Xaaladda corona ee Hindiya: Maxay tahay carada uu kiciyay Anupan Kher(Aw Baska)?

Xigashada Sawirka, Indiatvnews
Dadka Baraha Bulshada ayaa si weyn uga carooday hadal uu Twitter-ka ku shaaciyay Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka ee lagu magacaabo Anupan Kher, xilli Hindiya ay la daalaadhaceyso musiibada ba'an ee ka dhalatay cudurka safmarka ah ee corona.
Ninkan oo ay Soomaalida filimada daawata u yaqaannaan "Aw Baska" ayaa u badan majaajilada iyo doorka laadarnimada, wuxuuna ka mid yahay rug caddaayada Bollywood-ka ee saameynta leh.
Carada iyo buuqa uu kiciyay Anupan Kher ayaa billaabatay kaddib markii uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray jawaab uu ku difaacayay Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo la kulmaya dhaleeceyn xoog leh oo ku aaddan sida uu ula tacaalayo dhibaatada ka dhalatay cudurka safmarka ah.
Si gaar ah wuxuu ula hadlayay wariyaha rug caddaaga ah ee lagu magacaabo Shekhar Gubta, oo eedeyn kulul dhawaan u jeediyay dowladda Modi.

Xigashada Sawirka, Anupan Kher/Insta
Shekhar Gubta ayaa markii hore soo qoray: "Laga soo billaabo markii aan carruurta ahaa sanadihii 1960-meeyadii, waan soo arkay xasarad kasta, oo ay ku jiraan saddex dagaal oo waaweyn, cunto yari, dhibaatooyinka cilimada. Tani waa xaaladdii noogu darneyd Hindiyana waligeed ma aysan arkin dowlad aan waxba ka qaban karin arrintanoo kale. Ma jiraan xarumo la waco, ma jiro qof lala xisaabtamo oo la heli karo. Waa dowlad jabtay."
Anupan Kher oo ka jawaabayay qoraalkaas ayaa Twiiter-kiisa soo dhigay qoraal ku qornaa luuqadda Hindiga oo uu ku yidhi: "Mudane Shekhar, arrintan aad bay u weynaatay. Adiga heerkaaga ayay la mid tahay. Musiibada corona waxay heysataa caalamka oo dhan. Waligeen ma aynaan wajihin cudur safmar ah. Dhaleeceynta dowladda waa muhiim. La xisaabtan. Laakiin innaga lafteenna mas'uuliyad ayaa naga saaran inaan la tacaalno. Waxba ha argagixin. Modi unbaa soo laabanaya !! Guuleyso!"
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Durbadiiba waxaa baraha bulshada qabsaday fal celinta laga bixinayo hadalka Anupan Kher oo dad badan ka careysiiyay hadal heyn aad u ballaaranna abuuray.
Dadweynaha baraha bulshada ayaa billaabay inay eedeeyaan Anupan Kher, halka qaarkoodna ay ku maadeysanayaan.
Waxay ku tilmaameen inuu yahay "nin mar walba cabsan oo taageersan Modi" xaalad kasta oo taagan iyo xitaa waqtigan lagu jiro dhibaatada adag ee ka dhalatay Corona.
Qof ciwaankiisa Twitter-ka yahay Myra ayaa Twitter-keeda soo dhigtay sawirro muujinaya Anupan Kher oo telefoon ku hadlaya, waxayna qaab maad ah u sheegtay in uu la hadlayay Modi uuna u sheegayay sida uu u taageeray."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Way sii xoogeysatay hadal heynta oo sii socotay ilaa ay dad aad u badan kusoo biireen.
Qof kale ayaa soo qoray: "Anupan Kher wuxuu muujiyay wajigiisa dhabta ah."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3
Dadka qaar ayaa hadalka Anupan Kher u fasirtay mid jees jees ah.
Qof ayaa soo qoray: "Qoraalka Anupan Kher uu taageerada indho la'aanta ah ugu muujiyay Modi wuxuu caddeynayaa in waddanka ciyaar ciyaar laga dhiganayo."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 4
Dalka Hidniya ayaa xaalad adag galay kaddib markii mowjadda labaad ee corona ay ugu fidday si baahsan. Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa gobollada waddankaas laga soo tabinayay kiisaska ugu badan, iyadoo tirada dhimashadana ay aad sare ugu kacday.










