You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maalinta AIDS-ka Adduunka: 'Waxay ila noqotay in dhiiggeyga iyo manideyda ay sun yihiin'
"Maadaama aan ahaa nin toosan, caddaan ah, kana soo jeeda Galbeedka Yurub, waligey kuma fakarin in cudurkan la iga heli doono."
Christopher Klettermayer - oo sidoo kale dadka wax ka qoray sheekadiisa ay u yaqaannaan agaca Philipp Spiegel - waa 38 jir u dhashay waddanka Austria, wuxuuna ogaaday inuu fayraska HIV qabo sanadkii 2014-kii.
Maalinta uu natiijada baaritaanka helayay wuxuu u xasuustaa sidii inay shalay ahayd oo kale.
Markaas kuma uusan sugneyn Austria, laakiin wuxuu ka shaqeynayay dalka Hindiya, oo uu ka ahaa wariye sawir-qaade ah, qorshihiisuna wuxuu ahaa inuu tago goobta ay cibaadeysiga u aadaan Hinduuga.
Mid ka mid ah shuruudaha galitaanka meeshaas waa in qofka laga baaro HIV.
"Dabcan, waan oggolaaday. Maadaama aan ahay qof caddaan ah oo toosan, waxaan u maleynayay in aan la iga heli doonin cudurkaas," ayuu yiri Christopher oo la hadlayay BBC-da.
"Laakiin arrintu sida aan ku fikirayay ma aysan ahayn."
Dadka uu ku dhaco fayraska HIV wuxuu u maleyn jiray inay yihiin kuwa isku jinsiga ah ee isu galmooda, kuwa isticmaala maandooriyaha ama dalalka Afrika.
Dhowr bilood ka hor, isagoo ku sugan Austria, ayuu Christopher aad u xanuunsaday, laakiin qofna ugama uusan shakinin HIV.
"Ma jirin dhakhtar iga baaray maadaama aanan wax halis ah u galin cudurkaas. Waxaa xanuunka la iiga helay Hindiya si lama filaan ah, arrintaasina way i argagax galisay."
"Runtii nasiib ayaan lahaa, sababtoo ah dhowr sano ayaan iska sii socon lahaa anigoo aan la i baarin."
'Caqabado xoogeystay'
Christopher wuxuu qisadiisa ka sheekeynayaa xilli maalinta AIDS-ka Adduunka la xusayo sanad uu caalamka ku mashquulsan yahay cudur kale oo safmar ah.
Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay in Covid-19 uu waliba halis galinayo horumarradii laga gaaray la dagaallanka HIV-ga, isagoo sii xoojinaya sinnaan la'aantii dhinaca dawooyinka kaalmada ah.
690,000 oo ruux ayaa sanadkii 2019-kii u geeriyooday xanuunno la xiriira AIDS-ka.
Hadda waxaa kusii darsami kara 120,000 ilaa 300,000 dheeraad ah, maadaama Covid-19 uu saameyn ku yeeshay kala gudbinta dawooyinka, sida ay sheegtay hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan AIDS-ka.
12 milyan oo ka mid ah 38-da milyan ee la qiyaaso ay la nool yihiin HIV-ga ayaan wali heli karin dawooyinka caawinaadda ah, sida lagu qeexay warbixin soo baxday bishii June ee sanadkan 2020-ka.
"Inkastoo aan horumar qeyrul-caadi ah sameynay 40-kii sano ee lasoo dhaafay, wali waxaan u baahan nahay inaan dhaqaale kusii bixinno dadaalka, sababtoo ah haddii aannaan sidaas sameynin, waxaa lumaya hormarradii aan sameynay," ayey BBC-da ku tiri Dr Birgit Poniatowski, oo ah agaasimaha guud ee hay'adda caalamiga ah ee AIDS-ka (IAS).
HIV wuxuu si ba'an u saameeyaa dalalka soo koraya, laakiin fikirka ah in uusan cudurku ku dhicin dadka qaarkood, waa "faham darro", ayey tiri.
"Hal arrin oo si cad loo ogaaday 40-kii sano ee uu jiray HIV waa in cudurkan uusan dadka kala soocin. Waddan kasta ayey joogaan dad la nool cudurka, dadka qaba da'doodu way kala duwan tahay, asalka jinsigoodu wuu kala duwan yahay, rag iyo dumarba way isugu jiraan, xirfad kasta way leeyihiin, diimo kala duwan ayey leeyihiin."
Galmada aan laga taxaddarin ayaa wali ah sabab weyn oo uu cudurkan ku faafo - waana arrinta ugu weyn ee ka jirta Koonfur Afrika, tusaale ahaan, maadaama uu yahay waddan uu cudurkan aad uga jiro.
"Galmada kaliya laguma kala qaado HIV. In la isla isticmaalo irbadaha ayaa sidoo kale kaalin weyn ku leh faafitaanka cudurka ee guud ahaan adduunka, waliba boqolkiiba 10 ka mid ah kiisaska caalamka ayaa sidaas ku yimid," ayey tiri Dr Poniatowski.
'Muxuu aniga iigu dhacay?'
"Markii ugu horreysay,waan naxay, su'aalo badan ayaana iska weydiinayay waxa uu yahay HIV," ayuu yiri Christopher.
"Waxaan is dhahay, 'Muxuu aniga iigu dhacay?' Kaddib waxaan ku khasbanaaday inaan joojiyo fikirkii aan cudurka ka qabay ee ku saabsanaa 1980-meeyadii iyo 1990-meeyadii, aana diiradda saaro xaaladda uu joogo qarnigan 21-aad."
Christopher wuxuu aaminsan yahay in qirashada ku saabsan inuu qabo HIV ay dhibaato ku noqon karto ragga toosan maadaama uu jiro fikir laga aaminsan yahay raganimada.
"Rag badan oo akhlaaqdoodu ay toosan tahay ma qirtaan inay qabaan HIV, sababtoo ah waxay ka qabsanayaan in loo arko ragga ragga kale gogosha la wadaaga ama daroogada isticmaala," ayuu yidhi.
Isaga laftiisa ayaa aad uga cabsan jiray in la arko xilliyada la daweynayo, waana sababta uu u adeegsan jiray magaca Philipp Spiegel xilliyada uu ka hadlayo HIV-ga ama uu wareysiyada bixinayo.
Laakiin waqti kaddib, maadaama uu la qabsaday xaaladda, wuu iska joojiyay "isqarintii".
"Mar walba waxaan la dagaallami jiray nafteyda, si aan uba bixiyo fikradaha khaldan ee laga qabo cudurka. Waxaan gaaray heer aan nafteyda ku dhaho: 'Waxan waa caadi, adduunyo gaddoon ma aha'".
'Waxaan dareemay sidii inaan sumeysanahay'
Inkastoo wali aan daawo loo helin HIV, waxaa jira dawooyin caawinaya difaaca jirka, dadka la siiyana waxay ku noolaadaan iyagoo caafimaad dareemaya.
Xaqiiqdii, dadka qaar marka ay dawooyinkaas muddo wadaan, waxay gaaraan heer aan baaritaan lagu ogaan karin, HIV-gana dad kale uma sii gudbin karaan, xitaa haddii ay u galmoodaan, sida ay sheegtay mana sii gudbin karaan Dr Poniatowski.
Islamarkii uu qaadashada dawada billaabay, Christopher wuxuu dareemay wanaagga ay leedahay dawada. Hase yeeshee sannado ayey ku qaadatay inuu maskaxdiisa ka saaro fikradaha khaldan.
Waxyaabaha uu ka mid yahay shukaansiga waxay noqdeen "wax aan suurogal ahayn oo kale, sababoo ah HIV wuxuu burburinayaa kalsoonidaada."
"In muddo ah waxaa dareemi jiray sidii in uu jirkeyga ku jiro wax aad u xun. Waxaan dareemay inaan sun ahay, sidii in dhiiggeyga iyo shahwadeyda ay yihiin sun. Waxaan dareemay inaan khatar ku ahay dadka kale, gaar ahaan kuwa aan rabay inaan u dhawaado, tusaale ahaan dadka i jecel."
Ugu dambeyn, Christopher wuxuu go'aansaday inuu ku noolaado "waddan aysan dhibaato badan ku dareemin dadka qaba HIV-ga" si uu dadka kale wax u baro, una dhiirrigaliyo.
"Haddii aan anigi dhihi waayo waxaan qabaa HIV, yaa kale oo dhahaya?"
Wuxuu sheegay in mid ka mid ah fikirrada ugu waaweyn ee laga qabo cudurka uu yahay, in loo maleeyo in qofka qaba HIV ay noloshiisu sidaas ku burburtay.
"Waxaa jiray xilliyo qoyskeyga iyo saaxiibbadey ay gabi ahaanba hilmaameen inaan qabo fayraska, sababtoo ah dhib maba laha," ayuu yiri.