Shaqaale diyaaradeed oo arkay gantaal ay riday Kuuriyada Waqooyi

Gantaalkan ayaa loo arkaa in uu qarxay markii uu dhanka dhulka dib ugu soo laabanayay

Xigashada Sawirka, AFP/KCNA

Qoraalka sawirka, Gantaalkan ayaa loo arkaa in uu qarxay markii uu dhanka dhulka dib ugu soo laabanayay

Shaqaale saarnaa diyaarad ay leedahay shirkadda Cathay Pacific oo dul maraysay Japan ayaa ku warramay in ay arkeen wax ay uga shakiyeen gantaalkii ay toddobaadkii hore ridday Kuuriyada Waqooyi, sida ay shirkaddu sheegtay.

Shirkadda ayaa BBC-da u xaqiijisay in shaqaaluhu ay arkeen wax ay uga shakiyeen in uu yahay gantaalka oo dib ugu soo hoobanaya dhanka dhulka.

Waxay shirkaddu intaas ku dartay in aysan wax isbadal ah ku samaynin marinnadii ay diyaaradaheedu adeegsan jireen.

Bishii Nofembar 29dii ayay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal riddo dheer oo ay sheegtay in uu gaari karo meel kaste oo dalka Maraykanka ka mid ah.

Waxaa loo arkaa in diyaaraduhu aysan dhib kala kulmaynin gantaallada tijaabada ah, laakiin halis yar ayaa jirta

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waxaa loo arkaa in diyaaraduhu aysan dhib kala kulmaynin gantaallada tijaabada ah, laakiin halis yar ayaa jirta

Tijaabadaas ayaa sii kicisay xiisaddii kala dhaxaysay Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka kuwaas oo Isniintan billaabay dhoolatus milatari, Kuuriyada Waqooyi ayaana arrintaas ku tilmaantay daandaansi kama dambays ah.

Pyongyang ayaa gantaalka ay tijaabisay 29 Nofembar ku tilmaantay "gantaalkii ugu "awoodda badnaa" wuxuuna ku dhacay biyaha Japan, laakiin wuxuu sare u kacay meel ka saraysa kuwii ay Waqooyigu horay u riday oo dhan.

Diyaaradda dagaalka ee F-22 Raptor oo dul maraysa saldhigga Gwangju

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Diyaaradda dagaalka ee F-22 Raptor oo dul maraysa saldhigga Gwangju