Maamulka Jubaland: "Madeira waxa uu ahaa dillaal siyaasadeed"

Xigashada Sawirka, FACEBOOK JUBBLAND
Warqad qoraal ah oo uu soo saaray Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay soo dhaweyneyso waxa lagu sheegay go'aanka masiiriga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaadhay Wakiilkii gaarka ahaa Midowga Afrika u qaabbilsanaaFrancisco Madeira, oo Raysalwasaare Rooble sheegay in dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arrimaha gudaha ee dalka sida ay ku eedeeyeen.
Jubbaland ayaa iyana dhankeeda Madeira ku eedyesyay inuu si dilaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya iyaga uu sheegay in uu ku milmay xaalkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa gudaha Soomaaliya.
" Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dulaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasada gudaha ee dalkeena isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasada ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.Sidoo kale Francisco Madeira, waxaa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubaland sidoo kale waxaa uu ka horyimid heshiiskii Dowlada Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinka 2019ka ee Jubaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubaland aan xal looga gaarin." ayaa lagu sheegay warsxafaadeedkaas oo lagu baahiyey bogga maamulka Jubbland ku leeyihiin Facebook-ga.
Warqadda Jubbaland ay ku taageereyso go'aanka Wakiilka Midowga Afria looga eryey Soomaaliya ayaa lagu sheegay "in Madeira uu in muddo ah ka caga jiidayay howlgallada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM, isagoo meelo badan oo dalka ka mid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha Argagixisada ah" waa sida qoraalka lagu sheegaye.
Habeen hore saqdhexe ayay ahayd markii Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ay soo saareen digniin muddo 48 saacadood guduhooda ah loogu qabtay in uu dalka kaga baxo wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Xigashada Sawirka, Facebook
Wakiilka ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in i aan dalka laga rabin iyada oo lagu eedeeyey in uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadii uu dalka u joogay. Raysalwasaaraha ayaana Midawga Afrika Ka codsaday in u yeedhaan wakiilkooda iyaga oo u hoggaansamaya go'aankiisa, soona dhaweeyey la shaqayn hoggaanka cusub ee ay magacaabi doonaan, sida uu sheegay.
Dhinaca kale, inyar ka bacdi warkaasi, Villa Somalia ayaa baahisay warsaxaafadeed kale oo kaa ka duwan oo ka hor imanaya go'aankii caydhinta ahaa ee Raysalwasaare Rooble.
Madaxweyna ayaa bogaadiyay doorka Nabad ilaalinta ee Midawga Afrika isaga oo intaas sii raacinaya in aanay jirin ogolaansho uu bixiyey oo tallaabo lagaga qaadayo danjire Madeira aannuna waxba kala socon warka soo baxay xafiiska Raysalwasaaraha.
Ma aha markii u horreysay ee xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo kan Madaxtooyadu ay isku khilaafaan go'aamo ka soo baxay xafiisyadooda isla markaana ay kala taageeraan maamul goboleedyadu, waxaa se arrintani u muuqataa khilaaf hor leh, xilli dalku marayo xaal doorasho, taas oo dhawr jeer oo hore dib u dhac ku yimi.










