Lacag intee leeg ayaa ku baxaysa haweenaydii ugu horraysay ee dayaxa u safraysa?

Xigashada Sawirka, NASA
Wakaaladda hawada sare ee Mareykanka (Nasa) ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay qorshaheeda ku aaddan inay ku laabtaan Dayaxa marka la gaadho sannadka 2024.
Iyadoo qayb ka ah barnaamijka loo yaqaan 'Artemis', Nasa waxay u diri doontaa nin iyo gabadh hawda sare ee dayaxa markii ugu horreysay, tan iyo markii aadamuhu bilaabay aadiddiisa sannadkii 1972.
Laakiin waqtiga wakaaladda ee hawshaaso waxay ku xidhan tahay Congress-ka oo sii deynaya $ 3.2bn si loogu dhiso nidaamka soo degitaanka.
Cir bixiyeyaashu waxay ku safri doonaan kaabsol u eg Apollo oo la yiraahdo Orion kaasoo oo dah furi doona gantaal awood badan oo la yidhaahdo SLS.
Isagoo kahadlaya galabnimadii Isniinta (waqtiga Mareykanka), maamulaha Nasa Jim Bridenstine wuxuu yiri: "$ 28bn waxay u taagan tahay kharashyada la xidhiidha afarta sano ee soo socota barnaamijka Artemis ee lagu dego Dayaxa."
sida oo kale waxa uu sheegay: "Codsiga miisaaniyadda ee aan hadda horkeenayno Golaha iyo Guurtida hadda waxaa ku jira $ 3.2bn oo loogu talagalay 2021-ka oo ah hannaanka soo degitaanka aadanaha. Waana arrin muhiim ah in aan helno $ 3.2bn."
Waxaana uu ku kacayaa safarkaas lacag gaadhaysa 28 bilyan oo doollarka Maraykanka ah.

Xigashada Sawirka, Lockheed Martin
Tartanka dhinaca hawada sare wuxuu u dhaxeeyey Mareykanka iyo Midowga Soofiyeeti, kaddib marki ay Soofiyet hawada sare u dirtay dayax gacmeedkii ugu horreeyey.
Marki uu John F Kennedy uu madaxweyne ka noqday Mareykanka sanaddi 1961-kii, shacabka Mareykanka waxay aamineen in dalkooda tartanka looga guuleystay maadaamaa xilligaasi tartanka teknooloojiyadda uu salka ku hayey dagaalkii qaboobaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkaasi ayuu ahaa Midowga Soofiyeti waxa ay dayax gacmeed dad ay saaran yihiin hawada sare u dirtay.
Mareykanka ayaa wuxuu dhexda u xirtay sidi hawada sare dayax gacmeed uu ugu diri lahaa wuxuuna Mareykanka ku guuleystay 1962-kii, madaxweyne kennedi oo ku dhawaaqay xilligaa inuu dalkiisa dayax gacmeed hawada u dirayo wuxuu yir: "Waxaan doorannay inaan annagu aadno dayaxa!"
Tartanki hawada sare ayaa halkiisa ka sii socday 1965-kii Midowga Soofiyet waxay haddana hawada sare u dirtay dayax gacmeed keligii uu qofna la socon wuxuuna dayax gacmeedkaasi uu soo taabtay dayaxa.
Mareykanka howlgalka hawada sare siduu u qorsheeyey?
Wakaaladda Hawada Sare ee Mareykanka NASA waxay dajisatay qorshe ballaadhan oo ay ku sii hormarineyso barnaamijka dayaxgacmeedka Apolo.
Barnaamijkan oo ay ka howl galayeen 400,000 oo qof wuxuu ku kacayey dhaqaale dhan $25 bilyan oo doolar.

Xigashada Sawirka, NASA
Siddeed cirbixiyeen ayaa loo doortay howlgalka Apolo 11, waxayna kala ahaayeen Buzz Aldrin, Neil Armstrong iyo Michael Collins.
Dayax gacmeedkan oo ah mid aad u weyn oo gantaalka sidana uu yahay Saturn V wuxuu ku shaqeeynayey barnaamijyada Apolo iyo adeegyadi uu lahaa waxaana looga tala galay inuu cirka soo taabto.
Qorshaha NASA wuxuu ahaa qalabka aasaasiga ah ee hawada sare looga baahan yahay dayax gacmeedka inta uusan caga dhigan dayaxa in meeraha Orbit la geeyo kaddibna dayaxa looga sii socdo.
Armstrong, Aldrin iyo Collin waxay kala qaybsadeen shaqooyinki dayax gacmeedka u suuragelin lahaa inuu qabto si looga gaaro ujeedki laga lahaa.
Kooxdi ugu horreysay oo tijaaba ka sameyso meeraha Orbit wuxuu ahaa Apolo 11, iyo sanadki 1967-kii.

Xigashada Sawirka, NASA
Balse masiibadi ugu horreysay waxay dhacday inta ay tijaabadaasi socotay waxaana qarxay dayax gacmeedki caga dhigan lahaa Orbit waxaana halkaasi ku dhintay seddex cirbixiyeen oo dayax gacmeedkaasi saarneyd.
Wixi intaa ka dambeeyey waxaa bilooyin hakad la geliyey in dayax gacmeed uu dad la socdo hawada sare loo diro.
Inta lagu guda jiray Apolo 11 laftiisa waxaa dhacday cillad dhinaca isgaarsiinta oo la soo daristay dayax gacmeedka xaruunta dhulka ee laga hagayey, Koombiyuutarradana waxay bixiyeen cod digniin ah oo ay khubarada xaruunta joogtay ay horay u maqal.
Waxaana dayax gacmeedkaasi uu gaari waayey halki loo asteeyey inuu caga dhigto.
Dibaatadaasi marka ay dhacday 20-ka July 110 saacadood kaddib marki uu dayax gacmeedka dhulka ka maqnaa dayax gacmeedki dayaxa ayuu gaaray, Neil Armstrong ayaana noqday qofki ugu horreeyey oo dayaxa dul socdo, 20 daqiiqo kaddibna waxaa ku xigsaday Buzz Aldrin.
Ereyada uu Armstrong isaga oo dayaxa korkiisa lugeynayo uu ku hadlayey waxaa laga dhageysanayey telefishiinno caalmaka ku kala yaallay.
Laba qof oo kale oo iyaga la socdayna in ka badan laba saacadood waxay ku sugnaayeen meel ka baxsan dayax gacmeedka ay wateen iyaga oo dayaxa dushiisa sawirro isaga qaadayey oo cilmibaadhisyo kala duwanna sameeynayey.

Xigashada Sawirka, NASA
Cirbixiyeennadaasi marki ay dhulka u soo noqonayeen 24-ka July ayey badda Baasafika ku dul dhaceen.
Dad ka badan 650 milyan oo dunida dacalladeeda ku kala nool ayaa si toos ah talafishinnada uga daawaneysay marki ugu horreysay oo dayaxa la tagay. Guushaasina Mareykanka waxay u horseedday inuu dunida u muujiyo inuu yahay waddan awood badan.
Sideen ku ogaaneynaa iney arrintan dhab u dhacday?
1972-kii guud ahaan 6 dayax gacmeed ayaa hawada sare loo diray inkasta oo ay jiraan tagitaanka hawada sare ee inay heerar kala duwan leedahay.
Wakaaladda NASA waxay 2009-ka ay meeraha Orbit u dirtay dayax gacmeed kuwi hore ka casrisan wuxuuna soo qaaday sawirro ay tayadoodu sarreyso.

Xigashada Sawirka, NASA
Cir bixiyeennada iney dayaxa caga dhigteen waxay caddeyn ahaan dhulka ula soo noqdeen dhagaxaan ay sheegeen iney dayaxa dushiisa ka soo qaadeen.
Mareykanka ayaana noqday waddanka keli ah ee ay u suuragashay inuu dayaxa dad u diro ayna dayaxa ku dul socdaan.
Inkasta oo ay Ruushka, Japan, Shiinaha, iyo Hay'adda hawada Yurub, Israa'iil iyo Hindiya ay tijaabooyin ay dayaxa u direen dayax gacmeedyo uu dad la soconna ay dayaxa ka dajiyeen.

Xigashada Sawirka, AP
Si kastaba ha ahaatee, tallaabbooyinka ay waddamadaasi u qaadeen dhinaca hawada sare ayaa lagu tilmaamay iney xagga teknooloojiyadda horumar ka gaadheen.
Dayaxa la tagayna waxaa lagu ogaaday iney Hydrogen iyo Oxygen leeyahay uuna ku wanaagsan yahay in dayaxa laga qodo macdinta dahabka, Platinium iyo macdin aad ugu yar dhulka ama aan lagaba helin balse waddamada teknooloojiyadda horumarka ka gaaray ma sheegin sida ay arrintaa u suurageli karto.










