Ra'iisul wasaarihii Israa'iil oo xaqiijiyay in Telegram kiisa la jabsaday

Xigashada Sawirka, Mostafa Alkharouf/Anadolu via Getty Images
Ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Ra'iisal wasaarihii hore ee Israa'iil Naftali Bennett ay jabsadeen xogtiisa shaqsiga ah koox "Iran kuxiran" oo wax jabsata, waxa uu xaqiijiyay in la jabsaday akoonkiisa Telegram, balse isla wakhtigaas waxa uu sheegay in aanay tuugtaasi gelin telefoonkiisa gacanta.
"Inkasta oo aan la jabsanin mobaylka, haddana waxa ay u muuqataa in tuugadu ay siyaabo kala duwan u galeen akoonkayga Telegram," ayuu Mr. Bennett ku yiri bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Arbacadii.
"Waxa ku jira liiska xiriirkayga waa la daabacay, iyo sidoo kale sawiro iyo sheekeysi badan, qaar run ah iyo qaar been abuur ah."
Mr. Bennett, oo damacsan inuu dib ugu soo laabto jagada ra'iisul wasaaraha doorashada soo socota, ayaa sheegay in saameyntaas looga dan leeyahay in laga hortago inuu ku soo laabto xilka ra'iisul wasaaraha.
"Cadawga Israa'iil waxa ay samayn doonaan wax kasta oo ay awoodaan si ay iiga hor istaagaan in aan mar kale noqdo ra'iisal wasaare, tani ma shaqayn doonto" ayuu yiri.
Sida laga soo xigtay Mr. Bennett, "Arrintan waxaa baaraya hay'adaha ammaanka ee ay khuseyso."
Markii hore, warbixinno ku saabsan sii deynta macluumaadka Naftali Bennett ee "Koox wax jabsata" ayaa lagu daabacay warbaahinta rasmiga ah ee Iran iyo sidoo kale warbaahinta Israel.
Kooxda jabsatay ayaa sidoo kale baraha bulshada ku faafiyay sawirada liiska magacyada iyo nambarada telefoonada ee ku jira liiska Raysalwasaarihii hore ee Israa'iil.
Kooxda Hanzalah ee jabsata ayaa sidoo kale sheegtay in ay fariin uga tageen taleefoonka Bennett oo ay ku daabaceen website-kooda.
Farriinta ayaa u dhigan: "Gacaliye Naftali Bennett. Waxaad mar ku faani jirtay inaad tahay astaanta amniga internetka oo aad u soo bandhigtay khubarada adduunka. In kasta oo aad faan iyo buunbuunin badan samaysay, bartaada dhijitaalka ah kama adkayn darbi laga sameeyay kartoon oo dumi rabay."
Inta uusan galin siyaasadda, ninkani waxa uu wax ka aasaasay shirkad ka shaqaysa amniga interka.
Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa'iil ayaa sheegay in marka la eego baaristiisa, in badan oo ka mid ah nambarada telefoonnada ee ay daabaceen kooxda jabsatay ay yihiin kuwo sax ah oo ay leeyihiin saraakiil sare oo Israa'iil iyo dalal kale ah.
Sida laga soo xigtay wargeyska Israel ee Yedioth Ahronoth, "Kooxdu waxay daabacday 141 bog oo nambaro telefoon ah (guud ahaan kumanaan macluumaadka xiriirka ah) oo ay la socdaan ku dhawaad 2,000 oo faylal oo ay ku jiraan wada sheekeysigiisa, kuwaas oo intooda badan aan dhameystirneyn. Xogta waxaa ku jira lambarada telefoonka ee saraakiisha ammaanka ee Israel, saxafiyiinta iyo shakhsiyaadka dadweynaha, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha caalamiga ah sida Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, madaxa Imaaraadka Carabta, Mohammed bin Zayed iyo Agaasimaha Hay'adda Tamarta Atoomikada caalamka Rafael Grossi.
Warbaahinta Israa'iil ayaa sidoo kale beenisay runnimada qaar ka mid ah xogta ay daabacday kooxdan wax jabsatay.











