Israa'iil ma waxaa ka dhamaan raba gantaalihii difaaca hawada?

Iron Dome

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hannaanka Iron Dome oo ka hortagaya gantaallada looga soo rigay Gaza.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kaalmo lacageed oo uu doonayo in hubka difaaca ee hawada israa'iil lagu xoojiyo ka raadinaya gudaha dawladiisa.

Aqalka congress ka ayuu doonayaa inuu codsi u diro si ay u aqbalaan helista lacagtaan.

Waxaa la filayaa inuu lacag dhan 104 bilyan oo doolar uu waydiisto aqalku inay ansixiyaan, taas oo Israel iyo Ukraine uu ka siin doono balaayiin lacag ah.

"Waxaan rabnaa inaan hubino in nidaamka difaaca hawada ee Israa'iil uusan marnaba is dhimin," ayuu yiri madaxweyne Biden.

Hubka ka hortagga madaafiicda ay soo tuuraan Xamaas ee loo yaqaano Iron Dome ayaa laga yaabaa inuu gabaabsi noqdo hadii dagaalku sii daba dheeraado.

"Waa inaan hubino in Isra'iil ay hesho waxay u baahan tahay si ay u ilaaliso dadkeeda" ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Biden.

Sida ay qoreen mareegaha ka faalooda nidaamka difaaca hawada, halkii gantaal ee nidaamkaan iron dome wuxuu qiime ahaan joogaa $60,000 oo doolar, halka batariyada halkii saldhig ee nidaamka difaaca hawada uu joogo ku dhawaad $50 milyan oo doolar.

Siduu u shaqeeyaa Iron Dome?

Dagaalkii ugu ba'naa ee muddo sanado ah dhexmara Isaar'iil iyo Gaza ayaa waxa uu muuqaal kale u yeelay samada gobolkaas.

Muddo san maalmood gudahood ah, ururka Xamaas iyo xooggaga kale ee Falastiiniyiinta ayaa in ka badan 2,000 oo gantaal u ganay dhanka Israa'iil.

Ku dhawaad 90% gantaalladaas ayaa waxaa ka hortagay hannaanka difaaca hawada ee loo yaqaan Iron Dome, sida uu sheegay milateriga Israa'iil.

Iron Dome ayaa loo nashqadeeyay si uu uga hortago gantaallada ridada dhow ee khatarta ku ah Israa'iil.

Waxaa qorshaha hannaankan uu bilowday kadib dagaalkii ay Israa'iil la gashay Xisbullah sanadkii 2006, xilligaas oo gantaallada uga soo dhacay Lubnaan ay khasaare badan oo isugu jirta naf iyo mal ka geysteen gudaha dalkaas.

Israa'iil ayaa dagaalka kadib shaacisay inay sameysan doonto hannaan cusub oo ka hortagga gantaallada lagu soo gano.

BBC

Hannaanka Iron Dome oo ay wadajir u dhiseen shirkadaha Rafael Advanced Defense Systems iyo Israel Aerospace Industries ayaa la hawlgeliyay sanadkii 2011.

Qalabkan oo la rumaysan yahay inuu kamid yahay kuwa ugu horumarsan caalamka ayaa isticmaala raadaar si uu u aqoonsado isla markaana u burburiyo gantaallada ku socda Israa'iil ka hor inta aanay khasaare geysan.

Hannaankan oo ku shaqeeya jawi kasta ayaa si gaar ah loogu qaabeeyay in uu ka hortago hubka ridada gaaban, gaar ahaan gantaallada laga soo gano Gaza.

Kharash badan ayaa ku baxay sameynta Iron Dome, balse shirkadaha dhisay ayaa sheegay in faa'iidadiisa ugu weyn ay tahay in uu kala sooci karo gantaallada ku dhici kara deegaannada ay dadka ku badan yihiin iyo kuwa kale. Hannaanka ayaa beegsada oo keliya gantaallada loo arko inay khatartayihiin.

Gantaallada Xamaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gantaallada Xamaas

Toban sano kadib markii la hawlgeliyay Iron Dome, Israa'iil ayaa hadda haysata toban xabo oo hannaankaas difaaca gantaallada ah, kuwaas oo la dhigay qeybo kala duwan oo dalkaas ah. Mid kasta oo kamid ah waxaa ku xiran saddex ama afar gane oo midkiiba uu ridi karo 20 gantaal oo ka hortag sameeya.

"Tirada Israa'iiliyiinta dhintay ama dhaawacmay ayaa aad u badan lahayd haddii uusan jirin Iron Dome, kaasoo badbaayiyay nafteena," ayuu yiri Gaashaanle dhexe onathan Conricus oo ah afhayeenka milateriga Israa'iil.

Hase yeeshee khubarada qaar ayaa sheegay in tirada badan ee gantaalka ay Gaza ka soo ridayaan xooggaga Falastiiniyiinta uu yahay isku-day ay ku daalinayaan hannaanka Iron Dome, taasoo dhalisay walaac ah caqabadaha uu wajihi karo qalabka.

Colaadda Gaza

Tan iyo 2014, waxaa marar badan sare u kacday xiisadda labada dhinac, balse waxaa guulaystay dhowr xabbad joojin oo ay dhexdhexaadintooda lahaayeen Masar, Qatar iyo Qaramada Midoobay.

Inkastoo ay weli go'doonsan tahay Gaza, ururka Xamaas ayaa sii xajistay maamulka marinkaas, waxaana uu tayeeyay hubkiisa gantaallada ah.

Xaaladda bani'aadannimo ee shacabka labada milyan ah ee ku nool Gaza ayaa ka sii daraysa. Waxa ay dadkaas wajahaan gabaabsi dhanka biyaha, dawada iyo korontada ah.