Kenya oo ka hadashay "dil Gaarisa loogu geystay taksiile Soomaali ah oo caro dhaliyay"

Kenya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Amos Ambasa oo maanta warbaahinta gudaha la hadlay ayaa iska fogeeyey in ay ku lug lahaayeen dilka Axmed Sheekh Cumar oo lagu toogtay magaaladaasi habeennimadii Axadda.

Axmed oo ahaa darawal taksi ayaa dadka deegaanka iyo elladiisuba ay sheegayaan in dhimashiisu ay keentay rasaas ay fureen askar kamid ah ciidamo sida kuwa ka jawaabidda rabshadaaha degdegga ah (RPU) oo saldhig ku leh deegaanka Modhikaarey.

Hoggaamiyeyaasha magaalada ayaa Isniintii ka dalbaday booliiska "in si degdeg ah loo soo xiro lana maxkamadeeyo askartii ku lugta lahayd dilka, iyaga oo sheegay in marxuumka ay xabbad madaxa kaga taallay, iyaga oo tilmaamy in booliisku uu u diiwaangeliyay shil gaari, waxa ayna sheegeen in ay jireen dhaawacyo cadcad oo rasaas ah oo ka muuqday madaxa marxuumka."

Kenya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Amos Ambasa

Axmed oo da'diisa lagu sheegay 25 sano ayaa kamid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon magalada, mana aha dhacdadii ugu horreesay oo dil ah, taas oo lagu tuhmayo booliska sida uu BBC u sheegay xildhibaan Faarax Macallin Dawaara oo laga soo doorto deegaanka Dhadhaab.

"Nin aad loo jeclahay oo muxtram ayaa meesha ku geeriyooday Allah u naxariitso' isaga kaligiisna maaha waxyaabo badan oo isku tag gayna waa jiraan, wiil kale oo ciidan ahaa ayaa waxaa la leeyahay sida uu warka nagu soo gaarayo ayaa ku dhintay meel Gaarisa ka tirsan oo Dhamajaaley ah, isagana wali lama hubsan", ayuu yiri Xildhibaan Faarax.

Taliye Amos Ambasa ayaa sheegay in habeennimadii Axadda saqdii dhexe, gaariga uu marxuumku waday markii uu arkay askarta uu si dedeg ah waddada uga leexday, taasina ay sababtay shilka gaariga, kadibna askartu ay bilaabeen daba-gal si ay u ogaadaan cidda saarneyd gaariga.

"Qiyaastii 150 mitir kadib, waxay ogaadeen in gaarigu galay shil iskiis u dhacay, kaas oo darawalku si xun ugu dhaawacmay, uuna u dhintay dhaawacaas, waxay sidoo kale ciidanku heleen laba wiil oo da'doodu ku dhowdahay 15 sano, kuwaas oo la wareystay," ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in shilka kadib ay arrinta la wareegeen booliska taraafikada, kuwaas oo goobta yimid oo baaray, ka hor inta aan meydka loo qaadin qaboojiyaha isbitaalka Gaarisa si baaritaan loogu sameeyo.

Garissa

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Xildhibaan Faarax Macallin

Xildhibaan Faarax Macallin ayaa ka dhinkiisa sheegay in ay dalbadeen baaritaan ka qoto dheer kan ay sameeyeen booliiska Gaarisa, dambi baarayaal madax bannaanna laga soo diro Nairobi, "baaritaanka waxaa dhahnay illaaba illaa khabiirka baaridda meydka ha yimaado, si fiican haloo baaro oo ha caddeeyaan wax allaale iyo waxa dhacay, baaritaan hala sameeyo oo baaritaankana ha sameeyaan dad ka baxsan ciidanka meeshaas jooga ee booliska ah".

Dhanka kale, Taliyaha booliska gobolka ayaa sidoo kale sheegay in gaariga uu watay marxuumka markii la keenay saldhigga booliska Gaarisa ay ka buuxeen dhar iyo dawooyin, kuwaas oo laga shakisan yahay in laga keenay dalka deriska la ah ee Soomaaliya.

"Waxaan helnay caawimo aan ka dalbannay ciidamo baara dilalka, waana la baari doonaa", ayuu intaa ku daray taliye Ambasa.

Wakiiladdii hore ee Haweenka Garissa, Shukraan Guure oo iyadana warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay "in ay reer Gaaris u tahay maalin murugo leh kuwaas oo la kulmaya falal aan arxan darro ah, booliiska oo si fudud u tooganayaan una dili karaan dad shacab ah,".

Waxa ay carrabka ku adkeysay in aysan ka hari doonin ilaa laga soo qabto, lana soo xiro dadka ku lugta leh falkaas.