Maxay u saluugsanyihiin Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid Shirka dhamaystirka SSC-Khaatumo ee lagu waday inuu ka furmo Laascaanood

Xigashada Sawirka, Facebook
Shirkii Maanta lagu waday inuu ka furmo Magaalada Laascaanood ee dhamaystirka maamulka SSC-Khaatumo ayaa mar kale baaqday, mana cadda sababta rasmiga ee baaqashada keentay markii labaad.
Odayaal dhaqameedka ugu sarreeya ee Sool iyo Sanaag ayaa ka hadlay shirka baaqday Maanta oo Sabti ah lana filayay inuu ka furmo magaalada Laascaanood kaasoo u jeedkiisu ahaa dhamaystirka maamulka SSC Khaatumo, iyaga oo sheegay inay ka soo horjeedaan hannaanka shirkaasi.
Maamulka SSC-khaatumo ayaa sheegay in shirku uu berri furmayo sida qorshuhu yahay.
Labada oday dhaqameed ayaa kala ah Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.
Suldaan Siciid oo ah oday dhaqameedka guud ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in aysan jirin dhankooda cid ku matasha oo ka qayb galaysa shirkaasi.
Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa dhankiisa isna sheegay in uusan diidanayn shirka, laakiinse uu diidan yahay wax aan la isla ogayn oo aan dhamaystirnayn.
''Shirkaasi ma diidani waan soo dhoweynayaa waa shirkii la sugayay, waa shirkii dadkan ay ku tashan lahaayeen, waa shirkii ay ku go'aansan lahayeen meesha ay aadayaan iyo maraxalada ay u gudbayaan oo u cad oo ah maamul buuxa oo iyagu leeyihiin inay samaystaan. Waxa aan diidanahay waxa weeye wax aan la isla ogayn aan dhamaystirnayn, khatar galinaya wixii dadkani ay lahaayeen ee qiimaha faraha badan ugu fadhiyay ee dhibka faraha badan loo soo maray in maanta Khalkhal la galiyo oo wax aan la isla hubin iyo wax aan la isla ogayn iyo wax aan laga tashan lagu dhex tuuro'' ayuu yiri Garaad Jaamac.
Garaadka ayaa sheegay in uusan ogayn meel lagaga tashaday Shirka oo uusan joogin meel wax la isaga weydiiyay.
''Shirka Maanta la leeyahay Lascaanood waa laga wadaa anigu meel lagaga tashaday ma ogi, meel wax la isaga weydiiyay ma joogin, meel lagu go'aansaday ma aanan fadhin. Dadkani meesha ay joogaan maanta waxa ay ku soo gaareen midnimo ku timid wadatashi. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa haddaad aragto arrin dhamaan weyday, meesha wax aan ku jirin baa la galinayaa ama wax ku jiraa laga saarayaa.''
''Waxaanu leenahay dadkani waxa ay wax ku yihiin wadatashi, wadatashi ayay wax ku dhisteen, wadatashi beey kaga gudbi karaan xaalada ay ku jiraan, waxa ay go'aansadaan iyo maamulka ay qaataan baa cid walbana ku khasban tahay, hasa yeeshee anigu wixii aan shalay diidanaa ee ahayd talo meel kale la iiga soo raray la igu dhiqi maayo, dadkayga loogu tallin maayo ee aan 15-ka sano ka dagaalamayay maanta ma ogolaan karo reer walaalahayga oo dariskayga in aan ku sameeyo, kamana mid noqon karayo'' ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.
Garaadka ayaa sidoo kale isaga oo ka hadlaya beesha degta gobolka Sanaag yiri'' Waa walaalahayo waa dariskayaga, danbaan ka leenahay, duruufahayagaa isku xiran, uma quurno in aanu niraahno anagaa idinka xulanayna, idiinka yeeranayna ee idiinku talinayna idiin joojin mayno, dhaqankiina odayaashiina iyo waayeelkiinana waxba weydiin mayno nagama qabato''
''Intaynaan cid kale ku xadgudbin, dambi iyo godob tol aynu beri ka maarmayn aynaan ku samayn, inaga aynu tashano wax is weydiino, cid ina khasbi kartaa ma jirto waa dhab SSC Khaatmo, meelna uma socoto, meelna ma aadi karayso ee inagu waxeena aynu si mug leh uga tashano, cidda aynu doonayno aynu si mug leh ugu tagno, ulatashano, kaga helno haa iyo maya, hadaynu niraahno waa isku dhex khaldaynaa war teenaa khatar galaysa, teenaa dhibaato ku imaanaysaa, wax ina khasbaya iyo cid gacanta ina maroojin kartaa ma jirtee, aynu wadatashano''
Waxa uu dhankiisa Suldaan Siciiid Suldaan Cabdisalaan uu taageero u muujiyay hadalka ka soo yeeray Garaad Jaamac Garaad Cali ''Waxaan aad ugu taageersanahay hadaladiisii qiimaha iyo qaayaha badnaa ee uu kasoo jeediyay gobolka Sool, aad baana u soo dhoweynayaa, aad buuna garaadku ugu mahadsan yahay hadaladiisa arrinta Sool ka taagan, horayna haddaan nahay isimada gobolka Sanaag iyo wax garadku aanu baaq uga soo jeedinay oo u sheegnay in cid nagu matashaa howshaa aanay jirin oo aan u soo dirsanay oo wakil nooga ah''
Dowladda Federaalka oo ku lug leh shirkan isla markaan wafdi u dirtay halkaa iyo guddi howsha dhameystirka ka qayb qaadanaya ayaa eedo uga yimaadeen Puntland iyo Somaliland.
Labada dhinac waxey ku eedynayaan dowladda in ay xiisad ka abuurayso deegaanno muddo nabad ahaa, hase-yeeshee dowladda ayaa eedahaas beenisay, waxeyna ku doodaysaa in dowladdu xaq u leedahay in dadka deegaanka ay ka caawineyso rabitaankooda ah in ay sameystaan maamul dhameystiran.













