TOOS, Trump oo sharciyeeyey in xashiishadda laga saaro liiska daroogada khatarta ah

Madaxweynaha ayaa isbarbar dhig ku sameeyay xashiishadda iyo dawooyinka xanuun baabi’iyaha ee loo qoro sida sharciga ah

Kooban

Tebin toos ah

  1. Dadka reer Qasa oo weli wajahaya xaalad ba'an oo dhanka cuntada ah

    Qasa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Khubaro ay taageerto Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in horumar laga sameeyay qaybinta cuntada ee Marinka Qasa tan iyo markii xabad joojinta la gaaray, laakiin 100,000 oo qof ayaa wali wajahaya "xaalad ba'an".

    Bishii Agoosto, Hay'adda Cuntada iyo Beeraha (FAO) ee Qaramada Midoobay, oo la socota xaaladda isla markaana kala saarta caqabadaha la xiriira gaajada adduunka oo dhan, ayaa sheegtay in nus milyan oo qof - ku dhawaad ​​​​rubuc ka mid ah dadka Qasa - ay ku noolaayeen meelaha ay macaluushu ka jirto.

    Qaramada Midoobay iyo hay'adaha kale ee gargaarka bani'aadamnimada ayaa awooday inay kordhiyaan sahayda cuntada ee Qasa tan iyo markii xabad joojinta dhexmartay Israa'iil iyo Xamaas bishii Oktoobar.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa'iil ayaa sheegtay in warbixinta IPC ay "si ula kac ah u qalloocisay" oo "aysan ka tarjumayn xaqiiqada ka jirta Marinka Qasa".

  2. Weerar Shinni ay gaystay oo dad ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen

    Shinni weerar gaysatay

    Xigashada Sawirka, Meha Kumar/ Save the Elephants

    Qoraalka sawirka, Shinni weerar gaysatay

    Laba qoys ayaa ka murugaysan geerida carruurtooda kadib weerar shinni oo ka dhacay koonfur-bari Ghana Arbacadii.Laba carruur ah oo ka yar 10 sano ayaa dhintay, kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii koox shinni ah ay ku soo duushay Dugsiga Hoose ee Evangelical Presbyterian ee degmada Anloga, gobolka Volta, xilli ay carruurtu isu diyaarinayeen fasaxa.

    Waxaa la rumeysan yahay in shinnidu xanaaqday kadib markii carruurtu ay dhagxaan ku tuureen buul shinni oo ku yaallay geed, iyaga oo ku ciyaarayay halkaa kubbadda cagta.

    Maamulaha dugsiga, Thywill Deynu, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in “shinnidu ay si gaar ah u weerartay ardayda , sababtoo ah ma aysan awoodin inay ka cararaan si ay naftooda u badbaadiyaan.”

    “Waxaan wacnay adeegga dab-damiska ee degmada Anloga si ay xaaladda u xakameeyaan,” ayuu yiri Maamulaha dugsiga.

    Saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Dowladda Hoose ee Keta ayaa sheegay in afar arday oo la keenay xarunta, labo ka mid ah ay dhinteen.

    “Qaniinyada shinnidu badanaa waxay keentaa xaalad loo yaqaan anaphylaxis, gaar ahaan marka qofku xasaasiyad qabo,” ayuu yiri khabiir caafimaad Dr. Andrews Baha oo BBC-da la hadlay.

    Tani waa weerarkii saddexaad oo weerar shinni laga diiwaangeliyo hal toddobaad gudihiis guud ahaan Ghana.

    13-kii Diseembar, shinni ayaa weerartay oo dishay beeraley ku nooleed koonfur-bari Ghana, degmada Akatsi North.

  3. Maxey yihiin Shirarkii uu ka xanaaqi jiray Fahad Yaasiin ee hadda uu ku farxay?

    Agaasimihii hore ee Sirdoonka Qaranka

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    War qoraal ah oo bartiisa X, uu ku daabacay agaasimihii hore ee Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin, ayuu ku sheegay in xilligii dowladdii uu ka tirsanaa ee madaxweyne Farmaajo uu xukunka hayay uu ka caroon jiray shirarkii markaa mucaaradku ku lahaayeen magaalada Kismaayo, kaas oo looga soo horjeeday xilligaas maamulkii uu qaybta ka ahaa.

    Wuxuu intaa ku daray in shirka hadda uga socda mucaaradka Kismaayo uu ku farxay. Wuxuu muujiyay Fahad Yaasiin in dowladdii madaxweyene Farmaajo oo isagu Agaasimaha Sirdoonka ka ahaa ay ku fashilantay in ay maareyso shirarkii looga soo horjeeday. Agaasime Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale sheegay in markii ay ka soo xirmeen waddooyin badan ay si "farsameysan uga leexdeen".

    Fahad oo hadda mucaarad ku ah dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaliilay madaxda hadda in aaney hayn farsamo ay kaga weecdaan shirarka mucaaradka ee lagu diidanyahay dowladda iyo sida ay u wax u waddo.

    Hadalka Agaasimihii hore ee Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli shalay xubnaha siyaasiinta Mucaaradka ah iyo madaxweynayaasha Jubalnd iyo Puntland uu shir uga furmay magaalada Kismaayo oo xaruun ku meel-gaara u ah maamul goboleedka Jubland.

    Shirkaan waxaa la sheegay in lagu mideynayo siyaasiinta mucaaradka ah isla markaana looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dowladdu ay waddo iyo qodobbo kale oo ay diidanyihiin xubnaha siyaasiinta mucaaradka ah.

    Dhankeeda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in dalka ay doorasho qof iyo cod ah ka dhaceyso isla markaana laga gudbayo hannaankii hore ee wax lagu dooran jiray.

  4. Melania Trump: Haweeneydii Trump u diidday in ay siiso Numberkeeda ee hadda Aqalka Cad joogta

    Melania Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Melania Trump

    “Ma ku siinayo taleefankayga. Adiga aya ii dhiibaya kaaga, aniguna waan ku soo wacayaa,” ayay tiri, dabadeedna way kala tageen.Waa maalintii nasiibkeedu ugu wanaagsanaa, maalintii ay la kulantay nasiib lama filaan ah.

    Iyadu waxay ahayd haweeney caan ah oO dharka xayaysiisa. Waxey ku riyoon jirtay carruurnimadeedii in ay horumar ka gaarto nolosha. Nasiibku wuxuu geeyay Aqalka Cad, wuxuuna ka dhigay Boqorad. Melania Trump, xaaska Donald Trump.

    Waxii Slovenia ka keenay ilaa Aqalka Cad waxay ahayd riyo ay ku riyoon jirtay carruurnimadeeda iyo go’aan hore oo ay ku gaartay inay raacdo riyadeeda.

    Sannadkii 1998, Donald Trump wuxuu ahaa ganacsade. Wuxuu lahaa waji soo jiidasho leh. Shaqadiisuna waxay ahayd hadal iyo qancin, maadaama uu samayn jiray heshiisyo ganacsi oo badan.

    Habeen ka mid ah habeenadii oo New York la joogay sanadkii 1998, arrimuhu uma hagaagin sidii uu rajaynayay. Laakiin waayo-aragnimadiisu waxay u badan tahay in ay faa’iido u noqotay.

    Waxaa socday bandhig weyn. Halkaas ayaana lagu xulanayay waxa loo yaqaan moodellada dunida ama haweenka ugu wanaagsan ee suuq-geynta sameeya.

    Dad badan oo caan ah isla markaana maalqabeen ah ayaa halkaas joogay. Waxaa ka mid ahayd Melanie Navis.

  5. Xog-dheeri ah oo laga helay ninkii weerarka ka gaystay Jamaacad ku taalla Mareykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Providence Police/Handout via Reuters

    Eedeysanaha toogashadii ka dhacday Jaamacadda Brown toddobaadkii hore ayaa laga helay isagoo dhintay Salem, New Hampshire, kadib baadi-goob socday lix maalmood oo ku fiday dhowr gobol oo ka tirsan Mareykanka, sida ay booliisku sheegeen.

    Waxay aqoonsadeen eedeysanaha inuu yahay Claudio Neves Valente, oo 48 jir ah isla markaana ah muwaadin u dhashay Portugal, oo wax ka bartay Providence, Rhode Island, qiyaastii 25 sano ka hor.

    Taliyaha Booliiska Providence, Oscar Perez, ayaa sheegay in caddeymo muuqaal ah iyo xog ay dadweynuhu bixiyeen ay u horseedeen baarayaasha in ay helaan magaca eedeysanaha iyagoo waafajiyay qofkii ay raadinayeen.

    Mas’uuliyiintu waxay kaloo sheegeen inay aaminsan yihiin in Valente uu dilay barafasoor ka tirsanaa Machadka Teknolojiyadda Massachusetts laba maalmood kadib toogashadii Dec. 13 ee ka dhacday Brown.

  6. Dowladda Suudaan oo Khartoum u guuraysa

    Caasimadda Suudaan

    Xigashada Sawirka, Barbara Plett Usher / BBC

    Dowladda Suudaan ee ay hoggaaminayaan militariga ayaa billowday inay wasaaradaha ka rarayso Port Sudan kuna soo celinayso Khartoum, iyadoo la qorsheynayo in hawlaha dowladda oo dhan dib loo bilaabo horraanta sannadka soo socda.

    Wasaaradda Dalxiiska iyo Dhaqanka ayaa noqotay tii ugu dambeysay ee guurta caasimadda tan iyo markii halkaa dagaalladu ka bilowden.

  7. Putin oo aan muujin tanaasul xilli Ukraine lacago badan loo yaboohay

    Putin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushku diyaar u yahay inuu soo afjaro colaadda Ukraine, balse ma uusan muujin wax tanaasul ah.

    Hadalkan ayuu jeediyay bilowga barnaamijkiisa sannadlaha ah ee taleefoonka dadweynaha. Dhanka kale hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa gaaray heshiis ay Ukraine ku siinayaan amaah ka badan boqol bilyan oo doolar.

  8. Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay dalkaas

    Madaxweyne Xasan iyo ra'iisul wasaare Abiy

    Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed/ Facebook

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan dalka Itoobiya halkaasi oo u uku tagay booqasho hal maalinta ah sida boggiisa Facebook u uku shaaciyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

    Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in ay yeellan doonaan wadahadallo ay ku sii wadayaan kuwii sanadkii hore.Wuxu intaas ku daray in horumar laga gaaray xoojinta iskaashiga labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

    “Wadahadalladeennu waxay diiradda saareen horumarinta mudnaanta wadajirka ah, waxayna mar kale adkeeyeen ballanqaadkeenna wadaagga ah ee ku aaddan xoojinta iskaashiga, xasilloonida gobolka, iyo horumarinta,” ayuu Abiy ku yiri qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

  9. Ukraine oo weeraratay Markab Ruushku leeyahay iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

    Ukraine ayaa sheegtay inay ku dhufatay markab shidaal oo laga leeyahay dalka Ruushka oo ku sugnaa Badda Mediterranean-ka, sida ay weriyeen wakaaladaha wararka ee AFP iyo Reuters.

    Wakaaladaha ayaa soo xigtay ilo ka tirsan Adeegga Amniga Ukraine oo sheegay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ay garaaceen markabka shidaalka, kaas oo aan cidna saarnayn isla markaana ku sugnaa qiyaastii 2,000 km meel ka fog xuduudaha Ukraine.

    Wararka ayaa intaas ku dartay in weerarka uu sababay burbur culus oo gaaray markabka.

  10. Midowga Yurub oo Ukraine u ansixiyey 90 Bilyan oo Yuuro

    Heshiiska deynta Ukraine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa gaaray heshiis lagu siinayo Ukraine deyn dhan 90 bilyan oo Yuuro ($105 bilyan) ka dib markii ay ku heshiin waayeen isticmaalka hantida Ruushka ee la xayiray.

    Heshiiskan oo ay madaxdu sheegeen in uu dabooli doono baahida ciidan iyo dhaqaale ee Ukraine labada sano ee soo socota, ayaa yimid ka dib wadahadalo maalin ka badan ka socday shir madaxeedka Brussels.

    "Waxaan sameynay ballanqaad, waanan gaarsiinnay," madaxweynaha golaha Yurub Antonio Costa ayaa ku qoray barta X isagoo ku dhawaaqayay heshiiska si loo bixiyo deyn ay taageerto miisaaniyada guud ee ururka.

    Ruushka ayaa ku eedeeyay hogaamiyayaasha Midowga Yurub "tallaabo sharci darro ah oo ka dhan ah kaydka Ruushka" ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska. Ergeyga Kremlin-ka Kirill Dmitriev, ayaa qoraal uu soo dhigay mareegta X, wuxuu si gaar ah u xusay Ra'iisal Wasaaraha Britain Keir Starmer, Guddoomiyaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen, iyo Ra'iisal Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, isagoo yiri: "Dunida oo dhan waxay aragtay inaad ku guuldareysateen in aad dad kale ku khasabtaan inay sharciga jabiyaan".

    Dmitriev waxa uu ku tilmaamay heshiiska mid “dharbaaxo weyn ku ah kuwa dagaalka hurinaya ee ku jira Midowga Yurub”.

  11. Maxay tahay ujeeddada wafdiga Itoobiya ay u tageen Jabuuti

    Geelle iyo Adam Farah

    Xigashada Sawirka, Ethiopian Embassy in Djibouti

    Wafdi heer sare ah oo ay hogaaminayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jabuuti oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalkaasi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

    Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Eritrea, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Masar ay qorsheyneyso inay dhisto dekedda Jabuuti.

    Wafdigan ayaa ah kii labaad ee ka socda dowladda Itoobiya oo todobaadyo gudahood safar ku taga dalka Jabuuti.

    Jabuuti waa marinka kaliya ee ay Itoobiya wax ka dhoofiso ama wax kala soo degto.

    Wefdiga oo uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee Barwaaqo Md. Aadam Faarax, ayaa la kulmay masuuliyiin kala duwan.

    Safaaradda Itoobiya ee dalka Jabuuti ayaa sheegtay in wada-hadallada uu la yeeshay Madaxweyne Cumar Geelle diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo kala faa’iideysiga labada dal.

    "Hirgelinta mashaariicda ay si wadajir ah u maamulaan labada dal ayaa sidoo kale dib loo eegay," ayay tiri safaaradda.

    Itoobiya waxay u isticmaashaa dekedda Dooraale ee Jabuuti wax-ka-soo-dejinta iyo dhoofinta.

  12. Australia oo ku dhawaaqday qorshe ay dadka kaga iibsanayso qoryaha ay ku hubaysan yihiin

    Booliska Australia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Australia ayaa ku dhawaaqday qorshe ay kaga iibsanayso qoryaha dadka rayidka ah kadib weerarkii xeebta Bondi, oo ahaa toogasho wadareedkii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca muddo tobanaan sano ah.

    Qorshahan ayaa ah kii ugu balaarnaa tan iyo xasuuqii Port Arthur sanadkii 1996, kaas oo lagu dilay 35 qof, kadibna Australia ay soo rogtay sharciyo adag oo lagu xakameynayo hubka.

    15 qof ayaa la dilay, tobaneeyo kalena waa ay dhaawacmeen Axadii, ka dib markii labo nin oo hubaysnaa oo la sheegay in ay dhiiri galiyeen fikirka khilaafada Islaamiga ah ay rasaas ku fureen xaflad ay dad Yuhuud ahi ku qabanayeen xeebta caanka ah ee Bondi.

    Booliska ayaa sheegay in weerarkan oo lagu tilmaamay mid argagaxiso ay fuliyeen Aabe iyo wiil uu dhalay.

    Naveed Akram, oo 24 jir ah, ayaa lagu soo oogay 59 dambi oo ay ku jiraan 15 kiis oo dil ah iyo hal dambi oo ah inuu galay fal argagixiso. Aabihii, Sajid, ayaa lagu dilay dhacdada.

    Maalin kadib weerarka, golaha wasiirada waxay isku raaceen in la sii adkeeyo sharciga lahaanshaha hubka.

    Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa sheegay in hadda ay jiraan in ka badan afar milyan oo qoryo gudaha Australia, tiradaas oo ka badan tii 1996-kii.

  13. Trump oo sharciyeeyey in xashiishadda laga saaro liiska daroogada khatarta ah

    Xashiishad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne Donald Trump ayaa saxiixay amar fulin ah oo ballaarin doona helitaanka xashiishadda, tallaabadaas oo muddo dheer la filayey ayadoo calaamad u ah isbeddelka ugu weyn ee siyaasadda daroogada Mareykanka tobannaan sano.

    Amarka ayaa faraya xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka inuu dib u ka saaro xashiishadda Jadwalka 1aad ee maandooriyaha, loona beddelo Jadwalka III-daawoyinka - isagoo hoos dhigaya isla qaybta Tylenol ee leh koodhin.

    Xashiishadu waxay ahaan doontaa sharci darro heer federaal. Laakiin u kala soocida sida Jadwalka III maandooriyaha waxay u oggolaanaysaa cilmi-baaris ballaaran in lagu sameeyo faa'iidooyinkeeda.

    Qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Jamhuuriga ayaa ka digay tallaabadaas, iyadoo qaarkood ay ku dooday inay caadi ka dhigi karto isticmaalka xashiishadda.

    Madaxweynaha ayaa isbarbar dhig ku sameeyay xashiishadda iyo dawooyinka xanuun baabi’iyaha ee loo qoro ee si sharci ah “laakiin sidoo kale waxay geysan karaan waxyeelo aan laga soo kaban karin”.

    Kala soocida cusub waxay sidoo kale saameyn canshuureed ku leedahay qaybinta xashiishadda ee ay dowladdu ogolaatay, maadaama sharciyada hadda jira ay ka mamnuucayaan qaar ka mid ah canshuur dhimista haddii ay ku iibiyaan badeecadaha Jadwalka 1aad.

  14. Milkiilaha TikTok oo saxiixay heshiis uu kaga baaqsanayo in aan Maraykanka laga mamnuucin

    TikTok

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Milkiilaha Shiinaha ee iska leh TikTok ByteDance ayaa heshiisyo la saxiixatay Mareykanka iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inta badan ganacsigeeda Mareykanka, sida uu maamulaha TikTok u sheegay shaqaalaha Khamiistii.

    Kala bar ganacsiga wadajirka ah waxaa lahaan doona koox maalgashadayaal ah, oo ay ku jiraan Oracle, Silver Lake iyo shirkadda maalgashiga Imaaraatka ee MGX, sida lagu sheegay qoraal uu soo diray madaxa fulinta Shou Zi Chew.

    Heshiiska, oo lagu wado inuu soo gabagaboobo 22-ka Janaayo, ayaa soo afjari doona sanado badan oo dadaal ah oo Washington ay ku dooneysay ByteDance inay ka iibiso hawlgalkeeda Mareykanka sababo la xiriira amniga qaranka.

    Waxay waafaqsan tahay heshiis la soo bandhigay bishii Sebtembar, markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu dib u dhigay dhaqangelinta sharci mamnuucaya app-ka haddii aan la iibin.

    Sida bayaanka lagu xusay, TikTok waxay sheegtay in heshiiska uu u saamaxayo “170 malyan oo qof oo Ameerikaan ah inay sii wadaan inay isticmaalaan isticmaalka bartaas”.