Dhegeyso wararkii u dambeeyey ee Magaalada Dhahar iyo xaaladda dadka halkaa ku xayirmay

Qoraalka Codka,
Dhegeyso wararkii u dambeeyey ee Magaalada Dhahar iyo xaaladda dadka halkaa ku xayirmay

Xaaladda Magaalada Dhahar ee gobolka sanaag ayaa deggan ka dib markii shalay ay dagaallo halkaa ku dhex mareen ciidan la sheegay in ay taageersan yihiin Puntland iyo ciidamo deegaanka ah.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan inay waanwaan socoto taasoo ay garwadeen ka yihiin oday dhaqameedyo.

Waxaa jira in magaalada ay ka qaxeen dad badan oo dadkii magaalada deganaa ah, inkastoo aan la hayn tirada rasmiga ah. Waxaa kale oo jira dad la sheegay in waxyeello ay soo gaartay.

Xaaladda magaalada sida ay hadda tahay ayaan wax ka weydiinay Faysal Jaamac oo ah weriye jooga Laascaanood oo aad ula socday dagaalladii halkaa ka dhacay.