You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxweyne Macron oo ka hadlay weerarkii Paris
Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa bilaabay baaritaan la xiriira argagixisada kadib markii uu nin mindi ku hubaysani uu toorriyeeyey dad marayey waddo kutaal badhtamaha magaalada Paris.
Hal qof ayaa dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen, ayadoo labo kamid ah dadkaasna ay xaaladoodu halis tahay.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku sheegay bartiisa Twitter-ka in markale dalka Faransiisku uu difaacay dhiigiisa balse aysan dib u guranayn oo aysan u ogolaan doonin taako dadka cadawga ku ah xorriyadda.
Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda mashquulka badan ee lagu magacaabo Opera, dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ninka mindida sitay uu ku qaylinayey "Allahu Akbar" booliiskuna ay isku dayeen in ay qabtaan kahor intaysan toogan. Kooxda isku magacawda dawladda islaamiga ah ayaa sheegtay in ay weerarkaaas ka dambeeyeen.