Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya Om Puri oo geeriyooday

Om Puri wuxuu jilay aflaan kala duwan oo Bollywood

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Om Puri wuxuu jilay aflaan kala duwan oo Bollywood

Jilaaga caanka ah ee u dhashay Hindiya, Om Puri, oo aflaantiisa ugu caansan uu ka mid ahaa East is East, ayaa dhintay, sida mid ka mid ah qoyskiisa uu u sheegay BBC-da.

Jilaaga waxaa ku dhacay wadna xanuun Jimcihii, waxaana la dhigay gurigiisa oo ku yaalla Mumbia, sida wararka ay sheegayaan.

Om Puri, oo jilay aflaan caalami ah iyo kuwa gudaha Hindiya oo keli ah loogu talagalay, waxaa lagu garanaayay gurxankiisa iyo qeylidiisa aflaanta ee 1980-maadkii.

Wuxuu sidoo kale jilay aflaan British ah, oo uu ka mid ahaa mid ku saabsanaa Mahatma Gandi.

Om Puri wuxuu aad caan ugu ahaa aflaan ku saabsanaa Hindiya, Pakistan, Britain iyo aflaan caadi ah oo.

Wuxuu door weyn ka ciyaaray shirkadda Hollywood aflaanta ay sameysay. Sanadkii 2004 ayuu ku guuleystay abaalmarin heer sare ah.

Om Puri

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Om Puri

Aflaanta uu sameeyay waxaa ka mid ah kuwa qosol iyo shactiro ah, kuwa tahriib ku saabsan iyo nolol adag.

Aflaantiisa Hindiya loogu jecel yahay waxaa ka mid ah, Ardh Satya, Sadgati, Paar iyo the satirical Jaane Bhi Do Yaaro.

Om Puri dadka uu aflaanta la jilay waxaa ka mid ahayd Helen Mirren oo ay isla sameeyeen filimka The Hundred-Foot Journey

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Om Puri dadka uu aflaanta la jilay waxaa ka mid ahayd Helen Mirren oo ay isla sameeyeen filimka The Hundred-Foot Journey
Om Puri wuxuu ka qeybgalay filim sheeko ahaa oo BBC-da ay sameysay
Qoraalka sawirka, Om Puri wuxuu ka qeybgalay filim sheeko ahaa oo BBC-da ay sameysay

Arrinta illaa iyo hadda laga sheekeeyo ayaa ah doorkiisii filimka uu soo saaray Govind Nihalani ee lagu magacaabo Aakrosh.

Wuxuu filimkaasi metelaayay nin reer baadiye ah oo si qaldan loogu eedeeyay dil, arrintaas ayaa shactiro lahayd.

Majaajiladiisa kale ee lagu qoslo waxaa ka mid ah, askeri ku jiray filimka Ardh Satya oo uu garaacay.

Ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ka tacsiyeeyay geerida jilaaga.

Tweet

Xigashada Sawirka, @PMOIndia

Qaar ka mid ah jilaayaasha caanka ah, sida Anupam Kher (Aabaska), ayaa ka tacsiyeeyeen.

Tweet

Xigashada Sawirka, @AnupamPkher

Tweet

Xigashada Sawirka, @ikamalhaasan

You will live in our hearts forever through the impressions you have left with your versatility. We will miss you. RIP #OmPuri

Xigashada Sawirka, @sachin_rt

Tweet

Xigashada Sawirka, @akshaykumar