Israa'iil iyo Falastiin oo heshiis xabbad joojin gaaray

Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ayaa heshiis xabbad joojin ah ka gaaray dagaalki Qaza ka billowday 11-ka May ee uu ka dhashay qasaara naf iyo maalba leh.

Golaha wasiirrada Israa'iil waxay xaqiijiyeen iney heshiis xabbad joojin ay la gaareen maleeshiyaadka Falstiiniyiinta si dagaalka tobanka maalmood socday loo joojiyo.

"Golaha amniga siyaasaddu waxay si aqlabiyad leh u aqbaleen soo jeedintii dhammaan saraakiisha amniga, amniga gudaha (Shin bet), amniga dibadda (Mossad), iyo madaxa golaha amniga qaranka, ee ahayd in la aqbalo hindisaha Masar ee xabbad joojinta shuruud la'aanta ee labada dhinac ah oo goor dambe hirgeli doonto" ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golaha wasiirrada Israa'iil.

Sarkaal ka tirsan ururka Xamaas oo wakaaladda wararka ee AP u warramay wuxuu saheegay xabbad joojinta ay Israa'iil ku dhawaaqday ay ka dhigan tahay 'guul' shacabka Falastiin u soo hoyatay iyo guul darro soo gaadhay ra'isal wasaaraha Israa'iil Banjamin Natanyahu.

Cali Barakeh wuxuu sheegay iney maleeshiyaadka Xamaas ay feejignaan ku jiri doonaan ilaa ay dhexdhexaadiyeyaashu ay dhammeystiraan faahfaahinta heshiiska xabbad joojinta iyo meel markiisa intaba.

Wararka waxay intaasi ku darayan marki ay Israa'iil xabbad joojinta ku dhawaaqday wax yar un kaddib mulatariga Israa'iil waxay sheegeen in Koonfurta Israa'iil laga maqlayey digniinaha gantaalaha dhanka Qaza laga soo tuuraya.

Warbaahinta Falastiiniyiiintana waxay sheegay iney diyaaradaha Israa'iil duqeyma horleh ka billaabeen marinka Qaza.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu isna xaqiijiyey dagaalka Israa'iil-Qaza in xabbad joojin laga gaaray. Wuxuuna markale sheegay Mareykanka inuu Israa'iil taageerayo si ay isaga difaacdo kooxaha aragagixisada ah.

Biden wuxuu intaa ku daray Mareykanka oo kaashanaya qaramada Midoobay iney ka go'an tahay sidi gargaar bani aadaminimo loo gaarsiin lahaa Qaza iyo inuu ka qayb qaato dadaallada looga jiro dib u dhiska deegaannadaasi.

Qasaaraha dagaalka ka dhashay

Dagaalka 11-ka maalmood dhex marayey Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ee sababay dhimashada iyo burburka wuxuu xasilooni darro uu ka abuuray bariga dhexe.

Inta uu dagaalkaasi socday qasaaraha ka dhashay tirakoobka lagu sameeyay waxay lagu ogaaday:

  • Ugu yaraan 232 Falastiiniyiin ah oo ay 65 yihiin carruur in lagu dilay tani iyo marka uu dagaalka billaawday. Halka Israa'iilna dagaalkaasi ay uga dhinteen 11 qof oo 2 ka mid ah ay carruur yihiin.
  • 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keli ah 11 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay oo ay 7 ka mid ah yihiin dad rayad ah iyada oo ay dhaawacmeen 190 qof oo kale.
  • Hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga waxay sheegtay marinka Qaza iney ka qaxeen 91,000 oo qof.
  • Wasaaradda guriyeynta ee Qaza waxay sheegtay 16,800 oo guri inuu dagalkaasi waxyeello u geystay, 1,800 oo gurina ay noqdeen kuwa aan lagu nolaan karin, 1,000 gurina ay gabi ahaanba burubureen.
  • Xafiiska warbaahinta Xamaas wuxuu sheegay duqeymaha diyaaradaha Israa'iil iney geysteen qasaara lagu qayaaso $40 malyan oo doolar.
  • Mulatariga Israa'iilna waxay sheegeen 4,300 oo gantaal in marinka Qaza looga soo riday Israa'iil. 90% gantaalahaasina ay kaga hortageen nidaamka gantaalaha looga hortaga ee Iron Dome.
  • Ururka waxsoosaarka warshadaha Israa'iil wuxuu sheegay seddexdii maalmood ee dagaalka ugu horreeyey saameynta dhaqaale ee dagaalka uu geystay in lagu qayaaso ilaa iyo $166 malyan oo doolar.

Quddus maxaa xuddunta xiisadda ka dhigay?

Al-Aqsa waa magaca "qeybta sare ee qalinka ah" wuxuuna masaajidka uu ku yaalla dhul ka kooban 35-hektar, Muslimiinta waxay u yaqaanaan masjidku al-Xaram al-Sharif, halka Yahuudana ay u garanayaan Macbad.

Waxaa sidoo kale hay'adda dhaqanka ee Qaramada Midoobey ay u aqoonsantay goob dhaqan iyo hiddo leh oo muhim ah.

Goobta uu misaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sannaddii 1967 xilligaas oo Israa'iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada.

Dadka Musliminta ah waxay Misaajidka Al-aqsa ee magaalada Qudus u yahay goobta sadexaad ee Barakeysan.

Masjidka Al-Aqsa waxa uu ahaa qibladii koowaad ee Muslimiinta ka hor inta aan laga dhigin Maka.

Qaabkan casriyeynta dhismahan oo qarnigii 7-aad la sameeyay waxa ay Musliminta u rumeysan yihiin in Beytul Maqdis ay ahayd goobtii laga dheelmiyay Nabi Maxamed Nabad galyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee.

Dadka Yahuudda ayaa dhankooda aaminsan in dhismahani uu yahay goobti mar uu ku yaallay Macbadkii Yahuudda, balse sharciga Yahuudda ayaa mamnuucaya in halkaasi la galo oo lagu cibaadeysto iyaga oo u arkaa goob barakeysan oo aan la gali karin.

Darbiga ku yaalla dhanka galbeed ee misaajidka oo ay Yahuuda u yaqaanaan Gidaarta Baroorta, ayaa la rumaysan yahay in uu yahay darbigii ka haray macbadkii Yahuudda.

Balse Muslimiinta ayaa aaminsan in darbigaas yahay Gidaarka Al-Burqa oo ah goobtii uu nabi Maxamed (SCW) uu ku xirtay al-Buraq markii uu samada aadayay uuna Alle la soo hadlay.