"Waxkasta ayaan ku waayay xanuun baabi'iyahii 20-ka xabo ahaa ee aan malinkasta qaadan jiray"

Atariishada lagu magacaabo Stacey Dash ee u dhalatay Mareykanka ayaa sheegtay inay "lumisay wax walba" ka dib markii ay la qabsatay isticmaalka kiniinnada xanuun baabi'iyaha ah.

Waa 54-jir caan ku ah filimka Dionne Davenport ee majaajillada ahaa ee 1995-tii, ayaa TV-ga Mareykanka u sheegtay inay hal mar isticmaaleysay ilaa 20 kaniini maalintiiba gaar ahaan kaniinka loo yaqaan Vicodin.

Iyadoo ka hadlaysay barnaamijka Dr Oz Show, waxay tiri: "Waxaan qaadan jiray 18-20 kaniini maalintii."

"Kaniinkaasi soo qaali ma ahan," ayay ku tiri martigeliyaha barnaamijka, "Haa, ayay ugu jawaabtay ka hor inta aysan atariisho Dash ilmeyn : " Wax walba waan lumiyay."

Dash, oo waalidkeed ay sidoo kale ay wajahayeen dhibaatooyin la xiriira balwada, ayaa sheegtay inay dhowaan u dabbaaldegtay shan sano oo miyir qab ah.

"Farxadda ugu weyn ayaa ah inaanan kaliya awood u yeelan inaan daacad u ahaado naftayda oo aan noqdo qof wanaagsan."

"Waxaan sidoo kale awood u yeeshay inaan fahmo waalidkeyga iyo inay i jeclaayeen, oo ay sameynayeen intii karaankooda ah iyagoo weliba xanuunsan. Waxay lahaayeen balwad." ayay tiri.

Xanuun baabi'iyaha Vicodin waa kaniin caan ah oo ka mid ah dawooyinka dhakhtiirta ay qoraan waxa uu ka kooban yahay hydrocodone iyo paracetamol waxaana loo isticmaalaa in lagu daweeyo xanuunka dhexdhexaad ah iyo kan aadka u daranba.

Dawooyinka loo yaqaanno "xanuun baabi'iye' waxay noqon karaan kuwo nolosha baddala'

Cilmi baaris ayaa muujineysa in mid ka mid ah 10-kii qofba uu raadiyo kaniin xanuun baabi'iye ah oo muddo jirkiisa ku jiri kara, taas oo keeneysa in kaniinnada aadka u culus ay liqaan.

Khuburada ayaa hadda ku dodaya in la joojiyo tukaamada yaryar iyo farmeshiyada iibiya xanuun baabi'iyaha hooseeya, iyadoo dhaqtar uusan qorinna siiya dadka doonaya.

Wuxuu sheegay in xitaa dawooyinka tayadoodu hooseyso ay noqon karaan kuwo ay dadka la qabsadaan, waxyeello caafimaadna u geysan karaan aayaha dambe ee dadka isticmaala, sida inay matagaan iyo dawakhaad.

Dr Cathy Stannard, oo ah lataliye dhinaca xanuunnada ah oo ka tirsan xarunta NHS Gloucestershire ee UK, islamarkaana horay u fulisay daraasad lagu sheegay in 10-kii qof ee kaniinnada xanuun baabi'iyaha qaadata uu mid ka mid ah kaliya ku faa'iido, ayaa sheegtay inay taageersan tahay arrinta ku saabsan in dib loo fakaro.

"Waxaan u maleynayaa inaan si xad dhaaf ah u qaadanno dawadaas. Dhakhaatiirta qoysaska ma helaan wakhti ay uga sal gaaraan dhibaatooyinka heysta bukaannada.

"Dadka qaarkii, kaniiniga "xanuun baabi'yaha", waxay u noqon karaa kuwo baddala noloshooda, laakiin kuwo badan waxba uma taro, ayey tiri".

Laakiin waxay intaas ku dartay in dhibaatooyinka laga arkay UK gudaheeda aysan gaarsiisneyn heerka kuwa ka jira Mareykanka, halkaasoo ay ku bateen dhimashooyinka ay sababaan dawooyinka.