You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Duminta gurigii uu ku dhashay Hitler oo ku yaalla Austria oo la joojiyay
Dowladda Austrian ayaa waxay ka noqotay qorshe la doonayay in lagu burburiyo guriga uu ku dhashay Adolf Hitler.
Guddi khubaro ah oo arrintaasi loo saaray ayaa waxa ay ku taliyeen inaan gurigaasi aan la duminin.
Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Austria, Wolfgang Sobotka, uu ku dhawaaqay Isniintii in guri kale goobta laga dhisayo.
Wasiirka hadda waxa uu taageeray talada khubarada, waxaana la joojiyay in dhismaha oo ku yaalla Braunau-am-Inn loo badalo mid maamul.
Waxa ay khubarada sheegeen in guriga uu yahay calaamadda awoodda Austria.
Dhismaha ayaa hadda ah meel ay u xajiyaan dadka ka haray Naasiyiinta.
Xubnaha guddiga waxa ay tilmaameen in haddii la dumiyo dhismaha uu macnaha noqonayo in Austria ay diiday dhaariikhda Naasiga.