Sicir bararka Puntland: Maxaa ka hirgalay amarkii madaxweyne Deni ee shilin Soomaaliga?

Muddooyinkii lasoo dhaafay deegaannada uu ka arrimiyo maamul goboleedka Puntland waxaa ka jiray dhibaatooyin la xiriira sicir bararka sarifka lacagta shilin Soomaaliga iyo doolarka, iyadoo meelaha qaarna laga diiday isticmaalka shilinka. Waxaa hadda socda dadaallo lagu hirgalinayo amar uu arrintan kasoo saaray madaxweynaha maamulkaas, Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa ganacsatada ku amray inay ka shaqeeyaan sidii uu u sii shaqeyn lahaa shilinka Soomaaliga, isagoo bangiyada dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahayna ka dalbaday inay sameeyaan waaxyo lagu sarrifi lacagta.

Magaalada Boosaaso ayey maanta ka socdaan shirar ay leeyihiin ganacsatada iyo wakiillo ka socda dowlad goboleedka, kuwaasoo ka arrinsanaya sidii loo hirgalin lahaa amarrada kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Suuqa weyn ee Boosaaso oo arrintan awgeed u xirnaa ayaa rajo laga qabaa in dib loo furo. Inkastoo maanta la filayay inuu hirgalo amarka ku aaddan sameynta goobaha sarrifka lacagaha, haddana arrintan ayaa la sheegayaa in qorshaheeda uu socon doono maalmo.

Qaar ka mid ah sarrifleyaasha Puntland ayaa soo dhaweeyay tallaabadan. Cabdicasiis Faarax Gaas, oo ka mid ah sarrifleyaasha magaalada Garoowe ayaa BBC-da uga warramay sida ay arrintan u arkaan.

"Waan soo dhaweyneynaa, waa arrin fiican, waxaana sugeynaa dhaqan-galkeeda iyo sida ay dowladdu u sheegtay inay u dhaqan gasho. Lacagtu way shaqeyneysaa laakiin kalsooni xumo ayaa shacabka ku dhacday," ayuu yidhi Cabdicasiis.

Wuxuu intaas ku daray in iyaga laftooda ay saameyn kasoo gaadhay xiisadaha la xiriira sicir bararka iyo diidmada lacagta shilin soomaaliga, wuxuuna isagoo qodobkaas ka hadlaya yidhi: "Jahwareerkan la xiriira lacagta saameyn wuu nagu yeeshay, noloshii dadka ayaaba hadda halis ku jirta, lacagta shilin Soomaalida dadka isticmaala waxaa la odhan karaa waa 75% ka mid ah shacabka, gaar ahaan dadka xamaalatada ah iyo kuwa ka shaqeeya ganacsiyada yar yar, sida khudaarta, hilibka, dhagaxleyaasha, fuundiyada wax dhisa, iyo waliba ardayda iskuullada, marka waad dareemi kartaa saameynta ay dadka ku yeelaneyso haddii ay cillad ka timaado lacagta."

Maalintii Talaadada ayuu madaxweynaha Puntland ayaa ganacsatada la yeeshay shir ku saabsan xasaradda sicirka lacagaha iyo arrimo kale oo khuseeya bulshada.

Wuxuu sheegay in Puntland ay kaalin weyn ka qaadatay "ilaalinta shilin Soomaaliga, wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya."

"Muddo 30 sano ah Puntland waxay ilaalineysa in lacagta shilin Soomaaliga ah iyadoo aan si qaanuuni ah oo loo wada dhan yahay wax looga qaban inaysan dabar go'in. Haddana waxaan ka shaqeyneynaa, shilinka Soomaaliga ilaa laga helo shilin kale oo looga guuro oo la isla oggo, yahay inuusan ka bixin suuqa. Waa mas'uuliyad maamul, maadaama meelaha kale duruufihii ka jiray aan ka duruufo fiicneyn 30-kii sano ee lasoo dhaafay," ayuu yidhi Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in sicirka sarrifka doolarka iyo shilin Soomaaliga ee gudaha deegaannada Puntland uu aad uga sarreeyo kan gobollada kale ee Soomaaliya, taasina ay tahay dhibaato gaar ku ah maamulkiisa.

"Nasiib darro dadaalkii aan shilinka Soomaaliga u galnay wuxuu dhibaato u horseeday bulshadeenna. Waxaa la isweydiiyaa maxaa sarifka halkii doolar ee deegaannada kale ka dhigay 22 kun oo shilin ilaa 23 kun halka Puntland halkii doolar lagu sarrifo 40 kun oo shilin?", ayuu isweydiiyay madaxweyne Deni.

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa hoos u sii dhacayay qiimaha shilin Soomaaliga, iyadoo hadda isticmaalka doolarka uu aad ugu badan yahay Soomaaliya.

Mudadadaas uu dalka burbursanaa waxaa meesha ka baxay qeybihii kala duwanaa ee shilinka, kunka shilin oo kaliya ayaana ka soo haray dhammaan lacagihii ka hooseeyay.