Haweenka Sacuudiga oo loo oggolaaday in ay si madax bannaan u safraan

Xigashada Sawirka, AFP
Sacuudiga ayaa markii ugu horraysay dumarka u oggalaaday in ay si madax bannaan u safraan, haweenka ayaa sidoo kale la siiyey xuquuq badan oo dhanka qoyska ah.
Tallaabadan ayaa ah mid lagu yaraynayo amar ku taaglaynta ragga ee dumarka, ayadoo Sacuudigu uu wajahayo dhaliilo badan oo dhanka xuquuqda aadanaha ah.
Go'aankan oo la dhaqan gelin doono maalinta Jimcada ah ayaa lagu sheegay in baasaboorka Sacuudiga la siin doono "cid kasta oo soo codsata una dhalatay Sacuudiga", iyo in qof kasta oo ka weyn 21 sano aan looga baahnayn in uu cid kale fasax ka qaato marka uu safrayo.

Xigashada Sawirka, AFP
Dhaxal Sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa yareeyey xayiraadihii saarnaa haweenka dalkaas, waxaana ka mid ah waxyaabaha loo oggolaaday in ay gawaarida wadi karaan. Amiirka ayaana doonaya in dalkaas uu ka dhigo mid furfuran.
Sannadkii 2016-kii ayaa Amiirku wuxuu daahfuray barnaamij uu u bixiyey "Aragtida 2030" kaas oo uu uga golleeyahay in isbaddalo ballaaran uu ka sameeyo Sucuudiga.
Tallabadan ayaa lagu tilmaamay in "loogu diyaar garoobayo wixii ka dambeeya marka shidaalku dhammaado", waxaana meel mariyey golaha wasiirrada ee Sacuudiga. Shaqada ayaana bilaabatay ayadoo la bilaabay ku dhawaad 80 mashruuc oo xukuumadeed oo mid kasta ay ku baxayso ilaa toddoba bilyan oo dollar.

Xigashada Sawirka, AFP
Isbaddallada dhaqaale ayaa waxaa weheliya isbaddallo arrimaha bulshada ah oo ay ka mid tahay in la yareeyo xayiraadaha saaran haweenka.
Go'aannadan ayaa imaanaya ayadoo ay Sacuudiga soo food saareen dhaliilo caalami ah oo ku saabsan xuquuqda haweenka. Waxaana bilihii ugu dambeeyey dalkaas ka cararay gabdho badan oo dhalinyaro ah ayagoo caalamka ka codsaday in gacan la siiyo, waxayna codsadeen in la siiiyo magangelyo ay uga badbaadi karaan qoysaskooda iyo xukuumadda labadaba.
Bishii Maarso ayaa dawladaha xubnaha ka ah golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay waxay Sacuudiga u so jeediyeen dhaliilo ku aaddan xuquuqda haweenka, waxayna codsadeen in xukuumadda Riyadh ay sii dayso habalaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka ee xidhan.
Qaraarkaan ayaa ahaa mid aan horay loo arag, waxaana taageeray 36 dawladood, oo ay ka mid yihiin dawladaha Midowga Yurub.










