You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Boqollaal qof oo ku dhintay duqeyn ka dhacday cusbitaal ku yaalla Qasa iyo xaaladihii ugu dambeyay
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta
Tebin toos ah
Sawirro: xaaladda Qaza
Dadka rayidka ah ee Qaza ayaa ku jira xaalad cakiran, biyo la'aan, koronto la'aan, cunto la'aan, goobihii caafimaadka oo buux dhaafay, iyo duqeymo aan kala joogsi lahayn oo weli ku socda, xilli ay ciidamada Israa'iil gudaha usoo galayaan Qaza. Sawirradan eeg.
War deg deg ah, Wasiirka arrimaha dibadda Ireland oo war cusub kasoo saaray xaaladda Qasa
Wasiirka arrimaha doibadda ee Ireland Micheal Martin, ayaa soo saaray bayaan cusub oo ku aadddan xaaladda Qasa, waxyaabihii lagasoo xigtay waa kuwan:
Go'aanka militariga Israa'iil uu ugu sheegayo dhammaan dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga marinka Gaza inay u guuraan dhanka koonfureed si ay ammaankooda u helaan, waa khatar aad u weyn oo aan suurtagal ahayn in la fuliyo.
Waxaan sidoo kale aad uga walaacsanahay sare u kaca dagaalka iyo dhimashada ee Daanta Galbeed, oo ay ku jiraan dhacdooyinka kordhay ee rabshadaha iyo barakicinta bulshooyinka Falastiiniyiinta.
Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, Israa'iil waxay xaq u leedahay inay iska difaacdo weerar, laakiin tani waa in lagu sameeyaa iyadoo la eegayo xuduudaha sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada.
Wasiirka Isgaarsiinta Israa’iil oo doonaya in albaabbada la isku dhufto xafiisyada Al-Jazeera
Wasiirka Isgaarsiinta Israa’iil ayaa maanta oo Axada sheegay in uu ka raadinayo Golaha Wasiiradda inay ansixiyaan dalab kiisa ku aadan in la xiro xafiisyadda Al-Jazeera ee ku yaala gudaha Israa’iil, isagoo ku eedeeyay inay taageerayaan ururka Xamaas.
Soo jeedinta xiritaanka xafiisyada Al-Jazeera ee laga leeyahay dalka Qatar ayaa la marsiiyay saraakiisha amaanka iyo khubarro dhinaca sharciga ah sida uu sheegay Shloma Karhi, isagoo intaa ku daray in maanta goor dambe loo gudbin doono Golaha Wasiiradda.
Al-Jaseera iyo Qadar midkoodna kama hadlin arintan.
Xisbullah oo weerar loo adeegsaday gantaallada la hago ku qaaday waqooyiga Israa’iil
Kooxda gurmadka degdeg ah ayaa sheegtay in nin Israa’iili ah uu ku dhintay meel ku dhaw xuduudda Israa’il ay la wadaagto dalka Lubnaan.
Dilka nin kan ayaa ka dambeysay kaddib markii gantaal laga soo riday Lubaan uu ku dhacay waqooyiga Israa’iil.
Waaxda gurmadka degdeg ah ee Israa’iil ayaa sheegtay in ninka la dilay uu rayid ahaa, isla markaana ay jiraan dhaawacyo kale oo gaaray dad rayid ah.
Waa khasaarihii ugu horreeyay ee Israa’iil ka soo gaara dhinaca waqooyi todobaad kii la so dhaafay.
Kooxda reer Lubnaan ee Xisbullah ayaa sheegtay in gantaallada la hago ay ku riday deegaanka Shatula.
Sidee Israa'iil ula wareegtay dhulka Falastiin, xageese ka yimaadeen markii hore?
Madaxweynaha Koonfur Afrika oo taageeray falastiin isaga oo cimaad garabka ku wata
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dawladiidu taageersan tahay dadka reer Falastiin oo uu sheegay inay dhibaato haysato.
Dhanka kale wuxuu u tacsiyeeyay shacabka reer Israel ee dhibaatadu ka soo gaartay weeraradii Xamaas.
Wuxuu sheegay inuu ka walwalsan yahay colaada ka jirta bariga dhexe.
Dhawr iyo toban qof oo ku dhintay dagaal kii cuslaa ee saaka ka dhacay Burujeed oo ka tirsan Galgaduud
Warrar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaarraha uu dhaliyay dagaal kii cuslaa ee saaka ka dhacay deegaanka Burujeed oo qiyaastii 60 km koonfur bari uga beegan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha Guriceel Faarax Cabdi Macalin oo sheegay inuu ku sugan yahay Burujeed ayaa BBC-da u sheegay in dagaal kii saaka lagu jabiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, isla markaana ay ka cararreen maydad gaaraya sideed qof. Dhankooda waxa uu sheegay in 5 askari ay ka dhinteen, todobo kalena ay ka dhaawacmeen.
Gudoomiye Faarax ayaa sheegay in deegaanka Burujeed ay gacanta ku hayaan ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanka.
Al-Shabaab dhankooda waxa ay sheegeen inay dileen lixdan ciidamada deegaanka ah, isla markaana ay furteen gaadiid dagaal.
Illaa hadda ma jiro war madaxbannaan oo ka hadlaya khasaarraha dhabta ah ee uu dhaliyay dagaalka ka dhacay Burujeed.
Maxaa loo xiray wasiir Roobow walaal kii?
Sida illo wareedyo kala duwan ay BBC-da u sheegeen waxa Xarunta Dambi Baarista Booliska ee magaalada Muqdisho ku xiran Ibraahim Roobow Cali oo Xogheyn u ah Guddiga Tartanka Adeegga Xajka sanad ka 2024. Ibraahim waxa ay walaallo yihiin wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.
Ibraahim waxa uu sidoo kale sanad kii hore Xogheyn u ahaa Guddigii Tartanka Adeegga Xajka ee maamullay sida shirakadduhu ugu guuleysteen adeeg siinta xujeyda Soomaalida.
Illo wareedyo ku dhawdhaw Xafiiska Xeer Ilaaliayaha Guud ee Qaranka ayaa xaqiijiyay xarigga Ibraahim Roobow, laakiin ma aysan sheegin sababta uu xiran yahay.
Bishii Juun ee sanad kan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in ay baaris ku hayeen shirkaddo kamid ah kuwa ay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta siisay adeegga xajka oo lacago ka badan tii ay Wasaaraddu u jaangoysay xajka ka qaaday muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Tirada dhimashada Marinka Qasa tan iyo Sabtidii hore oo gaartay 2,300 oo qof
Tirada dadka lagu dilay Marinka Qasa ayaa gaartay 2,300 oo qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.
Guud ahaan, 2,329 oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 9,714 kalena waa la dhaawacay sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.
Todobaad ayaa laga joogaa markii Xamaas ay weerartay Israa’iil halkaas oo ay ku dishay 1,300 oo Israa’iiliyiin ah kuwaas oo isugu jiray ciidan iyo rayid.
Israa’iil ayaa Marinka Qasa ku qaaday weerar xagga cirka oo aargudasho ah, waxayna isku diyaarinaysaa mid dhulka ah.
Gawaari sida gargaar oo ku xayiran xadka Masar iyo Marinka Qasa
Masar, gawaari sida gargaar ayaa muddo saacado ah sugaya inay ka gudbaan marinka Rafax ee xuduudda Qasa iyo Masar.
Sawirro ayaa muujinaya gawaari saf dheer ku jira, kuwaas oo sida gargaar ka kala yimid Masar iyo Turkiga oo ku sugan magaalada Cariish ee ku dhaw xadka.
Maalmihii la soo dhaafay waxa la xiray Marinka Rafax kaddib markii diyaaraddaha Israa’iil ay bam gareeyeen dhinaca koontaroolka Marinka Qasa ee Rafax. Tani waxay joojisay dad kii gali lahaa ama ka bixi lahaa Qasa. Sidoo kale tani waxay macnaheedu tahay in gaadiidka gargaarka sida ay ku xayirmaan xuduudda, waxayna madaxda hay’addaha gargaarku ugu baaqeen maamulka in gargaarka loo gudbiyo dhinaca Qasa.
Xamaas, Israa’iil iyo Masar ayaa kaalin ku leh in ay go’aan ka gaaraan waxa ka gudbaya iyo waxa aan ka gudbeynin halkaasi, taaso oo macnaheedu yahay xirnaansho iyo in ay waqti qaadato mar kasta oo dib loo furayo.
Dawladdo shisheeye oo ay ku jirto UK ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda jooga Marinka Qasa in ay ku dhawaadaan Rafax, si marka loo furo ay u gudbaan.
Maanta oo Sabtiya saraakiil Maraykana ayaa sheegay in ay kala shaqeynayaan boqollaal Falastiiniyiin Maraykan ah sidii ay uga soo bixi lahaayeen Qasa, iyagoo soo maraya marinka Rafax.
War deg deg ah, Dagaal culus oo ka socda deegaanka Burujeed ee Gobolka Galagaduud
Warrarka ka imaanaya Gobolka Galagaduud ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saaka waabarigii dagaal culus ku qaadeen xeryo ay deegaanka Burujeed oo qiyaastii 60 km koonfur bari uga beegan degmada Guriceel ka fadhiyeen ciidamo kuwa deegaanka ah oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab.
Salaaddii subax kaddib ayaa la sheegay in dhawr qarax laga maqlay deegaanka Burujeed, kaddibna waxa bilowday dagaal toos ah oo dhexmaraya illaa hadda kooxdii weerarka qaaday ee Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka.
Isgaarsiinta oo go’day darteed ayaa keentay in aan macluumaad badan laga hayn dagaalka ka socda Burujeed.
Xiriir aan la sameynay saraakiisha ciidanka deegaanka ee aagga Guriceel ayaysan noo suurtagalin si aan wax uga waydiino dagaalka.
War ka soo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen in dagaal culus ay ku qaadeen deegaanka Burujeed, isla markaana ay khasaare ba’an gaarsiyeen ciidamada halkaas ku sugnaa.
Illa hadda war badan lagama hayo inta uu la egyahay khasaarraha labada dhinac kala gaaray, iyo sida ay xaaladdu tahay hadda, maadaama ay isgaarsiinta Burujeed hawada ka maqan tahay.
Sida Xamaas si qarsoodi ah ugu dhistay 'ciidamo yar-yar' si ay ula dagaallanto Israa'iil
Iiraan oo u digtay Israa’iil haddii aanay ka joogsan duulaankeeda Marinka Qasa
Iiraan ayaa war la soo dhigay barraha bulshada ugu goodisay Israa’iil haddii aanay ka baaqsan “Dambiyada dagaal iyo xasuuqa” in xaaladdu faraha ka bixi doonto oo ay gaari doonto meel fog.
Qoraalka la soo dhigay barta X ee ergada joogtada ah ee Iiraan ee Qaramada Midoobay ayaa imaanaya kaddib fariin ergadu u dirtay Qaramada Midoobay oo looga digayo Israa’iil duulaan dhinaca dhulka ah oo lagu qaado Marinka Qasa, taas oo haddii ay dhacdo aanay farraha ka laaban doonin oo ay jawaab ka bixin doonto.
Iiraan ayaa sheegtay haddii uu sii socdo waxa ay ugu yeertay xasuuqa iyo dambiyada dagaal in masuuliyaddiisa ay qaadi doonaan Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka, iyo wadamada taageeraya.
Israa’iil ayaa isu diyaarinaysa maanata oo Sabti ah weerar dhinaca dhulka ah oo ay ku qaado Marinka Qasa kaddib markii dadka dagan woqooyiga ay ugu baaqday inay ka baxaan, una qaxaan dhinaca koonfurta ee xuduudda Masar.
300 oo qof oo u badan caruur iyo haween ayaa lagu dilay 24 kii saac ee la soo dhaafay magaalada Qasa
Sedex boqol oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Qasa 24 kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta oo ay soo xiganaysay wakaaladda warrarka ee Reuters.
Dadka dhintay ayaa u badnaa haween iyo caruur sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
800 oo qof oo kale ayaa 24 kii saac ee la soo dhaafay lagu dhaawacay Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.
Subax wanaagsan saaxiibbayaal, ku soo dhawaada tabinta tooska ah ee BBCSomali.com oo aad kula socon doontaan warrarka Soomaalida iyo kuwa dunida ee hadda dhacaya.
Tebinteeni tooska aheyd waa inaga intaa .Waad mahadsantihiin
Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo 3 gool looga badiyay ciyaar saaxibtinomo oo ka dhacaday Marooko
Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa galabta kulan saaxiibtinimo la ciyaaray dhiggooda dalka Niger, iyadoo uu noqday kulankoodii ugu horreeyay kadib safarkii ay ku tageen dalka Morocco.
Xulka qaranka ayaa dhowaanahan kujiray diyaar garow xooggan oo ku aaddan is reeb rebka Koobka Adduunka, walow kulamo kale ay ciyaari doonaan.
Kulanka fiidnimada maanta ayaa soo galay 6:30 fiidnimo, waqtiga Geeska Afrika isla markaana xilliga dalka Morocco ay ku beegneyd 4:20 galabnimo.
Ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay Niger 3 Soomaaliya 0.
Kumuu ahaa Cali Qaadi, sarkaalka sare ee ay Israa'iil ka dishay Xamaas?
Ciidamada difaaca Israa'iil ayaa sheegay inay dileen Cali Qadhi, oo ka mid ahaa taliyeyaasha Xamaas.
Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in Cali lagu dilay duqeymo cirka ah kaddib dadaallo ay sameeyeen sirdoonka dalkaas.
Hay'adda ammaanka ee Shin Bet iyo sirdoonka milatariga Israa'iil ayaa la sheegay inay iska kaashadeen howlgalkan.
Sarkaal u hadlay Xamaas ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in kooxdan Falastiiniyiinta aysan wax jawaab ah ka bixineyn arrintan.
Maxaa laga ogyahay ninkan
Cali Qadhi ayaa hoggaaminayay weerarkii ay kooxda ka geysatay koofurta Israa'iil toddobaad kahor.
Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in "diyaarad ay dishay Cali Qadi, oo weyhlinayay taliyaha garabka 'Nukhba' ee Xamaas".
Sida laga soo xigtay Ciidamada Gaashaandhigga Israa'iil, ninkan 37 jirka ahaa ayaa ka mid ahaa ilaa 1,000 maxaabiis Falastiiniyiin ah oo sanadkii 2011 la sii daayay, kuwaasoo lagu beddeshay Gilad Shalit, askariga Israa;iil ee ay qabsadeen Xamaas.
Sanadkii 2005, Qadi ayaa loo xiray afduubka iyo dilka nin Israa'iili ahaa oo la sheegay inuu u shaqeynayay hay'adda amniga gudaha ee Shin Bet.
Sagaalkan su’aal iyo jawaabahooda kaga bogo waxa ka dhacaya Qasa