Doorashada Mareykanka: Musharraxiinta 1,214-ka ah ee tartanka kula jirta Trump iyo Biden

Xigashada Sawirka, Peter Ruprecht / Mark Charles / Michael Gillman
Mareykanka in ka badan 230 sano waxaa ka talinayay madaxweyneyaal kala duwan, waxaa ugu horreeyay George Washington.
Waxaa siyaasadda Mareykanka la wareegay labada xisbi ee kala ah dimuqraadiga iyo Jamhuuriga, warbaahinta ayaa si weyn u hadal heysaa labadan xisbi balse waxaa meesha ka bixi karaa suurtagalnimada ah in doorashada ay ku guuleysato cid aanan ka tirsaneyn labada xisbi.
Laga bilaabo 9-kii bishan Oktoobbar, ku dhawaad 1,216 musharrax oo kale ayaa shaaciyay inay u tartamayaan doorashada madaxtinimada ee Mareykanka.
BBC-da waxay wareysi la yeelatay saddex kamid ah musharraxiintaas.
'Dadka Mareykanka waxay arkaan in labadan fursadood aanay aheyn xulashadooda'

Xigashada Sawirka, Michael Gillman Photography
Jade Simmons waa haweeney ka shaqeyn jirtay goobaha laisku qurxiyo, waxay aqoon u leedahay qalabka muusiggada ee laga garaaco munaasabadaha, waana dhiiregeliye , waa hooyo isla markaana waa baadari.
Waxay kamid tahay musharraxiintan faraha badan ee loolanka doorasho kula jirto Biden iyo Trump.
"Waxay iila muuqataa in aan joogno xilli aan si caadi ah u qabsano howsheena, aabahey wuxuu ahaan jiray nin u doodo xuquuqul insaanka, aabahay wuxuu ii sheegi jiray haddii aan arko caddaalad darro waa in aad is weyddisaa sida ay ku dhacday waxaa laga yaabaa in aad wax ka baratid"
Waxay sheegtay in hadafkeedu uu yahay sidii ay ku sameyn laheyd fursado loo wada siman yahay sida dhaqaalaha, waxbarashada iyo in isbaddal lagu sameeyo arrimaha caddaallada, sidaas darteed waxay go'aansatay inay tartanto.
"Waa ololihii doorasho ee ugu kharashka yaraa taariikhda qarankeena" ayay tiri.
Jade Simmons waxay rumeysan tahay in lacagta malaayiinta ah ee lagu bixinayo ololaha doorashada ay wanaagsanaan laheyd in lagu caawiyo dadka saboolka ah.
"Waxay ila tahay in arrin xun ay tahay in ololaha doorashada lagu kharash gareeyo balaayin doolar si aad ugu tartantid madaxweyne...waxaa fiicnaan laheyd in aad ku caawiso dadka"
Musharraxiinta dimuqraadiga iyo Jamhuuriga waxay sanaadiiqdooda codbixinta geysan doonaan dhammaan gobollada balse gabadhan la yiraahdo Jade Simmons wuxuu magaceeda kasoo muuqaan doona sanaadiiqda codbixinta ee la dhigi doono gobollada Oklahoma iyo Louisiana, maadama ay tahay musharrax si madax banaan isu soo sharraxay, waxay ka dhigan tahay in gobollada kale ee dadka u codeeyo la xisaabi doono.
Waxay sheegtay in caqabado dhowr ah ay heystaan balse ay rumeysan tahay in maalin uun ay gaari doono Aqalka Cad.
"Waan ogahay in arrintan ay u muuqato mid aan caadi aheyn marka la eego taariikhda dadka isda madaxa banaan isu soo sharraxay... Inta badan shacabka Mareykanka waxay inta badan u arkaan labada fursadood ee haatan in aanay aheyn xulashadooda"
"Waxaan oraneynay in maalin uun lasoo celin doono gidaarkii isku xirayay qaranka, ruuxiga, dhaqanka, bulshada, waxay nala tahay in inta badan la burburiyay oo ay si ula kac ah u burburiyeen axsaabta siyaasadeed"

'Waxaan go'aan ku gaaray in nolosheydu ay noqoto u adeegidda shacabka'

Xigashada Sawirka, Peter Ruprecht
Brock Pierce wuxuu horey usoo ahaa jilaa da' yar ah, wuxuu markii dambe noqday ganacsade dhanka teknooloojiydda ah gaar ahaan lacagaha dhanka online-ka ah ee loo yaqaano crypto currency.
Haddaba, maxay tahay sababta uu u doonayo in madaxweyne uu ka noqdo Mareyanka? wuxuu sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda haatan ka jirta Mareykanka.
"Waxay ila tahay, in aan laheyn qorshe dhanka mustaqbalka ah- waxaan ka wadaa, sidee ayay xaaladda noqon doontaa adduunka marka la gaaro sanadka 2030-ka? muxuu yahay qorshaha inoo diyaarsan? maxay yihiin arrimaha ina hor yaalla? waa in aad arrin ku hamineyso" ayuu yiri Brock Pierce.
Afartii sano ee ugu danbeysay, Mr Pierce wuxuu ku howlanaa barnaamij samafal ah oo ugu gargaarayo shacabaka magaalada Puerto Rico, dhawaan ha'yaddiisa waxay uruurisay malaayiin doolar oo qalabka ka hortagga cudurka Koroona uu uga soo iibinaayo dhakhaatiirta.
Wuxuu sheegay in arrinta koowaad ee uu diiraadda saarayo ay tahay 'Xoojinta kobaca dhaqaalaha' xoriyadda iyo nolol wanaagsan ay ku noolaadan shacabka.

Xigashada Sawirka, Alamy
Warbixin laga soo xigtay guddiga doorashada ee Federaalka Mareykanka waxay muujineysaa in Brock Pierce ololahiisa doorashada uu ku bixiyay 3.7 malyan oo doolar, wuxuu sheegay in istaraatiijiyadiisa ay tahay sidii uu ugu danbeyn lahaa Aqalka Cad.
"Waxaa marar badan la iigu casuumay in aan u tartamo doorashada barasaabka New York iyo Minnesota,, meel kasta oo aan aado haddii aan ahay Brock, waa in aan wax ka qabtaa damaceyga ah in aan noqdo madaxweyne, marka, ma waxaan isku dayayaa in u tartamo doorashada gobolka ama magaalada?"
"Waxaan ka fakaraa maalinta 4-ta bisha Nofembar, qof kasta arrintaas ayaan u sheegaa, isoo waca afarta bisha Nofembar, waxaan go'aan ku gaaray in nolosheydu ay noqoto u adeegidda shacabka"

'Waa in aan la imaanaa isbaddal'

Xigashada Sawirka, Shane Bahn
Sababta ku khasabatay musharraxiintan in si madax banaan ay doorashada uga qeyb galaan ayaa ah in aanay helin tikidka xisbiga ugu aqlabiyadda badan sidaas darteed waxay ka dhabeeyeen go'aankooda.
Mark Charles wuxuu kamid yahay musharraxiintaas.
Mark Charles wuxuu ka takhasusay barnaamijyada koombiitarka iyo teknooloojiyadda, wuxuu sidoo kale yahay nin u doodo xuquuqda dadka gaar ahaan dadka u dhashay Mareykanka iyo dadka kale aan caddaanka aheyn.
Wuxuu hadafkiisu yahay in uu guulo kasoo hoyiyo doorashada.
Wuxuu sheegay in magaalada Washington DC ay lahaan jireen dadkii ku dhashay halkaas ee la yiraahdo Piscataway.

Xigashada Sawirka, Mark Charles Campaign
"Waa dhulkii ay ku noolaayeen ka hor Columbus, weli halkan wey joogaan, waxaa sharaf ii ah in aan ku noolahay dhulkan, waxaana doonayaa in aan ku qaddiriyo inay yihiin dadkii martida loo ahaa"
Horraantii sanadkii 2000, Mr Charles wuxuu qoyskiisa u raray tuulo ku taalla seeraha Navajo si uu dhibka ula qeybsado dadka ku nool dhulkaas miyiga ah.
"Waxaan ku suganahay agagaarka waddadan , waxaan ku nool nahay hal qol, ma lahan biyo, ma lahan koronto dadka aan deriska kula nahay halkan qaarkood waa xoolo dhaqato"










