You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Abaarta Soomaaliya: "Dadka iyo xooluhuba hal raashiin ayay wada cunaan"
- Author, Maxamed Xasan Dhalo
- Role, Wariye
Xilli-roobaadkii afraad oo is xiga ayaan si waafi ah uga di'in Sooomaaliya. Gaajo, cudurro iyo barakac ba'an oo ka dhashay ayaana sababay in dalku galo xaalad adag oo macluul qarka u saaran.
In ka badan 800,000 oo qof ayaa tan iyo billowgii sanadkii hore dantu ku kalliftay inay ka barakacaan guryahoodii, abaarta ka jirta Soomaaliya awgeed, sida ay sheegayaan hay'adaha gargaarka, iyadoo tirada dadkana laga cabsi qabo inay kororto oo gaarto ilaa siddeed milyan. Taas oo ka dhigan abaartii ugu darnayd ee soo marta Soomaaliya 40-kii sano ee ugu dambeeyey.
Waxaan safar ka billowday gobolka Gedo, oo aan ku sii maray gobolka Mudug, kuna soo afjaray gobolka Sool ku soo arkay xoolo-dhaqato ay abaartu saameysay, kuwaas oo qaarkood ku qasbanaaday inay gubaan bakhtiga xoolahooda uga le'day abaarta.
Dadkaas waxaa ka mid ah Subeyr Cukur Cali oo ah reer-guuraa aan kula kulmay deegaanka Meeritir oo ka tirsan degmada Dollow ee gobolka Gedo, isaga oo goor subax ah rabaadinta gurigiisa ka ururinaya oo meel isugu geynaya bakhtiga arigii abaartu ka laysay, si uu hal goob ugu gubo.
"Ariga wuu dhammaaday, waa inaan halkan ku gubaa. Markii ay abaarta dhacday waan ka soo guuray tuulada aan degganaa aniga oo heystay labo tiro oo ari ah iyo 10 carruur ah. Ariga intan aad arkeyso waa inta halkan ku dhimatay ee inta kale duurka ayay ku soo dhinteen", ayuu yiri
Wuxuu degganaa tuulada Shillinka oo isla gobolka Gedo ka tirsan, isagoo abaar darteed uga soo guuray halkaas, tuulada uu hadda deggan yahay oo biyo loogu sheegay ayuuna yimid.
Subeyr dayrtii hore ayuu 200 oo neef la yimid webiga Jubba jiinkiisa si uu biyaha ugu soo dhowaado, laakiin markii aan la kulmayay wuxuu dul joogay xero madow isagoo tobankii neef ee u harayna ay mid ka dhimatay intii aan la joogay.
"Sidaas ayay dhammaantood u le'anayaan."
Qoyskan ay xooluhu ka cayrtoobeen waxaa la mid ah degsiimo badan oo ay isku deegaan yihiin Subeyr. Isagu, inkasta oo uu ka xanuunsanayo xoolaha ka le'day haddana waxaa uga sii walwal badan halka ay dadku ku dambeynayaan.
"Duunyo dhammaatay, dadka Ilaah ha badbaadiyo. Hay'adaha iyo dowladda waxaan ka codsaneynaa inay na soo badbaadiyaan," ayuu yiri Subeyr.
Abaartu waa mid dhammaan dalku ka siman yahay. Halkan dabeyl kulul iyo hanfi ayaa ka dhacaysa, waa deegaan ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka mudug. Dhirta ku taal waa soogan tahay siday u dhan tahay oo ma leh wax ay xoolo gooyaan, dadka meel ay uga rogtaan markay waayeen ayaa dantu badday in ay duruufaha la daalaa dhacaan inta awooddooda ah.
Xaliima Cigaal Axmed, waa hooyada qoys labo aqal ka kooban oo aan deegaanka kula kulmay. Waxay nooga warrantay duruufaha ku gadaaman.
"Ariga waxaan u karinnaa quulle. Diraac labaad iyo diraac saddexaad labo sano quulle hiisha dhexdeeda ku jira oo awal hiil ahaan aan u gurnay baan u karinnaa. Geelana galleydaas oo 25 doollar kiishkii yahay baan u karinnaa. Wixii oo dhan cunno bani'aadam bay cunaan," ayay tiri.
Dadkan xoolaha siinaya cunnada lacagta joogta ma haystaan raasumaal ay ugu soo gadaan, ariga macluusha haysa lala tacaalayona maleh neef mac oo sariib tegi kara, waxaana yar inta ay sidan wax ku sii socon karaan.
"Waxaan wax ka helnaa dad qaraabada ah oo magaalada jooga. Tuugsi kama duwana,".
Abaaraha baahey iyo baad la'aanta waxaa dheer biyo yaraanta dalka ka jirta, iyada oo meelaha qaar cabis laga qabo in ay qallalaan ceelashii jiraaga ahaa ee jiilaalka lagu xisaabtami jirey.
Gobolka Sool, oo aan safarkeyga ku soo gebogabeeyay, waxana ku arkay ari ka cabaya Waqdari - ceel jiraa ahaa oo ku yaal gobolka sool - kana mid ahaa kuwa ugu biyaha badan, laakiin waxaa markaas ka dayrinayay raggiii muddo wadaanta la dul joogay.
"Ceelku aad ayay biyihiisu u yar yihiin. Meel ciriiri ah oo fog, waad eegi kartaan baa hadda biyihiisu gaareen. Waxaan ka baqeynaa oommane. Xaaluf ba'an baa jira xilligan hadda lagu jiro oo xooluhu wax ay cabaan ayay waayeen," ayuu yiri mid ka mid ah raggii waraabka ceelka u keenay ariga.
Sida hay'adaha gargaarku sheegayaan, abaartan waxay saamaysay ku dhowaad kala bar dadka Soomaaliya ku nool. Iyada oo laga cabsi qabo in ay siyaaddo macluusha iyo nafaqa dareadda carruurta haysa.
Halista ugu weyna waxay timid kaddib markii la waayey roobabkii di'i jirey afar xilli oo isku xiga. Xaliima Cigaal waxay xusuusataa xaaladihii ay ku jiri jirtey marka xilligan oo geedaha gu'ga la daaqi jirey la joogo
"Waxarta ri'da u dhig. Ariga meel barwaaqo ah ku du. Ciirta lul. Subagga bixi. Adugu aqalka samee." Ayay tiri Xaliimo oo dib u milicsaneysa xilligii barwaaqada.
Waa uun xasuus. Laakiin xilligan la joogo waxaa reer-guuraaga abaaruhu rafaadsheen, subax walba oo cadceed horle soo baxdaba u siyaadaya halista.