Afghanistan: Shaqsiyaadka caanka ah Afghanistan oo wali dagaal kula jira Taliban?

Amrullah Saleh,

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Amrullah Saleh,

Qaar ka mid ah shaqsiyaad caan ah ayaa wali ka sii wada dalka Afqaansitaan dagaal ay kaga hortagaayaan kooxda Taliban, oo imika gacanta ku haysa dhammaan dalkaasi.

Amrullah Saleh, madaxwayna ku xigeenkii dowladii xukunka laga tuuray, ee uu hoggaaminayay Ashraf Ghani, ayaa ku sugan dooxada wuqooyiga bari ee dalkaasi ee Panjshir.

Waxaa Saleh isbahaysi la sameystay hoggaamiye goboleed lagu magacabo, Axmad Massoud.

Talaadadii, Saleh ayaa sheegay in uu yahay sii hayaha xilka madaxwaynaha ka dib markii Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.

Axmed Massoud, oo aabihii Axmed Shah Massoud uu ahaan jiray siyaasi caan ahaa, wuxuu ka mid ahaa raggii hoggaamin jiray dagaalkii ka dhanka ahaa Taliban, ka hor inta aan la dilin.

Ahmad Shah Massoud ayaa la dilay labo maalmood ka hor weerarkii 11 September 2001 ee lagu qaaday Mareykanka.

Hadda wiilkiisa, Ahmad Massoud ayaa muuqaal uu soo dhigay Facebook ku sheegay in uu ku sugan yahiin Panjshir, dad badanna ay garab ka haystaan.

Dooxada Panjshir ayaa ahayd goob saldhig u ahay dagaalyahandii ka soo horjeeday Soofiyeedka 1980-maadkii..

Kooxda Taliban ayaa dhidibada u sii aasaysa awoodeeda dalkaasi ka dib markii ay dhawaan la wareegeen madaxtooyada Afghanistan ee Kabul ku taalla.

Magaalada Jalalabad, waxaa ay si adag uga hortageen dibadbax looga soo horjeeday Taliban, halkaas oo sida la sheegay ay ku toogteen tiro dad ah.

Waxaa sidoo kale jiro warar sheegaya in gobolka Kunar lagu dhaawacay illaa 3 dhilinyaro ah.

Joe Biden

Xigashada Sawirka, EPA

Dhanka kale madaxwaynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku sii sugnaan donaan Afghanistaan, illaa waqtga kama dambeysta ee loo qabanayo, iyo in haddii loo baahdo waqti dheeraad si qof walba oo Mareykan ah oo dalkaasi ku sugan halkaasi looga soo saaro.

Wareysi uu siiyay telefishinka ABC News, Joe Biden waxaa uu ku sheegay in Taliban ay fasaxayaan dadka Mareykanka ah in ay dalkaasi ka so baxaan, balse ay dhibaato kala kulmayaan sidii dalka looga soo saari lahaa dadka reer Afqaanistaan ee Mareykanka horey ula soo shaqeeyay.

Waxaa lagu qiyaasay tirada dadka doonaya in dalkaasi laga soo saaro 80,000 oo qof oo isugu jira muwaadiniin Amerikan ah iyo afqaanistaaniyiin.