waddama reer Yurub qaarkood ayaa Nooc cusub oo fayraska korona oo laga helay Ingiriiska xayiraad ku soo rogay dhammaan rakaabka UK ka yimaadda ee diyaaradaha ku yimaadda.
Netherlad waxay xayirtay dhammaan rdadka ka soo socdala UK ku imanaya diyaaradaha ilaa iyo 1-da January iney dalkeeda soo gelin.
Dowladda Netherland waxay sheegtay iney tallaabbadaasi u qaadday si loo yareeyo kahatarta ka iman karta fayraskan cusub tallaabba kasta oo khatarta fayraska cusub ka dhlan karta lagu yareyn karana la qaadayo.
Dalka Netherland Axaddi oo keli ah laga diiwaan geliyey 13,000 oo kiis oo cusub inkasta xayiraadda cusub lagu soo rogay 14-kii December.
Sida oo kale dalalka Faransiiska, Ireland, Jarmalka, Balgium Talyaaniga, Australiya, Turkiga iyo Swizerland ayaa sida oo kale xayiraado la mid ah ku soo rogay dullimaadyada Ingiriiska ka yimaadda, iyada oo waddamadaasi qaarkood ay xayiraaddooda saameyneyso bad iyo barri rakaabka ku yimaadda.
Golaha midowga Yurub ayaa maanta oo isniin ah yeelanaya shir lagu qiimeynaya tallaabbooyinka ay waddamada Yurub ay ka qaateen fayraskan cusub ee corona ee laga helay dalka Ingiriiska.
Wararka kale ee la xiriira:
- Tallaal ka hortagayo Corona Fayras oo tijabadiisa lagu guuleystay
- Ruushka oo bilaabay isticmaalka tallaalka corona
- Maxaa Soomaalida loogu cunsuriyeeyaa Corona?
- Magufuli: Ri' baan ka helnay cudurka corona
- Maxaa ka jira in dhimasho uusan sababin Corona Fayras ay aad ugu badatay Nigeria?
- Sidee ’dawada cudurka Corona’ loogu kala iibsanayaa suuqa-madow?
- Corona virus: Tanzaaniya oo Dawo dhaqameed ku tijaabinaysa Corona











