Muxuu Xasan Sheekh ka doonayaa madaxda uu kula kulmayo shirka Muqdisho?

Getty Images

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmaya madaxdii hore Soomaaliya

Waxaa maalintii labaad galay shir seddex maalmood soconaya oo shalay soo billowday kaas oo u dhexeeya madaxweynaha xilka haya iyo madaxdii hore. Madaxda shirkan kasoo qeybgaleysa waxaa ka mid ah madaxweyneyaal hore, shan raysal wasaare oo hore, iyo saddex guddoomiye baarlamaan.

Ujeedada shirkan la isugu yeeray, martiqaadkana loo fidiyey ayaa ah sidii dawladda Soomaaliya ay ”uga tala galin lahayd, ra’yigoodana u dhegeysan lahayd” madaxda dalka hore u soo hogaamisay, si loo ogaado waxa ay ka qabaan qorshaha ay Madasha Wadatashiga Qaran soo bandhigtay bishii May ee ku saabsan doorashooyinka lagu baaqay in dalka ay ka dhacaan ee qof-iyo-cod, iyo hanaanka xisbiyada dalka iyo baabinta xafiiska Raysal wasaaraha si loo sameeyo madaxweyne iyo madaxweyne xigeen.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kulan uu qeyb ka yahay wada tashi madaxweynuhu la yeelanayo qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta. Waxa uu intaa ku daray in shirka lagu casuumaday dhammaan madaxdii hore. Madaxda casuuman waxaa ka mid ah dhammaan madaxweyneyaashii hore oo ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, raysal wasaareyaal hore iyo guddoomiyeyaashii baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Yaa la filayaa inay ka qayb galaan, yaase ka qayb gali doonin?

Villa Somalia

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Shirka waxaa ka qeybgalaya madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, shan raysal wasaare hore oo kala ah Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre, Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Cali Gaas iyo Cali Maxamed Geedi, iyo saddex guddoomiye baarlamaan oo hore oo kala ah Maxamed Mursal, Maxamed Sheekh Cusmaan 'Jawaari', iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madax iyo siyaasiyiin kale.

Laakiin waxaa shirka ka maqan labo madaxweyne oo hore, Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyo labo raysal wasaare oo kala ah Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Cabdi Faarax Saacid Shirdoon. Afhayeen u hadlay Farmaajo ayaa BBC u sheegay in madaxweynihii hore uu shirka uga baaqday howl safar iyo shaqo oo horey ugu qorsheysnaa maadaama xilli dambe lagu soo wargeliyay shirka. Sidoo kale Agaasimaha madaxtooyadda Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxweyne Cabdiqaasim Salaad iyo Raysal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ay shirka uga maqan yihiin arrimo caafimaad, halka Raysal wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon uu isaga uga baaqday shirka arrimo la xiriiro safaro iyo shaqooyin kale oo u gaar.

Ajandaha iyo ujeedka Shirka

Villa Somalia

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Ajendaha shirkan oo ah nidaamka doorashada dalka ka dhici doonta ee qof-iyo-cod ayaa muran weyn ka dhalisay saaxada siyaasadda e Soomaaliya. Doorashada kaliya ma aha waxa aan la isku afgaran waayay ee waxaa ka mid ah in dalku yeesho hannaan qof iyo cod ah, oo min golaha deegaanka ilaa tan madaxweynaha ay dadku doortaan.

Waxaa kale o qorshahaas uu soo jeedinayaa in muddo xileedka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada ay noqon doonto shan sano, halka markii hore ay ka ahayd afar sano, in dalku yeesho madaxweyne ku xigeen iyo laba xisbi siyaasadeed oo awoodda ku tartama.

Muxuu Xasan Sheekh ka doonayaa madaxda uu la shirayo?

Villa Somalia

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Tirada ugu bdan ee madaxda uu la kulmayo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xitaa kuwa ka maqan shirka waxay horey u diideen heshiiska doorashada iyo qaab-dhiska dowladda Soomaaliya ee horey u gaareen Golaha Wada Tashiga Qarankan. Golahaas oo ka kooban madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, oo ay ka maqan tahay Puntland, ayaa bishii Maarso ku heshiiyay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah oo kasoo bilaabata golaha deegaanka, tan dowlad goboleedyada iyo tan heer federaal.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale dhigaya in dalka uu yeesho labo xisbi oo keliya, iyada oo loo guurayo hanaanka madaxweyne iyo madaxweyne xigeen, iyo muddo xileedka dowladda laga dhigo shan sanno. Waxaa sidoo kale muddo kordhin loo sameeyay mudada xilheynta dowlad goboleedyada qaarkood, oo ay ka mid yihiin Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Tan ayaa abuurtay dareen ah in ujeedka madaxweynuhu ka leeyahay shirkan uu noqon karo in heshiiskaas uu ku qalfaaliyo inay madaxda aqbalaan iyada oo aan waxba laga bedelin. Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Xuseen Sheekh oo arrinkaas ka falcelinaya ayaa BBC u sheegay in madaxweynuhu doonayo in heshiis buuxa oo dhab ah ay gaaraan dhinacyada oo dhan, iyada oo diirada la saarayo dagaalka al-Shabaab iyo qabyotirka dastuurka.

Mar aan weydiinay in madaxweynuhu diyaar u yahay wax-ka-bedelka heshiiska Golaha Wada Tashiga Qaran ee ay horey u diideen qaar ka mid ah madaxda shirka ka qeybgaleysa, agaasimaha madaxtooyadda Soomaaliya waxa uu hadalka ku kooban in madaxweynaha uu dhegeysan doono talooyinka iyo aragtida madaxdii hore si la mid a sida uu u dhegeysto talada dadweynaha. Waxa uu ka gaabsaday in uu si toos ah uga jawaabo weydiintada, isaga oo hadalka kusoo koobay, “Madaxda qaranka taladooda waa la dhegeysanayaa, marka dambena hay’adaha dawladda oo baarlamaanku ugu horreeyo ayey ku soo dhamaan doonaan [go'aanka heshiiskii madasha],” ayuu yiri Xuseen. Waxaa uu sidoo kale Agaasimaha Madaxtooyadda sheegay in muddo xileedka dowladda ee laga dhigay shan sano uu ka bilaaban doono muddo xileedka dowladda dambe xitaa baarlamaanku ansixiyu, isaga oo xusay in mudada xilheynta ee dowladda hadda jirta ku egtahay afartii sano ee markii hore loo doortay oo keliya.

Villa Somalia

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Diidmada qorshaha lagu go'aamiyey kulankii madasha

Villa Somalia

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Dhinacyada siyaasadda ee qorshahaas aadka uga biyo diiday waxaa ka mid ah maamul-goboleedka Puntland oo markii horeba qayb aan ka ahayn shirkii madasha wadatashiga ee lagu go’aamiyey qorshahaas.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC la hadlay ayaa sheegay in waxa ka soo baxay shirkan ay u arkaan mid afduub ah.

"Dalkan xilligii uu burburay waxaa heshiis lagu gaaray dastuur ku meel gaar ah, in la dhammeystiro kadibna afti dadweyne loo qaado, la ansixiyo sidaasna dalku dastuur ku yeesho, federaalna uu dalku yahay.

"Hadalka madaxweynaha waxaa ka muuqda in madaxweynaha iyo kooxda la joogtay a ku heshiiyeen in dastuurkii dalka iyo wax kasta oo heshiis lagu ahaa la laalo," ayuu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn in habeen gudihiis sida uu sheegay la laalo wax walba oo horey lagu heshiiyay.

"In wax walba afgembi siyaasadeed laga soo qaado, oo kacaankii oo aan qoryo sidan ayaa meesha ka muuqata," Ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegta in Puntland ay kula jirto wada hadallo, isla markaana la xallin doono khilaafka dhex yaalla.

Puntland waxaa dhowaan ka qabsoomay hannaanka doorashada qof iyo cod ah ee golaha deegaanka, taasoo in muddo ah laga shaqeynayay sidii ay u qabsoomi lahayd.

Warar ay BBC ka heshay madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegayaan in dawladda Soomaaliya ay goor aan fogeyn ku dhawaaqi doonto qabashada shirka madaxda dalka ee wadatashiga ee iminka baaqday, ayadoo doonaysa in aysan ku guul darraysan in barnaamijkeeda ay ka gaddo dhamaanba dhinacyada ugu tunka weyn siyaasadda Soomaaliya