You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Teleefoonkii Hitler oo lagu xaraashayo Mareykanka
Telefoon uu isticmaali jiray Adolf Hitler xilligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida ayaa si xaraash ahaan ah loogu iibinayaa Mareykanka.
Telefoonka gadoodun, oo ay ku dhegan tahay calaamaddii Nazi-ga, waxaa 1945-tii laga helay dhufeyskiisii Berlin.
Ciidamadii midowgii Soviet, waxay siiyeen askeri ka mid ahaa ciidamadii Britain, Sir Ralph Rayner, si uu xasuus uga dhigto ka dib markii Jarmalka la qabsaday.
Telefoonka oo lagu iibin doono Chesapeake ee Maryland, wuxuu qiimihiisa ka billaabanayaa $100 kun oo dollar (£80,567).
Waxaa la filayaa in telefoonka oo suuqa uu keenay wiilka Sir Ralph, ugu dambeyn lagu gadi doono $300 kun oo dollar.
Sarkaalka qaabilsan xaraashka, Bill Panagopulos wuxuu sheegay in telefoonka uu ahaa "hub wax burburiya".
Hitler telefoonka wuxuu u adeegsan jiray inuu amarro ku siiyo ciidamada "si ay dad u dilaan", intuu socday dagaalkii labaad, Sidaas waxaa ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.