Dacwad dil ah oo lagu soo oogay Askarigii shaqada ku waayay dhimashada ninka madowga ah

George Floyd oo dhulka yaalla

Xigashada Sawirka, Darnella Frazier

Qoraalka sawirka, Sawir muujinaya askari caddaan ah oo Floyd qoorta kaga taagan

Nin laga eryay xubinnimada ciidanka booliska Mareykanka kaddib dhimashadii nin madow ah oo aan hubeysneyn ee ka dhacday magaalada Minneapolis ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay saraakiisha sheegeen.

Derek Chauvin wuxuu ka mid yahay afar askari oo shaqada looga eryay sabab la xiriirka dhimashadii Mr Floyd, oo Isniintii geeriyooday isagoo ku jira gacanta booliska.

Mr Chauvin ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa socday mudaharaadyo rabshado iyo boob sababay oo ka dhashay caradii laga qaaday muuqaal baraha bulshada ku faafay oo laga arkayay askari jilibka qoorta uga haya George Floyd.

Kiiskan ayaa sii xoojiyay carada shacabka Mareykanka ee ku aaddan dilalka ay boolisku u geystaan dadka madowga ah.

'George Floyd maalin cad ayaa la dilay'

Ilhaan Cumar

Xigashada Sawirka, Ilhan Cumar

Qoraalka sawirka, Ilhaan Cumar

Ilhan Cumar oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Wakiillada Mareykanka ee laga soo doortay gobolka Minnesota ayaa si kulul uga hadashay dhimashada George Floyd, oo geeriyooday isagoo ay gacanta ku hayaan booliska magaalada Minneapolis.

"George Floyd waxaa magaaladeenna lagu dilay maalin cad.Waa in dacwad deg deg ah lasoo oogo. Caddaalad darrada qotada dheer ayaa sababtay xasilooni darrada bulshada. Nabad ma raadsan karo iyadoo aan caddaalad la helin. Haddii uusan xeer ilaaliyaha deegaanka u heellaneyn inuu sidaas sameeyo, waa in lasoo magacaabo dacwad ooge khaas ah.," ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Minneapolis.