TOOS, Mid ka mid ah raggii weerarka ka gaystay dalka Australia oo la sheegay dalka uu ka soo jeedo

Weerarka waxaa ku dhintay dad gaaraya 15 qof, waxaana la toogtay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ciidamada Fallaagada M-23 oo isaga baxay magaalo muhiim ah oo dhawaan ay qabsadeen

    M-23

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kooxda fallaagada ee M-23 oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sheegtay inay oggolaatay inay ka baxdo magaalada muhiimka ah ee Uvira, kadib codsi uga yimid Maraykanka.

    Maleeshiyada ay Rwanda taageerto ayaa la wareegtay magaalada istaraatiijiga ah ee bariga dalka toddobaadkii hore, maalmo un kadib markii dowladaha Congo iyo Rwanda ay Washington ku kala saxiixdeen heshiis nabadeed. Qabsashada Uvira ee M-23 waxay halis gelisay heshiiska labada dhinac gaaren.

    Kooxda fallaagada ayaa ka bixitaanka ku tilmaantay tallaabo lagu dhisayo kalsoonida, waxayna sheegtay in arrintaasi ku xiran tahay in magaalada laga dhigo mid ka madax bannaan ciidamo dhinac gaar ah ka socda.

  2. Muxuu madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi ka yiri dhacdadii dhawaan ku qabsatay garoonka Hargeysa?

    Madaxweyne hore Muuse Biixi

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay arrin dhawaan dhacday xilli uu ka dhoofayay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in dhacdadaas ay tahay wax si khalad ah u dhacay isla markaana laba ama hal qof ay khaldami karaan hase-yeeshee waxaa uu adkeyay in aan arrimaha ceynkaas oo kale ah aan loo rogin qaab qabiil.

    Wuxuu sheegay in ninka isaga “xabad ku rida ama waddada u istaaga maanta aanu dhaafi doonin madaxweynaha xilka haya oo uu dili doono,”.

    Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi ayaa intaa ku daray in dhacdadii horraantii bishaan ku qabsatay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ay dadka reer Somaliland aad uga caroodeen.

    Muuse Biixi ayaa maanta ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

  3. Raggii weerarka ka gaystay dalka Australia oo war horleh oo cusub uu ka soo kordhay

    Mas’uuliyiinta Hindiya ayaa sheegay in mid ka mid ah raggii hubeysnaa ee dilay 15-ka qof intii lagu jiray xaflad ay dhiganayeem dadka Yuhuud ah Axaddii, kana dhacday xeebta Bondi ee dalka Australia, uu ahaa muwaadin Hindiya ka soo jeeda. Booliiska gobolka koonfureed ee Telangana ayaa sheegay in Sajid Akram uu asal ahaan ka soo jeedo Hyderabad, isla markaana uu u guuray Australia 27 sano ka hor.

    Mas’uuliyiinta Australia ayaa baaraya sababta isaga iyo wiilkiisu ay inta badan bishii hore ugu sugnaayeen Filibiin, halkaas oo ay ka jirto kacdoon Islaami ah oo muddo dheer socday.

    Booliiska Australia ayaa toogasho ku dilay ninka weyn ee hubeysnaa, kan yarna waxaa la soo sheegay inuu hadda ka soo baxay koomo isagoo ku jira isbitaalka.

  4. Dolwadda Eritrea oo loogu baaqay in ay xabsiyada ka sii dayso dadka muddada dheer xiran

    Qaramada Midoobey ayaa baaqan u jeedisay dowladda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay sii-daynta 13 qof oo Eritrean ah oo ku xirnaa xabsi iyagoo aan maxkamad la soo taagin muddo ku dhow 18 sano, waxayna ku tilmaantay tallaabadan horumar wanaagsan. Sidoo kale waxay ugu baaqday maamulka dalkaas inay sii daayaan dhammaan dadka kale ee sida sharci-darrada ah loo hayo.

    War-saxaafadeed ay soo saartay, Qaramada Midoobay waxay ugu baaqday Eritrea inay si shuruud la’aan ah u sii deyso dhammaan maxaabiista harsan, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo hore oo ka tirsanaa dowladd.

    Qaramada Midoobay waxay qiyaastay in in ka badan 10,000 oo qof si aan sharci ahayn loogu hayo xabsiyada Eritrea, kuwaas oo ay ku jiraan siyaasiyiin, suxufiyiin, hoggaamiyeyaal diimeed iyo arday. Dadkan waxaa la xiray sanadkii 2001 kaddib markii ay dalbadeen dib-u-habeyn siyaasadeed iyo mid maamul.

    Dowladda Eritrea ayaa sii deysay 13-kaas qof 4-tii Diseembar, kuwaas oo ay ku jireen ganacsato, askar boolis ah iyo xirfadlayaal kale, kuwaas oo muddo ku dhow labaatan sano ku xirnaa xabsiga milatari ee Mai Serwa.

    Intaa waxaa dheer, ilo ku sugan gudaha iyo dibadda dalka ayaa BBC-da u sheegay in mas’uuliyiintu ay sidoo kale sii daayeen 98 xubnood oo ka tirsan kaniisad mamnuuc ah, kuwaas oo badankood sanado badan xabsiga ku jiray.

  5. Maxkamadda ICC oo diiday xayiraadda Israa'iil ee baaritaanka dagaalka Qasa

    Qasa

    Xigashada Sawirka, ICC

    Garsoorayaasha rafcaanka ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa diiday codsiga Israa’iil ee ahaa in la joojiyo baaritaanka maxkamaddu ku hayso dagaalka ay kula jirto Xamaas ee Qasa.

    Go’aankii hore ee maxkamadda, oo xaqiijinayay in ICC ay awood sharciyeed ku leedahay Qasa, weli wuu shaqaynayaa, sidoo kalena amarro xarig ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Yoav Gallant ayaa weli jira.

    Garsoorayaashu waxay diideen inay beddelaan go’aan hore oo oggolaanayay in baaritaanka xeer-ilaalintu uu ku jiro dhammaan dhacdooyinka ka bilowda weerarkii ay 7-dii Oktoobar 2023 fuliyeen koox falastiini ah oo hubeysan, kaas oo sababay bilowga dagaalka.

    Tani waxay muujinaysaa in baaritaanku uu socdo iyada oo aan wax carqalad ah ka hor imaan.

    Israa’iil waxay diidday awoodda sharciyeed ee maxkamadda ku taalla Hague, waxayna beenisay inay gashay dambiyo dagaal, iyadoo sheegtay in ol’olaha militari ee ay waddo uu yahay mid lagu ciribtirayo Xamaas kadib weerarradii 7-dii Oktoobar.

    Go’aankan wuxuu quseeyaa oo keliya mid ka mid ah dhowr caqabadood oo sharci ah oo ay Israa’iil ka gudbisay baaritaanka ICC iyo amarada xarigga ee saraakiisheeda.

  6. Mareykanka oo qaaday mar kale weerar dad ku dhinteen iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Weerarka ayaa lagu beegsaday doomo

    Xigashada Sawirka, US Southern Command

    Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inuu weeraray saddex doon oo lagu tuhunsanaa ka ganacsiga daroogada kuwaas oo ku sugnaa Badweynta Baasifigga, taas oo keentay dhimashada siddeed qof.

    Taliska Koonfureed ee ayaa baraha bulshada ku baahiyay muuqaal muujinaya weerarrada, isagoo sheegay in doomahaasi ay ku socdeen marinno si fiican loogu yaqaan ka ganacsiga daroogada isla markaana ay ku lug lahaayeen hawlgallo daroogo tahriibin ah.

    Sida uu sheegay milatarigu, in ka badan 20 doon oo ku sugnaa Badweynta Baasifigga iyo Kariibiyaanka ayaa la weeraray bilihii la soo dhaafay, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 90 qof.

    Arrintani waa qayb ka mid ah olole uu madaxweyne Donald Trump ku qaadayo kooxaha uu ku eedeeyo inay daroogo ku tahriibiyaan gobolka.

    Si kastaba ha ahaatee, khubaro qaar ayaa sheegaya in weerarradan ay suurtagal tahay inay jebiyaan sharciga caalamiga ah.

    Weerarkii ugu horreeyay ee dhacay 2-dii Sebtembar ayaa muran gaar ah dhaliyay, maadaama la sheegay inuu ahaa weerar laba jeer ah, halkaas oo dadkii ka badbaaday weerarkii koowaad lagu dilay weerarkii labaad.

    Khubaro dhanka sharciga ah ayaa u sheegay BBC Verify in weerarka labaad ee ay ciidamada Maraykanku ku qaadeen doon lagu tuhunsanaa tahriibinta daroogada oo laga lahaa Venezuela uu noqon karo mid sharci-darro ah, isla markaana loo tixgelin karo dil sharciga ka baxsan marka loo eego sharciga caalamiga ah.

    Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabooyinka la qaaday ay waafaqsan yihiin shuruucda dagaalka, isla markaana loogu talagalay in lagu ilaaliyo.

    Maraykanka kooxaha ka ganacsada daroogada wuxuu ku eedeynayaa inay “sun dalka soo gelinayaan oo burburinayaan nolosha muwaadiniinta.”

  7. Trump oo dacweeyay BBC kana doonaya $5bn

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa furay dacwad ka dhan ah BBC oo uu kaga doonayo lacag dhan $5bn (£3.7bn) sababo la xiriira dukumentigii Panorama ee la tifaftiray ee khubaddisii 6 January 2021.

    Trump ayaa ku eedeeyay BBC sumcad-dil iyo inay meel uga dhacday shuruucda ganacsiga, sida ku xusan dacwadda uu u gudbiyay maxkamadda ku taalla Florida.

    BBC ayaa raalli-gelin siisay Trump bishii lasoo dhaafay, balse way diidday dalabaadkiisa magdhowga waxayna ku gacan seyrtay inaysan jirin "wax sal u ah sheegashadiisa sumcad-dilka".

    Kooxda sharciga ee Trump ayaa BBC ku eedeeyay inay sumcad-dileen "iyagoo si ula kac ah u habeeyay khudbaddiisa". BBC kama jawaabin dacwadda.

  8. Wayaabo laga helay gaariga aabihii iyo wiilkiisa ee geystay weerarkii lagu dilay Yahuuda

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Saraakiisha Filibiin waxay ayaa sheegay in aabbaha iyo wiilka ka geystay weerarkii dhimashada badna ee lagu qaaday dadka Yahuuda ee ku dabaal-degayay xeebta ee Bondi Beach ee dalka Australia, ay muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaayeen wadanka.

    Ciidamada Filibiin ayaa sheegay in aysan xaqiijin karin wararka sheegaya, in dadka weerarka qaaday ay halkaas ku qaadanayeen tababar lamid ah kuwa milatariga.

    Booliiska Australia ayaa xaqiijiyay in laba calan ah calamada kooxda Daacish, iyo bambooyin macmal ah laga helay gaariga wiilka hubeysanaa.

    Waxay weerarkaas ku dileen shan iyo toban qof Axaddii, iyaga oo beegsanayay isu imaatin lagu xusayay munaasabadda Yahuuda ee Hanukkah.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  9. Maxaad ka ogtahay marinnada tahriibka ugu halista badan adduunka?

    Labo masiibo oo dhimasho sababtay ayaa saameysay dadka isku dayaya inay ka gudbaan xuduudaha caalamiga ah.

    Jimcihii, ugu yaraan 23 qof ayaa dhintay ka dib markii dad aad u tiro badan ay isku dayeen inay ka gudbaan xayndaabka soohdinta Morocco si ay u galaan marinka Melilla ee Waqooyiga Afrika waxayna doonayeen inay u tallaabaan dhinaca Spain.

    Saddex maalmood ka dib, booliska magaalada San Antonio ee dalka Maraykanka ayaa ugu yaraan 46 qof ka dhex helay gaari xamuul ah oo goob looga tagey.

    Khuburrada ayaa ka digaya in arrintani ay horseeedi karto inay dhimasho hor leh sababto.

    Hay'adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobey (IOM), ayaa ku qiyaastay tan iyo 2014 ku dhawaad ​​50,000 oo muhaajiriin ah inay dhinteen ama la waayay iyagoo isku dayaya inay gaaraan meelo ay ka mid yihiin Mareykanka ama Midowga Yurub.

    Hay'addu waxay aaminsan tahay in tirada dhabta ah ee dhintay iyo kuwa la la'yahay ay intaas ka badan karaan.

    Haddaba, maxay kala yihiin goobaha ugu halista badan adduunka ay maraan dadka tahriibaya?

  10. Raysal wasaaraha Hindiya oo markii ugu horeysay booqanaya dal Afrika ah

    Modi
    Qoraalka sawirka, Modi

    Raysal Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa lagu wadaa inuu manta booqasho ku tego dalka Itoobiya, taas oo ah booqashadiisii ​​ugu horreysay ee rasmi ah ee uu ku tago dalkaas.

    Modi ayaa haatan ku guda jira safar diblomaasiyadeed oo uu ku marayo saddex waddan oo kala ah Urdun, Itoobiya, iyo Cumaan, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Xafiiska Raysal Wasaaraha Hindiya.

    Safarka Addis Ababa wuxuu qayb muhiim ah ka yahay safarkiisa diblomaasiyadeed ee saddexda waddan ah oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo xiriirka Hindiya ee Galbeedka Aasiya iyo Afrika.

    Raysal wasaare Modi ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo baarlamaanka Itoobiya.

    Waxaa sidoo kale la filayaa inuu la wadaago safarka dimuqraadiyadda Hindiya iyo inuu xoogga saaro qiimaha iskaashiga Hindiya iyo Itoobiya.

    Sidoo kale wuxuu wadahadallo laba geesood ah oo faahfaahsan la yeelan doonaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

  11. Somaliland oo qaadeysa tallaabo ay dowladda Soomaaliya sanado ka hor caro ka muujisay

    .

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda Macdanta Somaliland

    Qoraalka sawirka, .

    Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday qodista ceel shidaal oo hore looga sahamiyey deegaanka XOOD oo ka tirsan degmada Qoryaalle ee Gobolka Togdheer.

    Madaxweynaha Somaliland, Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu furayay shidaalka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Somaliland ay bilaabeyso qodista shidaalka dalka.

    Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in shacabka Somaliland uu ugu bishaareynayo in "dalka shidaal laga soo saarayo maadaama ay in badan is weydiinayeen goorta uu dalka shidaal yeelanayo".

    "Waxaan ugu bishaareynaa ugu dambeyn in qodista shidaalka Somaliland uu bilaabmayo 2027".

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in xitaa ay suuragal tahay in waqiga uu sheegay uu ka soo hormaro oo la bilaabo sanadka soo socda ee 2026.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalka ay ku jiraan macdano badan oo dunida qaali ka ah, taas oo in ay soo saaraan ay u furan tahay cid kastsa oo lagu "kalsoonaan karo" oo diyaar u ah in ay iskaashi kala sameyso Somaliland.

  12. War aan la fileyn oo ka soo baxay dilkii filim soo saarihii caanka ahaa ee Hollywood-ka iyo Xaaskiisa

    Rob Reiner iyo Michele Singer

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sawirka Rob Reiner iyo Michele Singer

    Sida aan horey u tebinnay, jilaaga iyo Filim sameeyaha Rob Reiner iyo Xaaskiisa Michele, ayaa meydkooda laga helay hoyga ay ka deganaayeen magaalada Los Angeles ee dalka Mareeykanka.

    Booliiska ayaa baarayay dhacdadaan waxayna sheegeen in dilkaan uu yahay mid uu qof geestay, kadib markii telefoonka guriga lamaanaha uu qof kasoo wacay xarumaha booliiska iyo dab-damiska galabtii Axadda.

    Haatansee, warka soo kordhay ayaa ah mid naxdin ah.

    Waxaa la xiray wiil ay dhaleen filim sameeyaha, Rob Reiner iyo Michele Singer Reiner, waxaana loo xiray in looga shakisan yahay dilka waalidiintiisa.

    Waaxda Booliska Los Angeles, ayaa Isniintii sheegtay in Nick Reiner, oo 32 jir ah, la xiray isla markaana uu ku xiran yahay damaanad la’aan.

    Gabar ay dhaleen lamaanahan geeriyooday, Romy oo 28 jir ah, ayaa aragtay meydka waalidiinteeda oo yaala gurigi ay degenaayeen iyagoo ay ka muuqdaan dhaawacyo mindiyo badan, sida ay ilo wareedyo u sheegeen CBS News ee Mareykanka oo bah wadaag la ah BBC-da.

    Filimada caanka ah ee uu Reiner soo saaray waxaa kamid ahaa filimkii caanka ahaa ee The Princess Bride oo soo baxay sanadkii 1987-dii.

    Faahfaahin dheeraad ah halkan hoose ayaad ka heli kartaa

  13. Puntland oo ku dhawaaqday hawlgal ay ku qaadayso buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag

    Ciidanka Puntland

    Xigashada Sawirka, Dalsan

    Dawlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu wado diyaargarowga hawlgal millateri oo uu ku qaado deegaannada buuralayda ah ee Calmadow ee gobolka Sanaag, kaas oo ka dhan ah kooxda al-Shabaab.

    Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabillaahi Dani oo ka hadlayay munaasibad ay lahaayeen booliska Puntland ayaa sidoo kale ka warbixyay halka uu marayo hawlgalkii Calmiskaad.

    "Waxaan rajaynayaa, in hawlaglkii Hilaac muddo dhow la ogaan doono in uu soo afjarmay. Guushiisii ayaa la joogaa. Waxaan rajaynaynaa in aanu jirin qof Daacish ah oo god ku jira. Arrinta ku saabsan Calmadow, waxa socda diyaargarow. Cidammadii waa la diyaarinayaa. Qorshayaashii dawladdu waa ay socdaan. Kii dadweynaha looga baahnaana abaabulkiisa ayaa lagu guda jiraa," ayaa uu yidhi.