Cudurka Covid ee gobolka Uttar Pradesh: Coronavirus oo si ba'an u saameeyay gobolka ugu dadka badan Hindiya

Sushil Kumar Srivastava was photographed sitting in his car, strapped to an oxygen cylinder

Xigashada Sawirka, Sumit Kumar

Qoraalka sawirka, Sushil Kumar Srivastava waxaa la sawiray isagoo dhex fadhiya gaari, oo uu ku xiran yahay oxygen, xilli uu ku sugnaa magaalada Lucknow

Hindiya waxay la daalaa dhaceysaa mowjad labaad oo cudurka Covid-19 ah, taasoo aad u xoog badan gobollo badanna saameysay. Uttar Pradesh, oo ah gobolka ugu shacabka badan ee dalkaas, ayaa ka mid ah meelaha uu sida ugu badan u halakeeyay cudurka, dadka ayaa dhibaato weyn la kulmaya in kastoo maamulka ay ku adkeysanayaan in xaaladdu ay wali tahay mid gacantooda ku jirta, sida ay kusoo warrantay Wariyaha BBC-da, Geeta Pandey.

Kanwal Jeet aabihiis Niranjan Pal Singh, oo 58 jir ahaa, ayaa Jimcadii geeriyooday isagoo ku jira gaari ambalaas ah oo looga qaaday isbitaal si mid kale loo geeyo. Waxaa loo diiday ilaa afar isbitaal oo kala duwan maadaama aysan jirin sariiro ka bannaan.

"Waxay ii ahayd maalin wadne xanuun ah," ayuu igu yidhi mar uu telefoonka igula hadlayay isagoo ku sugan magaalada Kanpur. "Waxaan aaminsanahay in haddii uu adeeg caafimaad heli lahaa waqti fiican uu noolaan lahaa. Laakiin cid na caawisay ma jirin, booliska, dhakhaatiirta ama dowladda toona."

Gobolka Uttar Pradesh, oo tan iyo billowgii sanadkan laga soo tabiyay kiisas dhan 851,620 iyo dhimasho gaareysa 9,830, xaaladdiisu sidan uma xumeyn markii ay jirtay mowjaddii koowaad ee Covid-19, xilligaasoo gobollo kale ay aad uga darnaayeen. Laakiin mowjaddan labaad ayaa aad u saameysay.

Mas'uuliyiinta gobolku waxay sheegayaan inay xaaladda gacntooda ku jirto wali. Hase yeeshee waxaa warbaahinta aad u qabsaday sawirrada naxdinta leh ee laga soo qaaday xarumaha baaritaanka fayraska ee buux dhaafay, isbitaallada bukaannada dib u celinaya iyo aaska loo sameynayo meydadka faraha badan ee lagu arkayo meel walba oo ka mid ah magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Lucknow iyo magaalooyinka kale sida Varanasi, Kanpur iyo Allahabad.

Uttar Pradesh, oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 240 milyan oo ruux, waa gobolka ugu dadka badan guud ahaan Hindiya. Haddii gobolkaas uu kaligiis waddan ahaan lahaa, wuxuu noqon lahaa dalka shanaad ee ugu dadka badan caalamka, waxaana ka horreyn lahaa oo kaliya Shiinaha, Hindiya, Mareykanka iyo Indonesia. Wuxuu xitaa ka dad badnaan lahaa Pakistan iyo Brazil.

Gobolkan sidoo kale waa kan siyaasad ahaan ugu muhiimsan dalka Hindiya - waxaa laga soo doortaa tirada ugu badan xildhibaannada baarlamaanka oo ah 80, waxaana ku jira Ra'iisul Wasaare Narendra Modi oo isagoo gobol kale kasoo jeeda ka tartama halkaas. Laakiin saameyntan siyaasadeed uma aysan keenin wax horumar weyn ah.

Hadda gobolkaas waxaa ku sugan 191,000 oo qof oo qaba cudurka, kumannaan kiis oo cusub ayaana lasoo tabiyaa maalin kasta - inkastoo tirooyinka la aaminsan yahay inay ka badan yihiin inta la shaaciyo.

Dadka xanuunsan waxaa ka mid ah madixii golaha wasiirrada ee maamulka gobolka, Yogi Adityanath, dhowr wasiir oo kale, saraakiil badan oo ka tirsan dowladda iyo boqollaal dhakhaatiir ah, kalkaaliyeyaal iyo shaqaalaha kale ee caafimaadka.

People waiting to be screened and tested outside a government-run hospital in Noida.
Qoraalka sawirka, Dad saf ugu jira in laga baaro cudurka

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaan la hadlay tobannaan qof oo ku sugan gobolkaas, sheekooyin naxdin leh ayayna ii sheegeen.

Muuqaallo ay isla wadaageen wariyeyaasha maxalliga ah ee magaalada Kanpur ayaa muujinaya nin xanuunsan oo yaalla meel gawaarida la dhigo oo ku taalla isbitaalka dowladda ee Lajpat Rai. Meel aan sidaas uga sii fogeyn, nin kale oo waayeel ah ayaa ku fadhiya kursi. Labadooduba waxay qabaan Covid-19 laakiin isbitaalka uma hayo sariiro uu ku seexiyo.

Bannaanka isbitaalka dowladda ee Kanshiram, haweeney dhalinyaro ah ayaa ku murugeysan iyadoo sheegtay in labo isbitaal ay qaabili waayeen hooyadeed oo xanuunsan.

"Waxay sheegayaan in aysan sariiro heynin. Xitaa haddii aadan sariir heynin dhulka seexi, laakiin ugu yaraan dawooyin sii. Waxaa jira bukaanno badan oo iyada lamid ah. Waxaan arkay dad badan oo sideyda oo kale laga soo celiyay isbitaallada," ayay tidhi.

'Cidna ma imaanin'

Xaaladda magaalada caasimadda ah ee Lucknow, waa sidaasoo kale.

Sushil Kumar Srivastava ayaa lasoo sawiray isagoo ku dhex jira gaarigiisa oo uu Oxygen ku xiran yahay, oo qoyskiisa ay marba isbitaal u kaxeynayaan haddana mid kale raadinayaan. Markii ay sariir u heleen, waxba lamaga gaari karin.

Markii aan wacay wiilkiisa Ashish, wuxuu ii sheegay in uusan murugo darteed la hadli karin. "Waad ogtahay waxa dhacay. Xaaladda aan ku jiro ma haa mid aan ku hadli karo," ayuu yidhi isagoo codkiisu uu gargariirayo.

Boqollaal qof ayaa baraha bulshada ku shaaciyay warqad uu gacanta ku qoray garsoore howlgab ah oo uu caawinaad ku codsanayay kaddib markii ay dowladda ku guul darreysatay inay meydka xaaskiisa ka bixiyaan guriga.

"Aniga iyo xaaskeygaba waxaa nagu dhacay Covid-19. Ilaa shalay subaxdii, 50 jeer ayaan wacay lambarka gurmadka ee dowladda, laakiin ma jirin cid timid oo noo keentay dawo ama isbitaal noo qaadday.

"Maadaama ay maamulki shaqadooda gabeen, xaaskeyga saaka subaxdii ayay geeriyootay," ayuu ku qoray warqadda.

A Covid patient being cremated in Ghaziabad in Uttar Pradesh

Xigashada Sawirka, Getty Images

Aniga shakhsi ahaan lama filaan iguma noqonin in gobolkan uu tabar u waayo la tacaalidda fayraska corona ee safmarka ah, kaasoo dadkiisa dhibaatada weyn u geysanaya.

Muddo sannado ah, waxaan la socday in gobolka adeegyadiisa caafimaad ay aad u liiteen - waa meesha ay awowyaasheyda xaafadda ku lahaayeen, waana garanayaa culeyska ay leedahay in dhakhtar la helo ama xitaa gaari ambalaas ah la helo xilliyada qaarkood.

Hadda oo uu cudurka safmarka ah sii xoogeysanayo, waxaa sii badanaya culeyska.

Magaalada Varanasi, oo ah degmo baarlamaaneedka laga soo doorto Ra'iisul Wasaare Modi, nin lagu magacaabo Vimal Kapoor, oo muddo dheer daganaa, ayay hooyadiis oo 70 jir ah khamiistii ugu geeriyootay Covid-19, wuxuuna xaaladda ku qeexay mid cabsi leh.

"Waxaan arkay dad aad u badan oo ku dhex dhimanaya gawaarida ambalaasta ah. Isbitaallada ayaa bukaannada soo eryaya maadaama aysan sariiro u heynin, farmashiyadiina waxaa ka dhammaatay daawada aasaasiga u ah la tacaalidda Covid, sidoo kalena waxaa dhammaaday qalabkii oxygen-ta," ayuu yidhi.

Mr Kapoor wuxuu sheegay in xitaa uu sare u kacay qiimaha qoryaha ay meydadka ku gubaan. Xitaa qabuuraha ayuu sheegay inay ciriir noqdeen oo la kala sugo.

"Waligay waxaanoo kale horay uma arkin. Meel kasta oo aad eegto, waxaad arkeysaa meydad iyo ambalaasyo," ayuu yidhi.

Burning pyres in Lucknow

Xigashada Sawirka, Sumit Kumar

Qoraalka sawirka, Crematoriums in Lucknow have been busy with funeral pyres burning round the clock

Sheekooyinka ku saabsan qoysaska uu cudurka Covid-19 musiibada ku noqday ayaa isasoo taraya. Dowladda waxay Axaddii soo tabisay in hal maalin la diiwaan galiyay 30,596 kiis oo cusub, waana maalintii la shaaciyay tirada ugu badan.

Laakiin dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda shacabka iyo siyaasiyiintu waxay sheegayaan in tirada faafitaanka cudurka ay aad uga badan tahay inta la sheegay. Waxay maamulka gobolka ku eedeeyeen inay qarinayaan lambarka saxda ah ee dhimashada iyo kiisaska cusub, iyagoo ka reebaya xogta looga soo gudbiyo sheybaarrada gaarka loo leeyahay.

Iyadoo hadda uu cudurku si xowli ah u fidayana, lama filayo in mar dhow ay xaaladdu kasoo reyso.