Caasha Khaliif Xasan: "Meesha laga naafoobo waa maskaxda ee ma aha lugaha"

Caasha Khaliif Xassan waa hooyo iyo ayeeyo 76 sano jira oo lugaha naafo ka ah, waxayna ka shaqeysataa magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaaliya ee Itoobiya.
Tan iyo sannadkii 1964-tii, waxay ka shaqeyneysay iibinta miraha iyo caleenta dhirtadaciiciga ah ee kala duwan ee dawada loo isticmaalo.
Waxay dhashay 15 carruur ah, Haddana waxay korisaa carruur ay ayeeyo u tahay oo rajooyin iyo agoomo isugu jira oo gaaraya 9 carruur.
"Caruurtii aan aniga dhalay caruurtoodii ayaan u shaqeeyaa, kan dhintana waan aastaa kan noolna waan dhistaa," ayay u sheegtay BBC Somali.
Hooya Caasha waxay ka ganacsataa suuqa Jigjiga, halkaas oo in muddo ah ay dhirtan kala duwan ku iibineysay.
Caasha Khaliif Xasan waxaa goobteeda shaqo ku booqatay BBC waxayna sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay howsheeda.

"Waxaan iibiyaa waxyaabahan yaryar ee bacaha ku jira ee meeshan yaalla. Dawo ayaa ku jirta, wax la cuno ayaa ku jira," ayay tiri.
"Waxaa ku jira barbari, xulbad, canshar, milixda baad aragtaa, cusbada caruurta ayaa ku jirta nooc walba wuu ku jiraa,"
Muddadii ay ganacsiga ku jirtay, waxay nolosheeda maalinlaha ah ku tiirsanayd iibinta waxyaabaha yaryar oo bartamaha suuqa Jigjiga ay ku gado.
Waxay aaminsan tahay in dhirta ay iibiso ay "caafimaad ahaan u wanaagsan yihiin ragga iyo dumarka.
kuwa ay iibiso waxaa ka mid ah "Qurjeenku wuxuu u roonyahay ragga iyo libaaxa, waa geed ilaahey bixiyay hadduu dhabarka xanuuno, hadey howli timaado wax walba qurjeenka ayaa u horreeya," ayey tiri.

Qurjeenka ma ahan geed lagu beeri karo magaalada, waxayna ka soo gurtaan howdka, sida ay sheegtay.
Waxay sidoo kale tilmaamtay in caqabado badan ay la kulanto maadaama uusan lixaadkeedu dhameystirneyn.
"Iyadoo uu roob da'ay ayaan god ku dhacay intaa lugaha dambe waa i meyd," ayay tiri mar ay ka sheekeyneysay sida ay ku naafowday.
Caasha Khaliif Xassan waxay aaminsan tahay in maskaxdu tahay meesha uu qofka ka naafoobo ama uu ka caafiumaad qabo, balse aysan ahayn lixaadka kale ee jirka.

"Caafimaad qabku iyo lixaad la'aantu waa maskaxda, qofka maskaxda ka lixaad waaya umbaan lixaadkiisu dhiman yahay, anigoo lixaad hayn ayaan shaqeeyaa, maskax ayaa aniga oo caga la'a ku shaqeystaa," ayay tiri.
Hooyo Caasha Khaliif Xassan ayaa dhanka kale sheegtay in marka laga soo tago qoyskeed ay jiraan dad badan oo masaakiin ah oo lixaadkooda qaba oo ay iyada wax siiso.
"Boqol iyo toban lixaad qaba oo suuqa meereysanaya ayaan iraahdaa fikira oo sidan yeela, waaba la xamashaaye waana ku kari la'ahay, qadaadiicda ayaan siiyaa inta kuwa waawayn oo luga qaba ii yimaadaan".










