You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Corona Fayras: Maxaa kala heysta Covid-19 iyo qurxinta Dumarka?
Tan iyo markii uu dunida ku faafay Corona Feyras, waxa uu si ba'an u saameeyey ganacsiga adduunka.
Marka laga soo tago saameynta dhaqaale, waxaa kale oo ay caqabad soo wajahday dadkii aroosyada isku qurxin jiray.
Meelo ka mid ah caalamka waxaa ka billowday in xayiraadaha la qaado, meheradaha noocaas ahna albaabbada loo furo. Hase yeeshee Jamhuuriyadda Iskeed madax bannaanida ugu dhawaaq ee Somaliland waxay ka mid tahay meelaha wali uu cudurka ku faafayo, waxaana xiran inta badan ganacsiyada noocaas ah.
Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah meelaha aadka looga dareemay adeeggii qurxinta dumarka ee meesha ka baxay, gaar ahaan adeegga loo sameeyo aroosyada,
Hani Cabdi Cali, oo ah milkiilaha meheradda qurxinta Haweenka ee Beauty Zone - oo hargeisa ku taalla - ayaa saamaynta uu ku yeeshay iyo sida xaalki yahay uga warrantay BBC-da.
"Meheraddeena waxay qabaneysay wax kasta oo inanta farxaddeeda ah, haddii ay aroosad tahay iyo haddii ay si caadi ah isku qurxineysaba. Waxaan u adeegi jirnay hablaha oo dhan, wax kasta oo ay u baahan yihiin ayaana u sameyn jirnay. Laakiin hadda muddo labo bilood ah meheraddu way iska xiran tahay. Waxa na saameeyay waa hoteelladii oo la xiray waayo inta badan waxaan u shaqeyneynay waxay ahaayeen dad tagaya munaasabad ama xaflad", ayey tiri Hani.
Waxay walaac ka muujisay in xitaa marka uu cudurka baxo ay si dhakhso ah shaqadooda ugu hagaagi doonto.
"Muddo ayey qaadaneysaa in uu ganacsiga dib usoo kaco", ayey tiri. "
Meheradaha dumarka lagu qurxiyo kuma eka saameynta Coerona, balse waxaa sidoo kale ganacsiyada sida degdegga ah loo xiray ka mid ah goobaha ay ragga u tagaan in timaha loogu jaro ama wajiga loogu dhaqo.
Ganacsigan ayaan ku jirin baahiyaha daruuriga ah ee shacabka loo oggolaaday inay u furnaadaan.
Jarmalka oo dib u furay meheradihii isqurxinta
Jarmalka ayaa noqday waddankii ugu dambeeyay ee khafiifiyay xayiradada coronavirus iyo sharciyada karantiilka, laakiin xirfadleyaasha timaha hagaajiya ee guud ahaan Yurub ayaa dib u furanaya meheradahooda.
Balse ma jiro sugitaan iyo wargeys lagu dhex akhristo, qofka macmiilka ah iyo farsamayaqaankuna waxay ku khasban yihiin inay maaskaro xirtaan.
Ganacsiyada noocan ah ee dalka Jarmalka ayaa furmay markii ugu horreysay tan iyo 23-kii bishii March, inkastoo sidii caadiga ahayd aysan u shaqeyneynin.
Shaqada ayaa hadda aad ugu adag farsamayaqaannada, maadaama lagu amray in dadka ay kala fogaadaan masaafe dhan hal mitir iyo bar.
Dalka Spain, timajareyaasha iyo meheradaha dumarka lagu qurxiyo ayaa dib loo furay 4-tii bishan May, balse waxay u shaqeynayaan 30% marka loo eego sidii ay horay u ahaan jireen.
Dadka loo adeegayo ayaa la ballaminayaa xilliyo gaar ah.
Waddanka Denmark, markii looga dhawaaqay in ganacsiga qurxinta timaha dib loo furayo 17-kii bishii April, waxaa mar qura lagu yaacay bogaggii internet-ka ee lagu codsan jiray adeeggaas.
Waxaa aad u adag in farsamayaqaanka iyo qofka timaha loo jarayo ay kala fogaadaan. Laakiin goobaha intooda badan waxaa loo oggolyahay in ay ku jiraan dhowr qof oo kaliya.
Alison Badrick waa haweeney iskeed u shaqeysata oo timajare wareega ah. Waxay ku sugan tahay magaalada Buckinghamshire, England.
Ilaa hadda waxay sigeysaa in dowladda UK ay soo saarto shuruuc u fasaxeysa inay shaqadeeda dib ugu laabato. Waxay aad uga walwalsan tahay inay arrintaas qaadan karto muddo kale oo dheer.
UK waxaa wali ka jira amarka xayiraadda, waana waddanka tirada ugu badan ay Covid-19 ugu dhinteen marka la barbardhigo dalalka kale qaaradda Yurub.
Caqabadaha ugu weyn ee ay la kulmayaan waxaa ka mid ah in qof uu maaskaraati u xiran yahay timaha loo jaro.
- Trump: "Coronavirus wuxuu Mareykanka u saameeyey si ka daran dagaalki labaad ee adduunka"
- Dadka Kenya daggan 'ee salaadaha kusoo tukada Soomaaliya'
- Shaki laga muujiyay dilka seynisyahanka ku dhowaaday fahamka corona fayras
- Ma la socotaa in unugyada difaaca jirkaaga weerarkooda aad u dhiman karto?
- Trump: Coronavirus waa dagaalkii ugu xumaa ee Mareykan lagu soo qaado
- Maxaa ka jira in dhimasho uusan sababin Corona Fayras ay aad ugu badatay Nigeria?
- Tixraaca wararka Covid-19 ee Afrika
- Maxaa ka jira in filimkan uu sii saadaaliyay caabuqa Corona?
- Sida wararka beenta ee corona u faafaan
- Masaajidda Maka iyo Madiina oo laga mamnuucay Saladaaha jamaacada
- Wiil Soomaali ah oo laga helay cudurka coronavirus oo ka walwalsan Soomaalida kale ee aan isbaarayn