You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muxuu dalkani ku diiddan yahay in dadkiisa laga tallaalo coronavirus?
Bilooyin dawladda Tanzania ku adkaysanaysay in dalku xor ka yahay fayraska karoona, illaa iyo weli ma jiro qorshe uga meel yaal tallaalka cudurkaas. Weriyaha BBC-da Dickens Olewe ayaa la hadlay hal qoys oo ka murugeysan geerida odaygoodii oo looga shakisan yahay inuu cudurkaaasi uu ku dhacay. Cabsida ayaa se ah in weli la iska iska indhatirayo heer ay jiraan dhibanayaal kale oo badan oo aan laga warqabin oo fayraskan aadka u faafa la daaldhacaya..
Toddobaad ka bacdi markii Peter - ma aha magaciisa saxda ahe - uu soo gaadhay gurigooda xilli uu shaqo ka yimid isaga oo qufacaya qufac qallalan sida oo kalena lumiyey dhadhankii , ayaa loo qaaday cisbitaalka halkaas oo uu saacado kaddib ku dhintay. Lgama baadhin Covid, marka loo eegana xukuumadda, taas oo aan baahin wax xog ah oo ku saabsan fayraskan muddo bilooyin ah, 'dalku waa ka nabad qabaa fayraska'.
Waxaa jira baadhis yar sida oo kalena wax qorshe ah kama laha hawlgalka tallaal ee bariga afrika.
Way adag tahay in aad cabbir saxa ka hesho saamaynta iyo fiditaanka fayraska ee dalkan, ka hadalkiisa dad yar ayaa si guud uun uga hadli kara.
Hadaladii ugu dambeeyay ee dadweynaha waxay si maldahan u muujiyeen xaqiiqo taas ka duwan xilli muwaadiniinta qaar, sida xaaskiisa Peter, ay si aamusnaan leh ugu barooranayaan dhimashada xubnaha qoyskooda ee looga shakisan yahay inay qaadeen fayraska
Dhowr qoys oo reer Tanzaaniyaan ah ayaa soo maray khibrado isku mid ah laakiin waxay doorteen inaysan hadlin, iyagoo ka baqaya ciqaabta dowladda.
Dowladda Ingiriiska ayaa mamnuucday dhammaan socdaalayaasha ka imaaneya Tansaaniya, halka Mareykanku uu ka digay in dalkaas la aado, sababo la xidhiidha 'coronavirus'.
Muranka tallaalka
Tan iyo bishii Juun ee sanadkii hore, markii uu madaxweyne John Magufuli ku dhawaaqay in dalku yahay "mid ka madhan Covid-19 ", isaga oo ay weheliyaan mas'uuliyiinta kale ee ugu sareysa dowladda, waxay ku jees jeeseen waxtarka waji gashia, shaki geliyeen in baadhistu tahay wax shaqaynaya, kuna dheeldheeleen waddamada deriska ah ee soo rogay talaabooyinka ka hortag ee caafimaad, si ay u xakameeyaan fayraska.
Mr Magufuli ayaa sidoo kale ka digay - isagoon bixin wax cadeyn ah - in talaalka Covid-19 uu noqon karo mid waxyeelo leh taa badalkeedana wuxuu ku booriyay dadka reer Tanzania inay isticmaalaan qiiqa uumiga iyo daawooyinka geedaha, oo midkoodna aysan ansixin Hay'ada Caafimaadka Aduunka ee WHO.
Ma cadda sababta uu madaxweynuhu u muujiyey shaki intaas la eg oo ku saabsan tallaalada laakiin dhowaan ayuu yidhi dadka reer Tansaaniya looma isticmaali karo "doofaarka guinea".
"Haddii ninka cad uu awood u leeyahay inuu la yimaaddo talaal, waxay ahayd inuu u helo tallaal Aids-ka, kansarka iyo TB-da illaa iyoi hadda," ayuu yidhi Mr Magufuli, oo inta badan iska dhiga inuu u taagan yahay iska caabbinta reer galbeedka iyo boqortooyayntooda
WHO way ka soo horjeeddaa sheegashooyinkiisaas.
"Talaalku wuu shaqeeyaa waxaanan ku dhiiri galinayaa dawlada [Tansaaniya] inay u diyaar garowdo ololaha talaalka Covid," ayuu yiri Dr Matshidiso Moeti, oo ah madaxa Africa ee WHO, isagoo intaa ku daray in ururku diyaar u yahay inuu taageero dalka.
Laakiin Wasiirka Caafimaadka Dorothy Gwajima ayaa mar kale ku celiyay mowqifka Mr Magufuli ee talaalka, iyada oo raacisay in wasaaraddu ay leedahay "nidaam u gaar ah oo ku saabsan sida loo helo wax daawo ah waana sameynay ka dib markii aan ku qanacnay sheygaas".
Hadalkan ayay ka sheegtay shir jaraa'id oo toddobaadkan uu sarkaal ku soo bandhigay sida loo sameeyo waxyaabaha macmacaanka ah iyadoo la adeegsanayo sinjibiil, basasha, liinta iyo basbaaska - cabitaan.
"Waa inaan hagaajino nadaafada shaqsiyadeed, inaan gacmaha ku dhaqno biyo socda iyo saabuun, isticmaalno maryo, uumiga dhirta, jimicsi, cunno cunto nafaqo leh, cabno biyo fara badan, iyo [isticmaalno] dawooyinka dabiiciga ah ee ummaddeena la siiyay," Dr Gwajima ayaa yidhi .
Dhakhaatiirta qaar ayaa ka shakisan mowqifka dowladda.
"Dhibaatada halkaan ka jirta waxay tahay dowladda oo u sheegaysa dadka Tansaaniya in khudaarta isku jirta, oo leh faa iidooyin nafaqo leh, ay tahay waxa kaliya ee ay u baahan yihiin si looga ilaaliyo coronavirus-ka, taas oo aan jirin," dhakhtar maxalli ah oo si qarsoodi ah u hadlaya ayaa u sheegay BBC-da, isagoo intaas ku daray in dadku weli ay ahayd in sameeyaan hawalaha taxaddarka oo dhan si ay uga feejignaadaan fayraska.