Maxay tahay sababta aysan hooyo Faadumo u gudeyn gabdhaheeda?

Gudniinka gabdhaha ayaa ka jira dalal badan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gudniinka gabdhaha ayaa ka jira dalal badan

Gudniinka fircooniga waxaa uu ka mid yahay caadooyiinka laga isticmaalo wadamo badan oo caalamka ka mid ah.

Dhulalka ay Soomaalida degaan ayaa ka mid h goobaha hablaha lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah.

Waxaa meelo badan oo caalamka ka mid ah sanooyiinkii u dambeeyay laga waday wacyigalino ku saabsan halista gudniinka fircooniga.

Sida ay sheegeen qaar badan oo ka mid ah hablaha lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah waxaa ay kala kulmaan dhibaatooyiin badan.

Sida ay sheegtay hay'adda WHO, in ka badan 200 oo milyan oo gabdhood ayaa sanad walba lagu sameeyay gudniinka fircooniga ah 30 dal oo ku yaalla Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya, halkaas oo looga dhaqmo gudniinka Fircooniga ah.

Dalka Soomaaliya marka loo eego Sahanka Caafimaadka dadweynaha ee la sameeyay 2020, 99 boqolkiiba dumarka ay da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 49 ayaa lagu sameeyay gudniinka Fircooniga ah.

Hablaha inta badan lagu sameeyo ayaa waxay da'dooda u dhaxeysaa 5 ilaa 9 jir.

Mid ka mid aaladaha lo isticmaalo gudniinka

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Mid ka mid aaladaha lo isticmaalo gudniinka

" Aniga farxad ma arag arooskeygii"

Faadumo Maxamed oo ah hooyo dhashay 6 gabdhood ayaa sheegtay in gabdhaheeda marnaba aysan ku sameyn doonin gudniinka fircooniga.

Waxaa ay inta ku dartay in ay dhibaatooyiin badan kala soo kulantay gudniinka fircooniga ah islamarkana aysan doonayn in hablaheeda ay maraan dhibaatadii ay martay.

"Maadaama aan aniga wax badan ka fahanay dhibaatadii gudniinka naga soo gaartay aniga hadda ma dhahayo dhibaatadii i soo martay in aan ilmo aan aniga dhalay ku sameeyo mana dhici doonto , 5 gabdhood ayaa ii joogta haddii aan noolahay-na kuma sameyn doono" ayay tiri hooyo Faadumo.

Hooyo Faadumo Maxamed ayaa hoosta ka xariiqday in xitaa xilligii ay guursanaysay ay dhibaato badan kala soo kulantay gudniinka fircooniga.

"Dhibaatooyiinka waxaa ugu horeeya caadada, arooska ayaa ku xiga, dhalmada ayaa ku jirta," ayay tiri hooyo Faadumo.

Faadumo Maxamed ayaa sheegtay in xilligii la guursanayay ay dhibaato badan la kulantay islamarkana ay taasi sababtay in seygeeda ay ka cararto.

" farxad aniga arooskeygii ma arag koley dadka damiirka waa loo kala dhashaa laakiin farxad aan arooka ku arkay ma jiro ilaa 30 sano aniga nin waan ka ordi jiray," ayay intaa ku dartya.

Faadumo Maxamed ayaa xustay in hablaha xiliga dhalmada iyo foosha ay la kulmaan dhibaatooyiin badan oo horseedo gudniinka fircooniga.

"Dhibaatadii aan aniga soo maray wixii aan aniga dhalay inaan ku sameeyo diyaar uma ahi aniga qudheyda 30 bari ayaa dhiig iga socday, " ayay tiri faadumo.

Balse waxaa fikir taa kaa ka duwan qabta hooyo Saynab Aadan Jaamac oo iyadu taageersan gudniinka fircooniga ah.

"Waan aaminsanahay amaba fikirkeygu aad ayuu ula dhacsan yahay gudniinka hablaha in lagu sameeyo, waxaa weeyaan habluhu barigii hore iyo waqtiga aanu imika joogno fikradeyda waxaan aaminsanahay in uu ku wanaagsan yahay gudniinka fircooniga " ayay tiri Faadumo.

Hooyo Faadumo ayaa dhanka kale rumeysan in gudniinka fircooniga uu xitaa qeyb ka qaato xishoodka hablaha.

"Hamigaasi hoose u dhacay xishood ayay kala kulmi jireen oo way xishoon jireen oo ragga way ka baqi jireen, waxay isu arkayeen in ay yihiin gabdho asturan ka dambeeya inamada,"ayay intaa ku dartay.

Balse dhakhaatiirta caafimaadka ayaa dhankooda ka digay dhibaatada caafimaad ee uu hablaha ku yeelan karo gudniinka fircooniga.

Dhibaatada caafimaad ayay dhakhaatiirta sheegeen in ay isugu jirto mid maskaxeed iyo mid dhanka jirka ah oo hablaha la guday sanooyiin badan ay la noolaadaan.