Sida aroos been abuur ah la iiga dhacay $250,000!

James and Irina

Markii nin u dhashay Britain kana shaqeeya arrimaha samaflka uu guursaday haweeney dhalinyaro ah oo Ukraine ka soo jeedda, wuxuu u maleynayay inay nolol cusub ku sameysan doonaan Odessa oo ah magaalo k taalla Ukraine balse wuu khaldanaa. .

Wuxuu 52 jirkan ku faraxsanaa inuu arko gacalisadiis Irina, oo ku sugeysay banaanka maqaayad ku taalla xeebta Badda Madow ee Ukraine. Waxay isaga ka yar tahay 20 sano, si cajiib ah ayay u soo lebisatay, timaheeda casuusta lehna markaas ayay ka soo hagaajisatay koofeerka.

Waxaa meel aan ka fogeyn ku sugnaa dad uu James u heystay inay yihiin waaliddiinta Irina iyo 60 qof oo marti la soo casuumay ahaa.

James ayaa ka soo degay gaariga dadkii sugayay ayaana sacabbada u tumay.

Waxay ahayd July 2017, markii uu xagaaga ka bilaabanayay Odessa, miisaskana waxaa la dhigay meel badda ka soo horjeedda.

Villa Otrada the wedding venue

Saacado kaddib, James iyo Irina waxay akhriyeen wacadka arooskooda.

Balse waqtigii la rabay inuu noqdo mid farxad ay ku dheehan tahay, ayaan sidii loo maleynayay noqon. Saq dhexe habeenkii, James wuxuu keligiis ku sugnaa isbitaalka, isaga oo la xanuunsaday cabitaan laga shakiyay. Wuu guursaday balse ma ahayn haweeneydii uu jeclaa. Waxay ahayd gabahdii qabanqaabisay arooska lammaanaha.

Tani waa sheeko ku saabsan sida nin u dhashay Britain uu u waayay hantidii uu noloshiisa keydinayay, iyo sidoo kale sumcaddiisii. Iyo sida waaxda caddaaladda Ukraine aysan waxba ugu qaban.

James ma aha magaciisa saxda ah.

Wuxuu dareemayay yaxyax cid ku sugan UK uma uusan sheegin sheekadiisa, xitaa qoyskiisa. BBC-da ayaa wixii dhacay ka xaqiijisay dokumentiyada bankigiisa, keydkiisa, farriimaha teleofonka gacanta, iyo wareysiyo lala yeeshay dad badan oo arrinta ku lug lahaa.

Mala awaalka Sherlock Holmes?

Waa calaamad muujineysa dharka nin xiran koofiyad iyada oo tubbo ay ka soo jeeddo laamiga Waddada Lanzheronivska ee bartamaha Odessa.

Sherlock Holmes profile

La raac fallaarta jaallaha iyo madowga isugu jirta waddada ilaa maxkamadda, waxaad gaareysaa xafiiska Robert Papinyan, oo ah baare madax bannaan.

Ninkan oo booliis hore ahaan jiray waa qof si fiican u lebisan, wuxuu leeyahay timo la madoobeeyay. Wax walba si fiican ayay u habeysan yihiin. Waxaa yaalla xusuus-qoraalka geesiga mala awaalka ah ee Sherlock Holmes, kaararka Sherlock Holmes, codka telefoonka ugu xiranna sida ay Soviet TV u yaqaannaan Sherlock Holmes.

Mr Papinyan with more Sherlock pictures

"Lama shaqeyno booliiska, waxaan adeegsannaa habab cilmu-nafsi ah," ayuu yiri. "Lacagtan si sharci darro ah ayaa loo qaatay, sidaas darteed waa inaan adeegsannaa habab sharci darro ah oo lagu soo celinayo."

Short presentational grey line

Waddada Deribasovskaya iyo xafiiska Mr Papinyan ee Odessa waxaa u dhaxeeya hal dhisme. Waa faras-magaalaha, waxaana ku yaalla maqaayado iyo baarar.

Haddii aad fiidkii lugeyso waxaad arkeysaa rag galbeedka ka soo jeeda oo la caweynaya haween Ukraine u dhashay oo aad uga da' yar, waxaana kursiga ku dheggan saaran haddiyado qaali ah.

Ukraine waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan Yurub, iyadoo dad badan ay bishii soo gasho $350 (£247). Waxaa aad ugu badan shukaansiga baraha internet-ka iyo kan fool ka foolka ah, iyadoo ragga reer-galbeedka ay kumannaan kun oo doollar ku bixiyaan si ay ula kulmaan haween Ukraine u dhashay oo da' yar kuwaas oo xaas u noqda.

Balse James wuxuu sheegay inuusan Odessa u tegin isaga oo raadinaya jaceyl.

Wuxuu ahaa nin samafalka ka shaqeeya kuna nool UK, saaxiibkiis ayaa sanadkii 2015 weydiistay inuu ka caawiyo hirgelinta mashruuc cusub oo lagu caawinayo carruurta ka soo qaxaysa dagaalka ka socda bariga Ukraine. Dalka labaad ee ugu weyn Yurub wuxuu galay isbeddel, Ruushka ayaana kaga falceliyay taageeridda koox mucaarad ah.

In dibadda laga shaqeeyo way ku cusbeyd James, balse wuu u bareeray isaga oo ay caawineysay turjumaanad lagu magacaabo Julia. Bilooyin dhowr ah wuxuu u dhaxeeyay shaqadiisii mutadawacnimada ahayd ee Odessa iyo tiisii UK.

Kaddib Gu'gaas, waxaa hakad gashay shaqadoodii Odessa. Ma jirin wax badan oo la qabto, sidaas darteed Julia waxay soo jeedisay in James uu jeclaan lahaa in casho ay isku raacaan mid ka mid ah saaxiibbadeed.

Saaxiibtaas waxay ahayd Irina. Waxay xilligaas jirtay 32 sano, waxayna ka soo jeeddaa Donetsk, oo ka mid ah magaalooyinka ku yaalla bariga Ukraine ee ay haatan heystaan dagaal-yahannada uu Ruushku taageero. Waxaa durba caddaatay in dhibaatadii ay soo martay aysan keliya ku ekeyn inay ka soo qaxday dagaalka.

"Waxay isla markii iiga sheekeysay labo guur oo ay soo martay iyo sida aysan mar dambe u guursan nin Ukraine u dhashay," ayuu yiri James.

Irina and James

Waxaa u dhaxeysay 20 sano balse James ayaa sheegay inay aad isku fahmeen. Lammaanaha ayaa dhowr habeen oo is xig xigay caweys u aaday maqaayadaha Odessa.

James wuu la dhacsanaa Irina, balse weligood iskuma keliyeysan. Irina waxay ku hadli jirtay Ingiriis yar halka James uusan aqoon afka Ruushka iyo kan Ukraine midna. Si la mid ah sida goobaha lagu caweeyo ee Odessa ay u joogaan turjumaanno, Julia, ayaa iyaga mar walba la joogtay - waxayna maalintii qaadaneysay $150 (£107).

"Xoogaa waa laga fiican yahay in qof uu ku soo celiyo wax walba oo la sheegay. Balse waxaa jiray wax isku keen soo jiidaya," ayuu yiri James.

Markii ay kala maqnaayeen, wada hadalku wuu fududaa. Waxay ku sheekeysan jireen barta farriimaha ee Viber, oo lahayd aalad wax tarjunta.

"Waxaad i siisay nolol dhab ah. Taasna wada ku mahadsan tahay… Waan ku rumeysanahay. Inaad i siin karto farxaddan. Waan ku jecelahay," ayay ku tiri mid ka mid ah farriimaha ay u dirtay James.

Lixdii bilood ee xigay, lammaanaha cusub ayaa is arkayay mar walba oo uu James aado Odessa. Waxay iskula caweyn jireen Opera House oo ay casho qaali ah ka soo wada cuni jireen.

Julia and Irina on a night out with James at the opera
Qoraalka sawirka, Julia iyo Irina iyo James oo ku wada sugan opera

Balse isu soo dhowaansho kale, xitaa shumisku wuu xaddidnaa. Turjumaanad Julia ayaa mar walba la joogtay sidoo kalena waxay Irina u sheegtay inaysan dooneyn inay isu soo dhowaadaan kahor guurka.

"Waxaa is ir: 'Taas waa han aad u sarreeya'," ayuu yiri James. "Xaqiiqdii si wanaagsan ayaa loo soo barbaariyay."

Wuxuu mehersaday Irina

Siddeed bilood kahor arooska, lammaanaha ayaa isla goobta Villa Otrada ku qabsaday xaflad doonasho ah. Waa muuqaal muujinaya James iyo Irina oo si tartiib ah qoob ka cayaar u sameynaya. Wuxuu u muuqdaa qof aan xasilooneyn, iyadana waxay u dhoolla caddeyneysaa oo ay u gacan haatineysaa kaamirada. Waxay ahayd November 2016, 11 bilood kaddib, kulankoodii ugu horreeyay.

Engagement ring

James wuxuu sheegay inuu jaceyl u qaaday Iirina balse uusan ka war heyn heerka uu la ek yahay dareenka Irina.

"Waxay dareentay inay ku xanniban tahay dalkeeda," ayuu yiri.

"Aad ayay u caqli badneyd waxayna dooneysay inay mustaqbal ka sameysato meel ka baxsan Ukraine. Waxay ahayd arrin aan wada daneyneynay."

James wuxuu bilaabay inuu Irina ka bixiyo barashada Ingiriisiga. Wuxuu rajeynayay inay waddada u xaari doonto inay isla degaan UK. Balse kaddib markii ay dhowr jeer la hadleen saraakiisha safaaradda, waxaa caddaatay inay taasi ay u adag tahay.

"Waxay qaadan lahayd dhowr sano," ayuu yiri James.

Sidaas darteed wuu beddelay qorshaha, isgaoo go'aansaday inuu u soo wareego Ukraine uuna nolol cusub la bilaabo Irina. Wuu ka soo tegay shaqadiisa gurigiisana wuu iibiyay, waxayna isaga iyo Irina bilaabeen inay guri ka raadsadaan Odessa.

"In guri la iibsado ayaa la filayay," ayuu yiri, "sababtoo ah xoogaa hubanti ah ayay siineysay xiriirka. Saaxiibbadeyda UK waxay u maleynayeen inay tahay tallaabo aad u weyn balse way ku faraxsanaayeen inaan mustaqbal sameysanayo."

Xaqiiqdii, dhibaatooyinka ayaa markaas u bilowday James.

Dabaqa

In lacag laga soo diro UK oo loo diro Ukraine marna ma sahlaneyn. Ukraine waa mid ka mid ah dalalka ugu musuqmaasuqa badan Yurub waxaana ka dhacay fadeexado badan oo bankiyada la xiriira. Xakameynta lacag is daba marintu waxay la micno tahay in la xaddiday caddadka lacagta la diray, in la diro lacag aad u badan ayaana soo jiidaneysay indhaha.

Sidaas darteed lama uusan yaabin James markii Irina ay soo jeedisay qorshe aan caadi ahayn oo Ukraine loogu soo dirayo lacagtiisa $200,000 (£141,000) ahayd ee guriga lagu iibin rabay.

Beddelkii lacagta lagu shubi lahaa akoonka Irina, James waxaa loo sheegay inuu lacagta ku diro akoonka shirkadda saaxiibteed Kristina, oo arooska qaban qaabineysay.

Kristina the wedding planner

Inkastoo xoogaa shaki ah uu jiray, James wuxuu lacagta ku diray akoonka Kristina. Markii ay lacagtu gaartay Ukraine sheekadu way is beddeshay.

Irina waxay James u sheegtay in bankigu uusan lacagta fasaxeynin haddii uusan si sharci ah u qabin Kristina.

James wuxu galay xaalad aan caadi ahayn. Iyadoo ay maalmo yar uun ka dhiman tahay Irina waxay ugu hanjabtay inay ka noqon doonto arooska haddii aan lacagta la fasixin oo aysan helin guriga ay ku noolaanayaan.

"Waxaan ku suganahay jahwareer xun," ayay Irina ku tiri farriin ay ugu dirtay Viber. "Ma waxaa rabtaa inaan qaraabadeyda ula muuqdo qof jirkeeda ka ganacsata."

"Waxaa la iigu hanjabay in ilaa 60 marti ah ay imaan doonaan arooska ayna i garaaci doonaan haddii aan oggolaan guurka sababtoo ah waxaan liidayaa Irina, ayuu yiri James.

"Waxaa la ii sheegay in furitaanka Kristina kaddibna aan guursado Irina ay tahay wax fudud oo la sameyn karo."

Sidaas darteed Jimcihii 10 July 2017, isaga oo dhiirrigelin ka helaya gacalisadisa Irina, James wuuxu guursaday gabadhii arooskooda qorsheyneysa ee Kristina Stakhova.

Irina way bood boodeysay, ayuu yiri James, "way faraxsaneyd markan".

Markan lacagta waa la fasaxay, isla galabtaas waxay Kristina iyo Irina ku dhawaaqeen in dhammaan $200,000 lagu bixiyay guriga. Wuxuu markii dambe ogaaday in qiimaha guriga uu ahaa $60,000 (£42,310) isla markaana uusan isaga keliya lahayn, ee ay la lahayd gabadhii uu sida sharciga ah u guursaday (qaban qaabiyaha arooska) Kristina.

"Doqon ayaan ahaa," ayuu yiri James.

Goobtii arooska

Maalin kaddib markii uu guursaday Kristina, gaariga James wuxuu Irina ka soo qaaday Villa Otrada. Qorshihiisa wuxuu ahaa inuu sameeyo wax walba marka laga soo tago waxyaabaha sharciga ah ee la marayo - in guurku dhaco kahor inta uusan ka fekerin furitaanka Kristina isla markaana uusan si sharci ah u guursan Irina.

Sidii caadiga ahayd James ayaa wax wlaba bixiyay.

Ukraine waa dal maciishaddiidu jaban tahay, balse kama garan kartid kharashka arooska ee $20,000 (£14,100) ah ee ay Kristina ku soo dallacatay James.

Wedding bill itemised

James hadda wuxuu garowsaday in wax walba oo ku saabsanaa arooska ay ahaayeen khiyaano loo degay.

Qiimaha waa la buun buuniyay, 60-ka marti waxay u badan tahay in lacag lagu siiyay inay goobta yimaadaan, xitaa hooyada Irina waxaa caddaatay inay ahayd hooyada Julia. Wuxuu ahaa qofka keliya ee arooska ka qeyb galay ee u heystay inay wax walba run yihiin.

James xilligaas ma uusan ogeyn, balse gacalisadiisa Irina waxaa qabay nin. Dukumentiyo ay BBC-du heshay ayaa waxay muujinayaan inay is qabaan Andriy Sykov tan iyo bishii August 2015, saddex bilood kahor inta aysan la kulmin James.

Kristina, qaban qaabiyihii arooska, sidoo kale nin ayaa qabay, kaas oo lagu magacaabo Denys, balse isaga xitaa qeyb ayuu ka ahaa qorshaha. Dokumentiyada ayaa muujinaya in Kristina iyo Denys ay kala tageen saddex toddobaad kahor inta aysan saxiixin guurka James. Markii uu dhammaaday arooskii khiyaanada ahaa, waxay dib u guursatay Denys.

Fiidnimadii maalintii arooska, oo uu James rajeynayay inay isu soo dhowaan doonaan isaga iyo Irina, wuxuu rumeysan yahay inay goobta ka jiidday qof uu u maleynayay inay ahayd hooyada Irina.

"Waxay i siineysay cabitaanno aan hadda hubo inay wax ku jireen, rabshad ayaan sameynayay waana la i qaaday." Ayuu yiri.

James wuxuu habeenkaas ku hoyday isbitaalka. Irina ayaa diidday inay raacdo maalintii xigtayna waxay ku eedeysay inuu khamri iska badiyay isla markaana uu qoyskeeda horteeda ku ceebeeyay.

Toddobaadyadii xigay Irina way ka fogaatay James, iyadoo sheegtay inay la soo derseen xaalado caafimaad balse uusan James ku booqan karin isbitaalka.

"Isbitaalka ayaan ku jiraa mana imaan kartid sababtoo ah ninkeyga ma tihid." Irina ayaa sidaas ku tiri farriin ay James ugu dirtay barta Viber. "Sida saxda ah xaaskaaga waa Kristina. Sidaas darteed waxaa keliya ila joogi karta hooyadey."

James wuxuu weli u diray $12,000 (£8,460) si ay kharashka isbitaalka isaga bixiso..

Isla markiiba sheekadii khiyaanada halkaas ayay ku dhammaatay. Gabar Ukraine u dhalatay ayaa arrinta so fara gelisay, waxayna James u sheegtay in qiimaha dhabta ah ee gurigiisa uu yahay $63,000 (£44,632).

The apartment in Odessa
Qoraalka sawirka, Guriga uu James ka iibsaday Odessa

James wuxuu markii dambe ogaaday in haweenku ay ka dhaceen lacag gaareysa $250,000, taas oo ahayd saddex meelood ka laba keydkii hanti ee uu heystay.

"Waan qarracmay" ayuu yiri. "Wax bani'aadamku fahmi karo maaha in dhammaan dadkan ay sidaas u dhaqmi doonaan."

Tatyana waa tarjumaanad isku dayday inay James ka caawiso inuu helo wixii ka haray lacagtiisa.

"Sanad kasta waxaan maqalnaa sheekooyinka dad lagu dhacay Odessa balse tan baaxaddeedu way ka duwan tahay," ayay tiri.

Caddaalad la'aan

James kama uusan qaadin walbahaar aad u daran. Taas beddelkeed, wuxuu diiradda saaray inuu lacagtiisa soo ceshto, isla markaana uu caddaalad helo.

"Waxaan heystay dhammaan dukumentiyada bankiga ee aan lacagta ku bixiyay, farriimihii Viber ee aan is dhaafsannay," ayuu yiri. "Waxaan hubay in la xallin doono."

Balse wuu ku hungoobay hannaanka caddaaladda ee Ukraine. Afar jeer ayuu u tegay booliiska Odessa, isaga oo wixii dhacay u sheegay lana wadaagay caddeymihii uu hayay.

"Mararka qaar way igu qoslayeen," ayuu yiri.

Booliiska Ukraine, gaar ahaan Odessa, sumcad fiican kuma laha wax ka qabashada dembiyada, muhiimadna ma siiyaan.

In booliisku uu wax xalliyo waxaa mararka qaar loo baahnaa in la laaluusho, taas oo uu James diiday.

Booliiska ayaa u yeeray Irina iyo Kristina si ay su'aalo u weydiiyaan, balse wax dacwad ah laguma soo oogin.

Waxaanu la xiriirnay booliiska Odessa balse way diideen inay ka jawaabaan kiiska James.

Keliya waxaa James u suurto gashay in keligiis lagu qoro guriga oo qiimihiisu ahaa $63,000, kaddib markii uu fashilmay aroskii isaga iyo Kristina. Wuxuu rajeynayaa in qiimihiisu uu kordho marka laga baxo xanuunka safmarka ah ee Covid. Balse marnaba uma dhowaan doono lacagtii $200,000 ee ka baxday.

Cayaarta ayuu dhankiisa ka galay

Maaddaama aysan booliisku dan ka lahayn kiiskiisa, wuxuu James qandaraas la galay Robert Papinyan, oo ahaa dembi baare madax bannaan oo ku nool Odessa.

"Waan isku daynay booliiska iyo inaan wax walba u marno si sax ah," ayuu yiri James.

"Nasiib darro waa inaad cayaarta dhankaaga ka gashaa."

Waa inaad baaraha u horumarisaa $3,000 (£2,115), iyo 30% lacag walba oo la soo celiyo.

Hababka uu adeegado Mr Papinyan ma aha kuwo qarsoon. Wuxuu si bareer ah noogu sheegay in "caga jugleyn" ay ka mid tahay waxyaabaha uu adeegsado.

Mr Papinyan

Markii aan booqannay xafiiskiisa, saddex nin oo xoog leh ayaa hor fadhisay xafiiskiisa. Mr Papinyan wuxuu aaminsan yahay in haweenka lagu qasbay arrinta oo ay wateen raggii qabay.

Mr Papinyan ayaa na siiyay nambarradooda si aan u wacno. Ninkii ay Kristina is guursadeen labada jeer ee Denys wuxuu inoo soo diray sawirrada gaari uu sheegay inuu daba socday wuxuuna ka cabanayaa in ragga Papinyan ay yihiin kuwo dadka dhaca.

Seyga Irina, Andriy wuxuu ku jawaabay in wax la isku khalday isla markaana uu nambarradeenna u gudbin doono xaaskiisa. Weligeed nalama so xiriirin balse weli magaceeda ayaa ku jiro baraha internet-ka ee la isku shukaansado. Waxay isku diwaan gelisay inay tahay haweeney carruurta xannaaneysa oo carmal ah waxayna ballan qaadday, "Wadnahayga waxaa iska lahaan doona hal nin oo keliya."

James oo UK, ku sugan ayaa haatan farriimaha Viber-ka oo la tarjumay u dira Papinyan intii uu u diri lahaa Irina. Wuxuu weli rajeynayaa in lacagtiisii qaarkeed ay u soo laaban doonto.

"Wiilasheyda waxay joogeen magaalada Chernomorsk (oo u dhow Odessa), labo toddobaad kahor," ayuu ku yiri farriintii uu baaraha gaarka ah ku soo diray Viber-ka.

"Waxaan Irina ku aragnay guriga agtiisa. Waxaan siinnay ilaa 20-ka June si ay u xalliso dib u bixinta deynta."

James wuxuu haatan helay shaqo kale oo samafalnimo ah wuxuuna isku dayayaa inuu hore u socdo. Sababaha uu u diidayo in aan la ogaan sheekadiisa waxaa ka mid ah in madaxdiisa ay ka war helaan. In lagaa dhaco lacag aad u badan uma roona CV-gaaga.

"Xitaa qoyskeyga uma sheegin waxa dhacay, way ka murugoon doonaan uun."

James wuxuu sheegay inuu go'aansaday inuu sheekadiisa la wadaago BBC-da si uu dadka kale uga digo inay jaceyl u doontaan Ukraine.